Вы находитесь на странице: 1из 35

Weedha Tafatiraha..............................................

Xafladii Abaal-Marinta Shaqaalaha Telesom.....

Shirkadda Telesom Oo Casho Sharaf U


Samaysay Boodhka Cusub Ee Sonyo.................

Maal-Galintii Dhakhaatiirta Qaliimo Kala


Duwan Ka Fulisay Dhakhtarka Hargeysa...........

Telesom oo ka qaybgashay Shirar Caalami ah

10

Xarunta Telesom Ee Gabilay Oo Olole


Nadaafadeed Ka Fulisay Gabilay........................

11

Shirkadda Telesom Oo Adeegyo Cusub


Soo Bandhigtay Sanadka 2013...........................

12

Astaamaha Cudurka Macaanka Lagu Garto......

13

Baro Mid Kamida Shaqaalaha Telesom..............

16

Tababaro Kala Duwa Oo Xafiiska


Shaqada Iyo Shaqaalaha Qabtay.......................

17

Maxaad Ka Taqaanaa Adeega Dhambaal...........

20

Faaiidooyinka Caafimaad ee Timirta................

23

Xalaal Quute Qaybtii 2-aad.................................

26

Moobaylkii Ugu Layaabka Badnaa...................

28

Adeega ZAAD IVR Iyo Dadka


Araga Naafada Ka Ah..........................................

31

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

WEEDHA TIFATIRAHA

arka hore waxaa Mahad balaadhan iska leh Illaaha


weyn ee ina siiyey nimcooyin badan oo aan la soo
koobin karin. Naxariis iyo Nabad-galyo korkiisa ha ahaato
Rasuulkeenii Muxamed ahaa ee inoo kala caddeeyey xaqqa
iyo baadilka.

Maxamed Ibrahhim
Editor-in-Chief

Intaas ka dib, waxaa farxad weyn noo ah in aanu idinla


waddaagno cadadkii 16-aad ee Wargayska Shirkadda
Telesom. Wargayskan ayaa soo baxa saddexdii biloodba
hal mar. Cadadkeenan bishan waxaanu ku soo qaadan
doonaa warbixino ka warramaaya waxyaalihii ugu
dambeeyey ee shirkaddu qabatay, hadday noqon lahayd;
Barnaamijyadda Arrimaha Bulshada, Caafimaadka,
Adeegyadda
cusub,
Arrimaha
Islaamka,
iwm.
Wixii macluumaadka dheeraad ah fadlan noogu soo hagaaji ciwaanaddan
Telesom Salaam Tower, Khairia Street,
Tel: +2522-522383
Email: multimedia@telesom.net
Email: telesommedi@gmail.com
www.telesom.net
Hargeisa Somaliland

GUDDIDA TIFAFTIRKA
Cabdisalan Ismacil Nuur
Eng. Faarax Sugaal Guure
Cabdiwahaab Maax
Cadnan Daahir Muxumed
Maxamed Cabdi Ahmed (Darbo)

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Telesom oo Abaal-marino Guddoonsiis

argeysa [Telesom Newsletter 28 Feb, 2013]


Shirkadda Isgaadhiinta Telesom, ayaa abaalmarin guddoonsiisay shaqaalaha shirkadda ee sida
hawl-karnimada ah u soo shaqeeyey sannadkii
2012. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo
ka dhacday Huteel Ambaasador, ayaa loogu magacdaray; Munaasibada 10-aad ee Abaal-marinta
Shaqaalaha Shirkadda Telesom ee Sannadka 2012,
waxana ka qayb-galay qaar ka mid ah Golaha
Wasiirrada, Golaha Baarlamaanka, Aqoon-yahanno,
Culumoawdiin, Salaadiin, ganacsato, masuuliyiinta
sarsare & shaqaalaha Shirkadda Telesom iyo
marti sharaf kale oo badan.

gaar ah siin doonto


sannadkan
dadka
naafada ah.
Guddoomiyaha
C.karim Maxamed Iid
S h i r k a d d a
Gudoomiyaha Telesom
Telesom Mudane
Cabdikariin
Maxamed Iid oo isaguna ka hadlay munaasibaddaas,
ayaa mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey marti
sharaftii kala duwanayd ee ka soo qayb galay

Dhan kale, waxa iyana xaflado la mid ah tan


caasimadda Hargeysa ka socotay ay ka dhacayeen
dhammaan
lixda gobol ee
dalka, iyada oo
la adeegsanayo
adeegga casriga
ah ee Maqal iyo
Muuqaal (Video
Conferencing
system)
oo
Faarax Sugaal
si toos ah u
Agaasimaha Maamulka
tebinayay
munaasibadahaasi.
Magaalo
madaxyada
Gobolada ee sida tooska ah khadka ugu jiray
waxa ka mid ahaa: Hargeysa, Togdheer, Saaxil,
Awdal iyo Laascaanood.
Agaasimaha Qaybta Maamulka Mudane Faarax
Sugaal Guure oo ugu horreyn mahad-naq iyo
salaan u soo jeediyey dhammaan marti-sharaftii
kala duwanayd ee ka soo qayb galay xafladdaas,
waxaanu sheegay in ujeedada xaflada inay
tahay, xaflad sannadle ah oo lagu abaal-mariyo
shaqaalaha Shirkadda Telesom, isaga oo
tilmaamay hanaanka shirkadu u shaqalaysiiso
shaqaalaha cusub.
Faarax Sugaal Guure, waxa uu xusay in Shirkadda
Telesom ay ka mamnuuc tahay xigtaysi, nin jeclaysi,
kooxaysi iyo Qabyaaladaysi, isaga oo caddeeyey in
Shirkadda ay ka shaqeeyaan shaqaale kala duwan
oo nooc kasta oo bulshada ka mid ahi ay ka mid
yihiin, waxanu si gaar ah u tilmaamay in ay mudnaan

xafladda Abaal-marinta shaqaalaha Shirkadda


Telesom, waxa uu hambalyo gaar ah u diray
shaqaale-weynaha Shirkadda Telesom ee ku kala
sugan dhammaan gobollada dalka.
Shaqaaluhu waa laf-dhabarta shirkadda, shaqaalaha
ayaa ah kuwa faaiidada usoo saara shirkadda,

