Вы находитесь на странице: 1из 3

Kombyuutarka Horudhac

Waxaa laga yaabaa in uusan erayga kombyuutar kuugu cusbayn, hase


ahaatee waxaa dhici karta in aadan aqoon badan u lahayn ama aad ka
haysatid aragti aan ahayn micnihiisa dhabta ah.
Dad badan ayaa u haysta in uu kombyuutarku yahay aalad wax lagu
qorto oo kaliya; qaar kale ayaa iyaguna cuqdad ka qaba oo u yaqaan
jaasuus wax walba la socda; kuwo kale ayaa ku xad gudbay oo
noloshooda oo dhan ku xiray.
Haddaba, waxa aynu marka ugu horaysa isla eegaynaa waxa uu yahay
kombyuutarka. Kombyuutarku waa aalad ku shaqaysa quwadda
korontada oo awood u leh in ay xog aqbasho, shaandheyso, kaydiso,
isla markaana soo bandhigto natiijada ama fuliso hawsha loo diray,
iyada oo raacaysa hadba tilmaamaha la siiyay.
Dhismaha kombyuutarku waxa uu ka kooban yahay qeyb qalab ah iyo
qayb barnaamijyo ah. Qalabka ugu muhiimsan dhismaha
kombyuutarka waxaa ka mid ah furaha xarfaha, maskaxda, xusuushayaha, muraayadda, iyo aaladaha keydinta.
Barnaamijyadu waa shidaalka ka shaqaysiiya qalabka kombyuutarka.
Guud ahaan waxaa barnaamijyada loo kala saaraa laba nooc: kuwo
hagidda kombyuutarka qaabilsan iyo kuwo lagu qabsado hawlaha
kala duwan ee bulshada.
Qalabka iyo barnaamijyada kombyuutarka waxa aysan marnaba ka
maarmi karin dadkii soo saari lahaa, kuwi daryeeli lahaa, iyo kuwii
isticmaali lahaa. Sidaas darteed, waxa ay dadku ka mid yihiin
habdhiska kombyuutarka.
Qalabka kombyuutarka Inkastoo dhismaha kombyuutarradu uu kala
duwanaan karo, haddana qalabka kombyuutarrada waxaa aasaas u ah
afarta xubnood ee soo socda:

Aaladaha wargelinta oo ah qalabka aqbala xogta isla markaana u


gudbiya maskaxda kombyuutarka si loo shaandheeyo. Aaladahaan
waxaa ka mid ah furaha xarfaha iyo hagaha.
Maskaxda kombyuutarka waxay ka sameysan tahay isku-dhis
mareeg ah oo awood u leh shaandheynta xogta iyada oo raacaysa
tilmaamaha la siiyey. Qaybtaan waxaa si joogta ah ula shaqeeya
xusuus-hayaha. Xusuus-hayuhu wuxuu si ku meel gaar ah u
meeleeyaa hadba xogta, barnaamijyada iyo tilmaamaha kale ee ay
maskaxda kombyuutarku u baahan tahay.
Aaladaha warcelinta oo ah qalabka soo bandhigo natiijada ama
warka ka dhasha shaandheynta iyo lafaguridda xogta. Aaladahaan
waxaa ka mid ah muraayadda muuqaalka iyo madbacadda
kombyuutarka.
Aaladaha keydinta oo ah qalabka sida joogtada ah u kaydiya xogta
iyo barnaamijyada kombyuutarka. Aaladahaan waxaa ka mid ah
suxuunta iyo cajaladaha birlaka leh.
Barnaamijyada kombyuutarka barnaamij waa tilmaamo iyo amarro
lagu socodsiiyo hawlaha kombyuutarka. Waxay barnaamijyadu ku
qoran yihiin luuqad uu mashinka kombyuutarku fahmi karo.
Sida aan horay usoo xusnay, waxaa guud ahaan barnaamijyada
kombyuutarka loo kala saaraa laba nooc:
Barnaamijyada isticmaalka oo uu hadafkoodu yahay in ay xalliyaan
baahida cidda adeegsanaysa. Isticmaalkaasi waxa uu noqon karaa
qoraal, xisaabaad, diiwaangelin, ciyaaro iwm. Barnaamijyada
noocaani ahi waxay ku yimaadaan laba hab. Kuwo si gaar ah loogu
soo diyaariyaey hayad ama shakhsi, iyo kuwo loo soo nakhshadeeyay

in ay daboolaan baahi guud, sida qoraalka, xisaabaadka,


diiwaangelinta iyo kuwo isku dhafan.
Barnaamijyada hagidda oo u xilsaaran isu duwidda hawlaha
kombyuutarka, xiriirinta qalabka iyo barnaamijyada kombyuutarka.
Qaybtaan waxaa ugu muhiimsan Barnaamijyada Maamulka, kuwaas
oo aasaas u ah dhaqdhaqaaqa kombyuutarka.
Bahda kombyuutarka
Aaladaha kombyuutarka waxay maanta martigelin karaan qalab kala
duwan oo maqalka, muuqaalka iyo isgaarsiintuba loo adeegsado.
Tusaale ahaan, kombyuutarrada ujeeddo badanta ah waxaad u
isticmaali kartaa qoraal, muuqaal sawirro ah, maqal cod ah iyo
isgaarsiin caalamka oo idil ah. Hase ahaatee waxaa uu kombyuutarka
u baahan yahay qalab dheeraad ah iyo xawaare dhakhsa badan.
Qalabka dheeraadka ah ee kombyuutarka lagu rakibi karo waxaa ka
mid ah xiriiriye, saxanka madoorsoomaha ah, madbacadda, codabuure, iyo samaacado.
Machadka Sare ee Tababbarka Kombyuutarka ee Dahabi
Golden High Institute of Computer Training
+252907747100 | +252907846262
Garoowe, Soomaaliya

Вам также может понравиться