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

say Qaar ka mid ah Shaqaalaheeda


shaqaalaha ayaa ah kuwa magaca iyo sharafta u soo
hooyey shirkadda. Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha
Shirkadda Telesom.
Gudoomiye Cabdikariim Maxamed Iid wuxu
tilmamay in hadafka shiraddu yahay raali galinta
macaamiisha, sidoo kalena ay Shirkadu sannadkasta
ay keento adeegyo cusub, taas oo ay ujeeddadu tahay
in la dabboolo baahiya macaamiisha. Gudoomiye
Cabdikariim ayaa sheegay in Telesom Somaliland ay
ka mid noqotay 14-ka shirkadood ee adduunka ugu
horreeya adeegsiga Moobilka
lacagaha loo isticmaalo.
Suldaan Cismaan Cali iyo Abwaan
Maxamed Ibraahin Hadraawi
ayaa khadka tooska ah ee video
Conference ka soo galay xarunta

magaalada
Burco, waxay hambalyo, salaan
iyo guubaanin u soo jeediyeen
ummadda reer Somaliland, gaar
ahaana shaqaalaha Shirkada
Telesom, waxaanay Shirkadda
ku amaaneen dhiiri-galinta
ay shaqaalaheeda u samayso
sannadkasta.
Shirkada Telesom ee

Dhanka kale, waxa xaflada


Abaal-marinta ee shaqaalaha
Telesom ka hadlay masuuliyiin ay
ka mid ahaayeen: Gudoomiyaha
Baarlamaanka
Somaliland
Mudane
Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdillaahi
(Cirro),
Wasiirka
Qorshaynta Qaranka
Sacad Cali Shire,
Wasiirka Diinta iyo
Awqaafta
Sheekh
Khaliil
Cabdillaahi
Axmed,
Wasiirka
C.risaaq Khalif Ahmed Ganacsiga Cabdirisaaq
Wasiirka Ganacsiga
Khaliif
Axmed,
Guddoomiyaha

Rugta Ganacsiga
M a x a m e d
Shugri, Culimoa w d i i n ,
Salaadiin,
bulshada rayidka
Sh.Aadan Maxamud Xiirey
oo ay ka mid
(Aadan Siiro)
ahaayeen,
Sheekh Aadan
Maxamuud
Xiiray
(AadanSiiro),
Suldaan
Axmed
Daahir
Muuse, Ku-simaha
Guddoomiyaha
Dalladda SONYO
Wacays, Faadumo
Cabdilahi Baaruud
Siciid
iyo
Saamilayda Telesom
Cabdillaahi
Baaruud
oo
ku hadlaayey afka Saamilayda Shirkadda,
waxay
dhammaan
masuuliyiinta
hambalyo, mahadnaq,
amaan iyo dhiirrigalin
u
soo
jeediyeen
Shirkadda Telesom iyo
Shaqaalaheeda, iyagoo
ku tilmaamay in ay C.raxmaan Cabdilahi (Cirro)
hormuud u yihiin Gudoomiyaha Baarlamanka
horumarka dalka, isla
markaana
kaalin
mug leh ay ka
qaadato, dhinacyada
cashuur
bixinta,
ka qayb-qaadasha
arrimaha bulshada,
soo
kordhinta
Faadumo Siciid
adeeggyadda
Ururada Rayiddka
bulshada
waxtar wayn u leh,
shaqaalaysiinta bulshada iyo ka qayb qaadashada
wax kasta oo bulshadu ku horumari karto.
Ugu dambayntii waxa
abaal-marin o kala duwan
la guddoonsiiyey shaqaalihii ugu wanaagsanaa
Waaxyaha kala duwan ee shirkadda Telesom iyo

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom oo Abaal-marin Guddoonsiisay


Qaar ka mid ah Shaqaalaheeda....
xarumaha gobollada dalka ee ay shirkaddu ka hawlgasho. Waxaa sidoo kale iyaguna abaal-marino ku
guulaystay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkada oo
Tababaro Aqoon-koradhsi ah siiyey shaqaalaha kale
ee shirkadda.
Abaal-marintan oo ahayd Abaal-marintii 10aad waxa si toos shahaadooyin loo gudoonsiiyey
shaqaalewaynaha Shirkada Telesom ee ku sugan
magaalooyinka Burco, Berbera, Borama, Ceerigaabo,
Laascaanood iyo dhammaan xarumaha shirkaddu ku
leedahay gobolada dalka oo dhan.

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Telesom oo Casho-sharaf Ku Soo Dhawaysay Hoggaanka


Cusub ee Daladda Ururadda Dhallinyaradda SONYO

argeysa [Telesom Newsletter - 25 Jan, 2013]Shirkadda Isgaadhiinsta casriga ah ee Telesom,


ayaa casho-sharafeed heer sare ah ku soo
dhawaysay Maamulka cusub ee dhawaan loo doortay
Daladda kulmisa Dhallinyarada Somaliland ee SONYO.
Munasibadan soo dhawaynta ah ee ay shirkadda Telesom
ku qaabishay hoggaanka cusub ee Daladda SONYO, ayaa
ka dhacday Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Munaasibaddana waxa
ka qayb galay dhammaan
Maamulka Sare ee
Daladda SONYO iyo
Agaasimaha
Qaybta
Horumarinta Ganacsiga
Shirkadda
Telesom
Md.
Cabdisalaan
Ismaacil Nuur. Ugu
Maxamed Abdi Darbo
horreyn waxa halkaas
MPR Deputy Manager
ka hadlay Maamule-kuxigeenka Waaxda Suuqgaynta iyo Xidhiidhka
Dadweynaha, Md. Maxamed Cabdi Axmed (Darbo)
waxaanu isbarey Maamulka cusub ee Daladda SONYO
iyo
Masuuliyiinta
Waaxda Xidhiidhka
Dadweynaha
iyo
Suuq-gaynta
ee
Shirkadda Telesom.

Waxa sidoo kale isna


halkaasi ka hadlay
Maamulaha
Qaybta
Horumarinta Ganacsiga
ee Shirkadda Telesom
Md.
Cabdisalaan
Ismaaciil Nuur, waxanu
u mahad-naqay dhammaan Dhallinyarada SONYO, gaar
ahaana Hoggaanka cusub, isaga oo xusay in kulankan
aanu ahayn kulankii ugu horreeyey, balse ay mar walba
xidhiidh joogto ah la leeyihiin Daladda SONYO.
Md. Cabdisalaan Ismaacil
Nuur, ayaa ku tilmaamay
casho-sharaftan
mid
ka mid ah xidhiidhka
Shirkadda
Telesom
la
leedahay
macaamiisheeda
dibadda, isaga oo xusay
in
Shirkadda
Telesom
ay
u
hambalyeynayso
C.salaan Ismacil Nuur Maamulkan Sare ee Daladda
Agaasimaha Ganacsiga SONYO dooratay, isla

markaana ay Shirkaddu markasta dhallinyarada garab


taagan tahay.
Guddoomiyaha
D a l a d d a
Dhallinyarada
SONYO Mubaarik
Ismaacil Taani, ayaa
Shirkadda Telesom
ugu mahad naqay
doorka ay ka gaysatay
Isgaadhsiinta
Somaliland,
taas
oo uu xusay in ay
1990-kii ay dadku
dhib badan ka mudan
jireen isgaadhsiinta oo ay qofka ku qaadan jirtay in muddo
3 maalmood ah ugu safro waddamada jaarka ah, si uu
Telefoon kula hadlo
eheladiisa u raadsado.
Waxa
kale
oo
Gudoomiye Mubaarik
Ismaaciil Taani uu
Shirkadda
Telesom
ku amaanay kaalinta
shaqaalaysiinta ee ay
shirkadda
Telesom
ku
shaqaalaysiisay
dhallinyaro badan, isagoo tilmaamay kaalinta ay shirkaddu
ka qaadato arrimaha danta guud.
Mubaarak Ismaacil Taani waxaa uu shirkadda Telesom
u soo jeediyey in ay door muuqata ka qaadato dhismaha
maktabadaha bulshada oo uu sheegay in mid keliya
uu ku yaalo magaalada Hargaysa oo dhan, kaasi oo
aad u yar, balse dhanka kale aanay ka jirtay wax
Public Libray ah dhamaan gobollada kale ee dalka.
U
g
u
dambayntii
c a s h o sharaftan
Shirkada
Telesom
u
samaysay
hogaanka
cusub
ee
D a l a d d a
Dhallinyarada
Somaliland ee SONYO ayaa ku soo gabo-gabeeyey jawi
farxadeed iyo isbarasho fiican oo dhex martay dhalinyaradda.

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Shirkadda Telesom oo Maal-galisay Qaliino Caafimaad

argeysa [Telesom Newslatter Feb 06th 16th,


2013]- Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa maal
galisay dhakhaatiirk Maraykan ah, oo qalliimo
kala duwan oo bilaash ah ka fuliyey Cusbitaalka Guud ee
magaalada Hargaysa. Dhakhaatiirtan oo ka soo deggay
Madaarka caalamiga ah ee Berbera, waxana halkaas ku
soo dhaweeyey
Maamulaha
Xarunta Telesom
ee
Berbera,
Masuuliyiin
ka
socday
Qaybta MPR-ka
ee
Shirkadda
Telesom
iyo
Xildhibaan
Cabdikariim
Aw
Cali
Shabeel oo ka
tirsan
Golaha
Wakiillada
Somaliland.

Munaasibaddii soo dhawaynta dhakhaatiirtan waxaa


ka hadlay maamulaha Telesom Berbera Sheekh
Mustafe Cali Cumar iyo Xildhibaan Cabdikariim Aw
Cali Shabeel waxanay ugu horayn u mahadnaqeen
Dhakhaatiirtan dalka timid. Dhanka kale waxay
sharaxaad kooban ka bixiyeen baahida loo qabo
qaliinnada caafimaad ee kalaa duwan ee bulshadda
Somaliland ee danyarta ahi u baahan yihiin,
waxaay sidoo kale tibaaxeen in shirkadda Telesom
markasta heegan ugu jirto taakulaynta Bulshadeeda.
Dhakhaatiiran oo muddo hal toddobaad ah ka waday
Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa qalliimo
isugu jira: Tolista Farruuraha, Quruxinta duubka sare
ee dadka jidhkoodu ka soo gaadhay dhaawacyada ay
sababaan dabka iyo shilalka kala duwan. Qaliinkan
ay sameeyeen dhakhaatiirtan Maraykanka ah waxaa
iyaguna ka caawiyey hawsha qaliinka qaar ka mid
ah dhakhaatiirta Somaliland oo uu ka mid yahay Dr.
Saleeban. Dhakhaatiirtani waxay qaliimo bilaash ah u
sameeyaan 12 qof oo isugu jira carruur iyo dad waaweyn.
Markii la soo gabo-gabeeyey hawsha qalliinka ee ay
Dhakhaatiirta Maraykanka ahi ka wadeen Cusbitaalka
Guud ee Magaalada Hargaysa, waxay Shirkadda
Telesom u samaysay xaflad-sagootineed cashosharaf ka dhacay Huteel Ambassaddor ee magalaada
Hargaysa. Xafladdaas oo ay ka qayb galeen:

Masuuliyiinta sarsare ee Shirkadda Telesom oo uu


ku jiray Gudoomiyaha Shirkadda Teleosm Muddane
Cabdikariim
Maxamed Iid,
Agaasimaha
Guud
ee
Wasaaradda
Caafimaadka
Cabdi Axmed
Nuur (Cabdiguray) Wasiirkii
hore
ee
Qorshaynta
Q a r a n k a
Somaliland Cali
Ibraahim Maxamed (Cali-sanyare) iyo Guddoomiyaha
Jaamacadda Abaarso Dr. Axmed Xuseen Ciise.
Masuuliyiinta ayaa dhamaantood ka hadalay
madasha casho-sharafeed waxanay mahadnaq
balaadhan u soo jeediyeen Dhakhaatiirtan
wakhtigoodii iyo aqoontoodu ugu deeqay bulshada
Somaliland, sidoo kalena waxay shirkadda Telesom
uga mahadnaqeen qaabilaadii iyo marti-galintii
ay shirkadda Telesom u samaysay dhakhaatiirtan
si ay dadka Somaliland wax ugu qabtaan.
Waxa kale oo xafladdaas casho-sharafta ah ka hadlay
Dr. Stephen Gorden iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad
ee la socday, kuwaasoo sheegay inay tahay markii
koowaad ee ay Somaliland yimaadaan. Dr. Stephen
ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu
qaliimo ku sameeyo dadka danyarta ah, wuxuu sidoo
kale u mahadnaqay shirkadda Telesom iyo dadkii kale
ee kala shaqeeyey hawsha qaliimada bilaashka ah.
Dhanka kale waxaa isaguna madasha Xafladda
ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda
Caafimaadka Dr. Cabdi Axmed Nuur waxaanu
shirkadda Telesom uga mahad celiyey dhakhaatiirka
ay
keentay
Hargeysa,
isagoo
tilmaamay
in wasaaradiisu ku tiirsan tahay Telesom.

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

TELESOM OO KA QAYBGASHAY SHIRAR CAALAMI AH OO SANNADKAN


BILOWGIISII LAGU QABTAY DUBAI IYO ADDIS ABABA

ddis-Ababa [Telesom Newsletter - 21 Apri,


2013] - Masuuliyiin ka socotay Shirkadda
Telesom ayaa ka qaybgalay shirar Caalami
ah oo lagu qabtay Dubai iyo Addis
Ababa. Shirarka Dubai lagu qabtay oo ku saabsanaa
isgaadhsiinta, internetka iyo qalabka baahinta waxa
ay qabsoomeen bishii March gudaheedii waxana
lagu soo bandhigayo teknoolajiyadaha casriga ah ee
maanta adduunku u isticmaalo awoodda internetka
iyo qalabka baahinta.
Shirka isna ka dhacay Addis Ababa, oo lagu qabtay
Hotel Sheraton 19-21kii March, 2013 waxa loogu
magac daray Shirka hal-abuurnimada teknoolajiyada
digitalka casriga ah ee Afrika Innovation Africa
Digal Summit. Waxana ka soo qaybgalay in ka
badan 500 oo ergey oo ka kala socday Wasaaradaha
Isgaadhsiinta iyo ICT-ga, shirkadaha isgaadhsiinta,
kuwa sameeya qalabka isgaadhsiinta, kuwa bixiya
adeegyada ICT iyo maaliyadda.
Shirka IAD waxa sannadkan hal-ku-dheg u ahaa
Dardargelinta & Horumarinta Istaraatiijiyadaha
Qaranka ee Internetka.
Ujeedada ugu weyn ee shirkadda Telesom ka
lahayd shirarkaasi caalamiga ah waxay ahayd
sidii ay macaamiisheeda uga faaiidayn lahayd
in teknoolajiyadda casriga ah ee adduunku ay
isticmaalayso haddii ay noqoto qalab iyo haddii ay
noqoto qaababka farsamo ee loo shaqeeyo.
Kasokow ka qaybgalka shirarkaasi, waxay
shirkaddu kulamo ganacsi iyo kuwa isbarasho kula

10

yeelatay shirkadaha ugu waaweyn ee hoggaamiya


teknoolajiyadda qalab iyo software ahaanba.
Masuuliyiintii shirkadda Telesom uga qaybgalay
shir ar kaasi
waxa
ka
mid
ahaa:
Maareeyaha
Guud
ee
Shirkadda,
M
r
.
Cabdikariim
Maxamed
Iid, Madaxa
Guud
ee
Farsamada,
E n g .
Abdirashed Muuse Iimaan, oo labadooduba ka mid
ah Idaarada Maamulka Shirkadda.
Waxa kale oo shirarkaasi ka qaybgalay: Mr.
Maxamuud Cabdiraxmaan, oo ah Madaxa Waaxaha
Internetka iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, Mr.
Cabdiwahaab Maax, oo ah Madaxa Waaxaha Saleska
iyo Zaadka iyo Mr. Cadnaan Daahir, oo maamule ka
ah waaxda Xidhiidhka Caalamiga ah.
Kasokow Shirkadda Telesom, waxa kale oo shirka
Addis Ababa ee Teknoolajiyadda ka qaybgalay
Agaasimaha Hayada ICT Qaranka Somaliland, Mr.
Cali iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Shirkadaha
Isgaadhsiinta Somaliland, Eng. Yuusuf Axmed
Yaasiin.

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Telesom Gabiley oo Olole Nadaafadeed oo Balaadhan


ka Fulisey Magaalada

abiley [Telesom Newsletter] Shirkadda


Isgaadhsiinta ee Telesom Qaybteeda
magaalada Gabiley, ayaa dhamaan shaqaalaha
iyo
gaadiidka
shirkadaasi
kaalin
laxaad leh ka qaateen
olole
nadaafadeed
oo laga hirgaliyey
magaalada Gabiley,
iyagoo si weyn uga
dhex
muuqdeen
Sh.Maxamed Muumin Aadam
goobaha shaqinka
Maamulaha Telesom Gabiley
laga gurayey.
Maamulaha Shirkadda Telesom ee Gabiley Sheekh
Maxamed Muumin Aadan oo hadalo dardaan ah
ujeediyey dadweynaha Gabiley, ayaa ugu baaqay
inay ka ilaaliyaan qashinka magaalada, isla markaana
u diyaar garoobaan horumarinta Gobolka Gabiley.
Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom waxay diyaar u
tahay ka qayb qaadashada horumarka Gobolka, balse
waxaan baaq u dirayaa dadweynaha Gobolka oo aan
leeyahay u diyaar garooba horumarinta Gobolka, isla

11

markaana waa in aan ku dedaalno in qashinka aad ka


fogeysaan gudaha magaalada, kuna ridaan goobaha
loogu talogalay.

Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom oo ka mid ah


shirkadaha ugu waaweyn shirkaddaha Isgaadhsiinta
dalka ayaa waxay markastaba ka qayb qaadataa
arimaha horumarinta iyo ololayaasha nadaafada
dalka. Waxay shirkadda Telesom ku dadaashaa in
ay bilicda magaalada door muuqata ka qaadato.
Xarumaha shirkadda Telesom ee goboladda ayaa laga
fuliyaa hawlaha danta guud ee bulshada deegaanku
ay u baahan tahay.

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Daahfurka Adeegyadda Cusub ay Telesom Bulshadda


u soo Kordhisay Sannadka 2013

kaydsanaa Kaadhka, haduu ka lumo in uu ka heli


Burco-[Telesom Newsletter - 01 March, 2013] - karo, Sim-cardka cusub ee uu qaato ama System-ka
Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa magaalada Shirkadda
Burco ee xarunta
M u d d a n e
gobolka Togdheer
Cabdisalaan
ku soo bandhigtay
Ismacil
ayaa
Adeegyo
cusub
sidoo
kale
oo ay Shirkadu
sharaxaado
u soo kordhisay
kooban
ka
macaamiisheeda,
bixiyey saddex
kuwaasi
oo
la
adeeg oo kale
jaan-qaadidoona
oo ay shirkadda
Ti k n o o l a j i y a d d a
Telesom
soo
casriga
ah
bandhigtay
Adeegyaddan
sanadkan
oo ay Shirkadu
c u s u b .
ugu
talogashay
Midig: Maxamud X.Ibrhaim, C.salaan Ismacil & C.raxman Aar
macaamiisheedu
in ay kaga maarmaan
baahiyo
badan oo ay u
qabeen ayaa munaasibad lagu daah-furaayay oo Adeegyaddaasi oo ay ka mid yihiin: 2. Adeega
ka dhacday xarunta Telesom ee magaalada Burco codka fariimaha, oo ah adeeg u sahlaaya qof inuu
waxa ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka fariin cod ah u diri karo qof uu u baahdo. 3. Adeega
kala socday Shirkadda Telesom, Ganacsatadda (IVR) oo ah adeeg u shaqaynaya sida xoghaynta
gobolka
Togdheer
iyo
marti-sharaf
kale. oo macmiilka u tilmaamaaya cidda uu si gaar
ah uga baahan yahay goobtaha ganacsatadda,
waxbarashadda, Xafiisyada dawlada iyo Hayadaha.
C a b d i s a l a a n 4. Adeega Missed-Call-ka oo ah adeeg uu qof ka soo
Ismaaciil
Nuur miss call garayn karo landline, mobile ama landline
oo ka mid ah kale.
masuuliyiinta
Shirkadda Telesom Dhanka kale xaflada waxaa ka hadlay masuuliyiin kala
ee
waaxda oo ka tirsan shirkadda Telesom oo ay mid ahaayeen
h o r u m a r i n t a Maxamud X.Ibrahim, Cabdiraxman Adam Ismacil,
g a n a c s i g a Cali Mahdi Madax iyo masuuliyiin kale oo kala socday
goboladda
oo Shirkadaha Ganacsiga gobolka Togdheer ee kala ah
munaasibadaasi Warshadda Ilays ee Saabuunta, Biyaha iyo Laydhka
ka hadlay ayaa waxaanay dhamaantood si yaabo kala duwan uga
ka
xog-waramay hadleen adeegyada cusub ee ay shirkadda Telesom
a d e e g y a d d a n soo kordhisay iyo guud ahaanba sida ay shirkaddu
cusub
ee
ay horumarka dalka qayb wayn uga qaadato.
shirkadoodu soo kordhisay iyo faaidadooda waxaanu
Ugu dambaytii shirkada Telesom ayaa halkaasi ka
yidhi. Waxaanu ku soo bandhigaynaa magaalada
shaaciyey in dhawaan shirkaddu ay furayaal cusub
Burco adeegyo cusub oo ka mid ah adeegyadii
ku kordhin doonto mobilada. Furayaashaasi ayaa
Shirkadda Telesom ugu talogashay macaamiisheeda
noqon doona sidan. Gudaha waxaa lagu gali doonaa
sanadkan cusub horaantiisa, markaa ugu horeyn,
adeegyadda aanu maanta soo bandhigayno, adeega
-XXXXXXX dibada waxaa lagaga soo gali
ugu horeeyaa waxa weeye, adeeg aanu magacahaan
u bixinay Kayd, adeegaasina waxa uu caan ku yahay doonaa +252-XXXXXXX.
oo aduunka looga yaqaanaa (Sim-Backup), ama in
qofku Simikaadhkii uu isticmaalaayay lambaradii ugu

063

63

www.telesom.net

12

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Astaamaha Lagu Garto Cudurka

udurka
macaanku waa
calaamado isku
tagey oo ah dhiiga
oo ay sonkortu ku
badato ama kaadida
oo ay sonkortu ku
Dr. C.fataax Maxamud Ibrahim
badato waxaana loo
General Doctor
yaqanaa (diabetes
mellitus) taasi oo ay
keento dheecaanka uu soo daayo qanjidhka la yidhaa
ganacu(pancreas) dheecaankaas oo la yidhaa (Insulin)
oo yaraada ama shaqadiisa si fiican u qaban waya.

Cudurkani waxa uu saameeyey 120 million oo qof


aduunka ku nool. Waxa la saadaalinayaa in sanadda
2020 marka lagaadho inuu saamayn doono 220
million oo qof.
Qaybaha Cudurka Macaanka:
Cudurka macaan ka waxaa loo qaybiyaa saddex
qaybood oo kala ah:
1. Type 1 diabetes (insulin-dependent
diabetes mellitus) waa nooca insulinta la
siiyo qofka .
2. Type 2
diabetes
(noninsulindependent
diabetes
mellitus)
noocani
waa nooca
aan inta
badan la siin
insulinta.
3. Gestational
diabetes
(diabetes
diagnosed in pregnancy) noocani waxa uu
dhacaa xiliga dumarku uurka leeyihiin, 4%
ayuu ku dhacaa dumarka uurka leh, waxaanu
keenaa dhimasho ama curyamid had iyo
jeerna marka ay dumarku umulaan uu ka
tagaa , 30-40% dumarka qaba kaadi macaan
ka xiliga uurka wuxuu u gudbaa type 2 ama
nooca labaad 10 sano gudahood

13

Nooca koowaad (TYPE 1) waxa uu ku badan yahay


dadka daadoodu ka yartahay <30 jirka , waxaana
dhaca dheecanka insulin ayaa yaraada nooca
koowaad .
Nooca labaadna (TYPE 2) waxa uu ku dhacaa
dadka dadoodu ka wayn tahay >30 jir-ka. ee
miisaankooduna uu wayn yahay, Qoyskooda cid ka
mid ahina ay qabto.
Waxyaabaha

Keena Guud ahaan


Macaanka:

Cudurka

Nooca koowaad waxaa keena jidhka dufaaciisa oo


weerara unugyada soo daaya dheecaanka insulin-ta
(AUTOIMMUNE), badanaana lama yaqaan waxa
keena (idiopathic).
Nooca labaadna waxaa keenaa waxa uu u badan
yahay HIDDO-RAAC ku yimaada unugyada soo
saara dheecaanka insulin-ta ama dheecaanka oo
shaqadoodu xumaato, Ganaca oo bukooda,Ganacoo
qalin lagu saaro ama Ganacoo Cancer ku dhaco.
Waxa kale oo keeni kara daawooyinka virus lagula
tacaalo.
Xanuunada uu keeni karo cudurka kaadi

macaanku:
1. Dhiigkarka
2. Kalyaha oo shaqda joojiya
3. Nerfaha oo xanuuna
4. Aragtida indhaha oo uu yareeyo

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Macaanka iyo Sida looga Hortago


5. Wadnaha oo uu dhawaco

1. Cuntada oo la kaantaroolo iyo qofkoo jimicsi


joogto ah sameeya.

6. Xididada dhiiga uu yareeyo.

2. Kiniinka macaanka oo uu qaato.

7. Faalig uu keeno
Calaamadaha Lagu Garto Macaanka Waxaa ka
Mida:-

3. Irbada macaanka uu qaato (insulin).

4. Haraad fara badan

Qofka marka uu cudurka macaanku ku cusub


yahay 50% waxaa lagu kaantarooli karaa cuntada
iyo jimicsiga. Qofka macaanka qaba waa inuu iska
ilaaliyaa cuntada sonkorta leh,cuntada dufanku ku
badan yahay oo uu yareeyo, cuntooyinka milixdu
ku badan tahay oo uu yareeyo, cuntooyinka carbon
hydrate-ka leh oo uu yareeyo iyo cabida sigaarka uu
joojiyo.

5. Culayska jidha oo yaraada

Siyaabaha looga Hortagi Karo Macaanka

1. Daal
2. Af-ka oo qalala
3. Kaadida oo badata

6. Kaadida habeenkii oo badata

1. Qofka oo jimicsi badan sameeya

7. Araga oo xumaaada

2. Miisaankiisa oo uu yareeyo

8. Yalaalugo

3. Cuntada sonkorta leh uu yareeyo

9. Madax xanuunka

4. Cuntada dufanka leh oo uu yareeyo

10. Mood-ka qofka oo is badala

5. Sigaarka oo uu cabistiisa joojiyo

11. Cuntadiisa oo badata

6. Cuntada milixda leh oo uu yareeyo.

12. Faraha oo bilaa dareen noqda (nabarana ay


ku dhacaan)
Siyaabaha Lagu Ogaado Kaadi Macaanka
Kaadi macaanka waxa lagu ogaan karaa in uu
qofka macaan ka qabaa ka sheekeeyo calamaha
uu isku arkay (history) Iyo in qofka laga qaado
kaadida ama dhiiga.
Dhiiga qofka waxa laga qaadaa laba jeer oo kale ah
marka qofku aanu waxba cunin (Fasting plasma
glucose > 7.0 mmol/L (126 mg/dL) waa marka uu
dhiiga sonkorta ku jitaa ay ka badato 126mg/dl ama
qofka oo wax cunay uu dhiiga sonkorta ku jirtaa
ka batto 200mg/dl oo la yidhaa (Random plasma
glucose > 11.1 mmol/L (200 mg/dL)
Waxyaabaha Lagu Daaweeyo Macaanka
Cudurka macaanka waxaa lagu daaweyn karaa
saddex xaaladood:

www.telesom.net

14

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Baro Mid ka mid Shaqaalaha Hal-doorka Telesom


W/Q: Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha
Cabdiraxmaan
Maxamed
Cabdi
waxa uu ku dhashay
dalkan Jamhuuriyada
Somaaaliland gaar
ahaan
degmada
Duruqsi ee hoos
timaada
gobolka
Togdheer, sanadkii
1 9 8 2 - k i i .
Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdi
C.raxmaan Maxamed Cabdi
waxa
uu
ku
dhamaystay dugsi
hoose ilaa dugsi sare magaalada Burco ee xarunta
gobolka Togdheer, sidoo kale waxa uu galay sanadkii
2008 kii jaamacada Burco (University of Burao)
Waxaanu dhamaystay sannadkii 2011, waxaanu
diyaariyey shahaadada Bachelors Degree in Business
A d m i n i s t r a t i o n .
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, wuxuu hadda Bare
sare (lecturer) ka yahay isla jaamacadii uu ka baxay
ee University of burco.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, barashada xirfadaha
kala duwan ee uu bartay waxaa ka mid ah:
1. Secretarial Certificate 2004

Bilawgii 2006 wuxuu noqday Head Of GSM


Section.
March 01st 2007 wuxuu noqday Head of
Billing Section.
July 01st 2010 waxaa loo dalacsiiyey oo uu
noqday ilaa hadana ku shaqeeyaa (Burco
Deputy Sales Manager).
Waxaa kaloo loo magacaabay dhamaadkii
sanadkii 2011 (Burco Sales Controller).
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi waxaa
uu qaatay mudadii uu shirkada u shaqaynaayey
tababaro fara badan, kuwaasoo isugu jiray qaybo
kala duwan oo la xidhiidha masuuliyadihii kala
duwanaa ee uu hayey, waxaana ka mid ahaa.

Skills of Excellence training 2008

Comprehensive statistics training January
2009

Anti money laundry training 2012

Customer service training

Sales and marketing training
Abaal marinta uu kasbaday (certificate of
appreciation):

2. Visual data base certificate

1. Certificate of good performance, grade A


year 2007

3. Accounting certificate diploma


4. Computer application certificate
5. Computer hardware/Software certificate
6. Computer Network
Shaqada shirkada Telesom waxa uu Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdi markii ugu horeysay bilaabay
January 01, 2005 waxaanu ka soo qabtay shaqooyin
kala duwan qaybaha kala ah:
Ugu horayn wuxuu ku shaqeeyey Bill
Collector

2. Certificate of good performance, grade A


year 2008
3. Certificate of good performance, grade A
year 2009
4. Certificate of good performance, grade A
year 2011
5. Certificate of good performance, grade A
year 2012.

Shan bilood ka dib waxaa laga dhigay Cashier.

www.telesom.net

16

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Tabobaro Kala Duwan oo Loo Qabtay Shaqaalaha


Shirkadda Telesom

argeysa [Telesom Newsletter - Mar, 2013] Xafiiska shaqada iyo shaqaalaha oo ah xafiiska
shirkadda Telesom u qaabilsan arimaha
shaqaalaha, ayaa saddex bilood ee ugu horeeyey sanadkan
2013 waxaa uu ku
dadaalaayey
sidii
loo horumarin lahaa
tayadda iyo aqoonta
shaqaalaha
kala
duwan ee shirkadda
ee ka hawl-gala
dhamaan goboladda
dalka. Qormadeenan
waxaanu ku soo
qaadan doonaa qaar
ka mid ah tababaradii
la siiyey shaqaalaha
shirkadda Telesom.
Qaar ka mid ah shaqaalaha Qaybaha R&D iyo ICT ayaa
tababar
l o o g u
diray dalka
Jabuuti.

Shaqaalahaasi ayaa lagu soo tababar barnaamijyo badan


oo la xidhiidha dhinaca culuumta kombuutarka. Kuwaas
oo wax wayn ku soo kordhiyey aqoonta shaqaalaha.
Waxaa bishii February Tababar ku saabsan Adeegyada
Telesom iyo Daryeelka Macaamiisha loo qabtay shaqaale ka
tirsan Qaybta Ilaalada.Tababarkani waxa loogu talagalay
sidii shaqaalaha ilaalada ah ee ka hawl-gala Xarumaha Saleska loo fahamsiin lahaa Qiimaha daryeelka macaamiishu

17

u leedahay shirkada iyo inay waliba fahmaan guud ahaan


adeegyada
T e l e s o m
B i x i s o .
Ta b a b a r k a n
waxaa
ka
qayb galay 18
shaqaale.
Waxaa sidoo
kale
tababar
ku
sahabsan
maamulka
firfircoon
la
siiyey 21 shaqaale ah oo ka tirsan Qaybaha ZAAD iyo
R&D. Ujeedada ugu wayn ee tababarkani waxay ahayd
in aqoonta shaqaalaha Qaybta ZAAD iyo R&D kor loo
qaado, si ay shaqadu u noqoto mid loo qabto habka ugu
fudud ugana waxtarka badan, iyadoo la adeegsanaayo
hanaan cusub oo loo maamulo mashaariicda.
Tababaradda
uu
bixiyo
Xafiiska
Shaqadda iyo
Shaqaalaha
kuma koobna
oo kaliya intan
aanu kor ku
soo
xusnay
ee
waxaa
sidoo kale jira
tababaro badan
oo qaar ka mid
ah shaqaalaha
khabiiradda ah
ee shirkaddu
ay
bixiyaan
oo ay siiyaan
shaqaalaha
xarunta guud
iyo goboladaba ku sugan. Waxaa sidoo kale jira tababaro
gaar ah oo shaqaalaha xirfadaha gaarka leh la siiyo shaqada
dhexdeeda (On Job Training). Dadaaladan dheeraadka ah
ee lagu bixinaayo tababarka shaqaalaha waa kuwo si toos
ah uga muuqanaya hab-dhaqanka wanaagsan iyo kartida
shaqo ee shirkadda Telesom ay macaamiishu kala kulmaan
xarumaheeda.

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Maxaad ka Taqaanaa Adeegga DHAMBAAL/MYSMS?


W/Q: Muuse Maxamed Siciid

kala duwanaanshaha macaamiisha tusaale


ahaan koox waa dumarka oo kaliya. Koox
kale waa liiska dhalinyaradda, koox kale
waa dadka waaweyn. Ka dib taasi waxay
u sahlaysaa inay qolo kastaba baahidooda
soo wargaliyaan. Arrintaasi waxay u
keentay ganacsatadaa macaash aad u
badan oo ay u riyaaqeen.

ormadan waxaynu ku eegaynaa mid ka


mida adeegyada ugu saamaynta badan ee ay
Telesom u soo bandhigto macaamiisheeda.
Haddaba, si aynu si faahfaahsan ugu qaadaa dhigno
adeegani muxuu yahay? Yaa loogu talo galay inay
isticmaalaan? Muxuu kaga duwan yahay adeegyada
kale ee la mid ka ah sida SMS-ka mobile-ka laysaga
diro? Iyo suaalo kale oo la mida.
I.

ii.

Muxuu yahay adeega DHAMBAAL?


Adeega DHAMBAAL MYSMS sida ka
muuqata magaca waa adeeg laysugu diro
farriimaha degdega ah, waxaa lagu isticmaala
Computer-ka, wuxu ku shaqeeya internetka. Adeegani wuxu awood inoo siinaya
inaynu farriin qoraal ah u dirno dad tiro
badan kuwaasoo ilbidhiqsiyo gudahood ay
gaadhayso fariintaasi waxaanay ku dhacaysaa
mobile-ka qof walba. Waxa xusid mudan in
isla marka qofku daalacdo muraayada mobilekiisa uu arki karo magaca cidda soo dirtay
farriinta, tusaale ahaan haddii Ganacsade
soo dirtay magaca Ganacsadaha ayaa ka soo
baxaya isla markaana waxad aqoonsanaysaa
in fariintani ka timid Ganacsade.

II.

IV.

Adeegan waxaa loogu talo galay Hayadaha


dawladda, kuwa maxalliga ah, Hayadaha
caalamiga ah, UN-ta iyo ganacsatada
dhamaantood waxay ka faaiidaysan karaan
isticmaalka adeegan iyagoo siyaabo kala
duwan oo baahiyahooda isgaadhsiineed ee
kala duwan uga faaiidaysanaya.
Sidee
ayay
ganacsatadu?

Uga

i.

Waxa xusid mudan in hayadaha dawladu


uga faaiidaysan karaan dhinacyadda dakhli
ururinta cashuuraha oo dadka cashuuruhu
baaqiga ku yihiin loo diri karo fariimo xasuusin
ah in waajibaadkii cashuuraha lagu leeyahay
oo ay soo bixiyaan. Waxa kale oo aad si fudud
ugu diri kartaa liis dheer oo nambaro telefoon
ah.

Faaiidaystaan

Adeega DHAMBAAL ganacsatadu waxay


ka helaan faaiidooyinka badan oo horumar
ku soo kordhisay ganacsigooda. Labada
faaiido ee ugu wayn ee adeegan ay ka heleen
ganacsatadu ayaa kala ah:
Xayaysiis:
Ganacsatadani
waxay
soo uruursadaan liiska telephone-ada
macaamiishooda ka dibna waxay u kala
samaystaan kooxo iyagoo ku salaynaya

Sidee Ayay Uga Faaiidaystaan Hayaduhu


Adeegan?
Hayadaha aan kor ku sheegnay ee ka midka
yihiin kuwa dawladda, caalamiga ah, UN-ta
iyo kuwa maxalliga ah intaba qaar badanoo
ka mida way isticmaalaan adeega. Hawlaha
uu u fudaydiyo waxa ka mida shirarka
degdega ah oo markii ba fariimaha MYSMS
laysugu sheego, tababarada oo wakhtigooda
iyo goobtay ka dhacayaan laysugu baahiyo
dhambaal/MYSMS service.

Yaa loogu talo galay adeegan inay ka


faaiidaystaan?

III.

Dayn soo ururin: Adeegan waxaa uu


sahlay in ganacsatadu ku soo urursato
daymahooda kaga maqan macaamiisha
iyagoo isticmaalaya adeega Dhambaal/
MYSMS, waxaana qofka macmiilkooda
ah ay ku war galinayaa inuu soo
bixiyo daynt/biilkii bisha. Waxaanay
macaamiishu si fudud ugu soo diranayaan
ZAAD ganacsatadaha lacagtii lagu lahaa.

V.

Dhambaal/MYSMS Muxuu Kaga Duwan


Yahay SMS-ka Caadiga ah?
Waxa jira adeegyo (features) uu la gaar
yahay adeegani waxa ka mida fariin diraha
oo magaciisu (sender ID) usoo baxayo cidda
hesha fariinta halka fariinta sms-ka caadiga
ah lambar kuu soo baxayo, qoraal ahaan way
ka fududahay oo keyboard-ka computer-ka

www.telesom.net

20

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Maxaad ka Taqaanaa Adeegga DHAMBAAL/MYSMS?


ayaad isticmaalaysaa halka SMS-ka aad ku
isticmaalayso keyboard-ka mobile-ka oo
wakhti badan laga yaabo qoraalkiisu inuu
kugu qaato.
VI.

Maxaa layga baahanyahay si aan u helo


Dhambaal/MYSMS?
Adeegan looma furo shakhsi ama ashkhaas
aan sharciyad urur ama hayadeed aan haysan.
Waa in marka hore aad u taagan tahay urur
haysta sharciyad buuxda oo wakhtigeedu
aanu dhicin, sidoo kale waa inaad aqbashaa
shuruudaha ku cad warqada heshiiska.
Intaasi ka dib, waxaa laguu diwaan-galinayaa
adeegan waxaanad awoodi doontaa in aad u
dirto fariimahaaga dadka aad danaynayso.

21

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

www.telesom.net

22

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Faaiidooyinka Caa

imirtu
waa
k h u d a a r
ama
midho
barakaysan. Geedka ay
ka baxdo dherarkiisa
waxa lagu qiyaasaa
20 ilaa 25 meter oo
caleemo cagaaran mar
walba leh. Geedkan oo
in badan Quraanka
Mustafe Adam
Kariimka
ah
iyo
R&D Department
Axaadiista nabigeena
Suuban (Naxariis iyo
Nabadgelyo Korkiisa ha ahaatee) ku soo arooray
waxa uu aad uga baxaa dalalka Waqooyiga Afrika
iyo Galbeedka Aasiya ee Saxaraha Carbeed.
Marka laga yimaado Mucjisooyinka iyo
faaiidooyinka kale ee ay Timirtu leedahay,
waxa aynu dhawr qodob ka soo qaadan doonaa
waxtarka caafimaad ee ay dhakhaatiirta iyo
khubarada
Nafaqadu
caddeeyeen.
Timirtu
waxa ay qani ku tahay
walaxda antioxidants
taas oo ka ilaalisa
unugyada iyo xubnaha
jidhka
fayrasyada
iyo
bakteeriyooyinka
abuura noocyada xanuunada kala duwan, sida
Kansarka. Timirta waxa ku badan macdanta
birta (Iron), taas oo faaiido badan u leh jidhka.

Faaiidooyinka Timirta:
1. Waxay midabka cas u samaysa dhiiga
Hemoglobin.
2. Waxay gaadhsiisaa Oxygen-ta dhiigga
oo dhan.
3. Waxay kor-u-qaadaa habdhisyada difaaca
iyo dheef-shiidka, iyo ka hortaga-dhiig
laaanta. Waxa laga helaa macdanta
Potassium-ka taas oo jaan-gaysaa
dareerayaasha jidhka, habdhiska dareen-

23

wadayaasha iyo ka hortaga dhaawacyada


ku dhaca muruqyada jidhka.
4. Hooyooyinka Uurka leh oo ay u
wanaagsan tahay, gaar ahaan dhalmada
oo ay fududayso haddii ay si joogto ah u
cuni jirtay wakhtigii uurka.
5. Waxa ay xadidaa heerka sonkorta jidhka,
(blood glucose level).

Xanuunada ay Timirtu Dawada ama Ka


Hortaga Ka Tahay

1. Wadno-xanuunka (heart diseases):


macdanta Potassium-ka ayaa waxtar
weyn u leh garaaca wadnaha iyo dhiiga,
kana ilaalisa xanuunada lidka ku ah
wadnaha. Muruqyada wadnaha iyo
dareen-wadayaasha wadnaha soo galaya
ayay timirtu sidoo kale waxtar weyn u
leedahay.
2. Calool-Istaagga (Constipation): Timirtu
waa dawo dabiici ah oo lagu dabiibo
Calool-istaagga. Haddii aad Timir
ku radiso caano oo aad dayso maalin
gudaheed, dabadeedna aad isticmaasho
saddex maalmood oo isku xiga, waxa
ay daawo ka tahay Calool-istaaga iyo
walxaha sunta ah ee caloosha ku jira.
3. Caatada (Slimming): Timirtu waxa ay aad
ugu wanaagsan tahay dadka caatada ah,
sababta oo ah waxa ay ka kooban tahay

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

afimaad ee Timirta
sonkor, dux iyo borotiin, kuwaas kor
u qaada cufnaanta iyo culayska qofka.
Sidaas daraadeed; dhakhaatiirtu waxa
ay ku taliyeen in aanay isticmaalkeeda
badsan dadka miisaankoodu badan yahay
(over weight).
4. Caafimaadka Lafaha (bones): Timirtu
waxa ay ka mid tahay ilaha macdanta

maalin walba waxa ay burburinaysaa


dhagxaanta Kelyaha iyo dhabarxanuunka.
7. Dhaawacyada iyo khalkhalka ku yimaada
midhicirada.
8. Wuxuu ka Joojinta Carruurta habeenkii
isku kaadida, haddii la siiyo laba xabo oo
Timir ah marka ay seexanayaan.
9. Timirta waxa kale oo lagu daweeyaa
Aragga iyo Tamarta oo diciifa, gaar
ahaan xiliyada Soonka.

Manganese, taas oo faaiido caafimaad


u leh lafaha.
5. Hoos-u-dhaca Dareenka Jinsiga (Sexual
Weakness): Timirtu waxa ay hawl-kar ka
dhigtaa dareenka jinsiga ah. Haddii qofku
gaar ahaan ragga ka cabanaya hoos-udhaca
dareenka
jinsiga,
waxa
habboon
in uu
isticmaalo
isku darka
TIMIR+MALAB+CAANO, kadibna
aroor walba cuntaa ka hor ayuu cabayaa
muddo hal wiig ah, dabadeed waxa uu
dareemi doonaa isbedel waxtar leh oo ku
yimaada dareenkiisa jinsi iyo jacaylka uu
u qabo.
6. Dhagxaanta Kelyaha (Kidney stone):
Laba xabo oo Timir ah oo aad cunto

www.telesom.net

24

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

25

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Xalaal Quute - Qaybtii 2-aad

Sh. Ibrahim Axmed Siciid


Qaybta Shareecada

aybtii
hore
waxan
ku
sheegnay
in
dariiqyada
kasabka
xalaasha ah lagu helo
ay ugu horayso gacanta
oo aad ka shaqaysatid,
waxaynu
sheegnay
meelaha ay xaaraantu
kasoo geli karto,
markaa qormadeena
maanta waxan ku soo
qaadanaynaa dariiqa
ku xiga oo ah:

2. In aad kasabka ku heshid iib iyo baayac mushtari


Wuxu Nebigu (SCW) ku xigsiiyay gacanta oo laga
shaqaysto iyo Iib kasta oo lagu baari falo
Iibka iyo baayac mushtarka nebigu wuxu ka dhigay
kaalinta labaad ee ugu fiican kasabka wadooyinkiisa
kala duwan, laakiin wuxu leeyahay shuruudo badan oo
ay ka mid yihiin:
a) Waa in qofka baayac mushtarka gelayaa uu aqoon
u leeyahay xalaasha iyo xaaraanta
b) Waa inuu garanayo muxuu iibku ku ansaxayaa iyo
maxaanu ku ansaxayn.
c) Waa inuu garanayaa Ribada iyo dariiqyada ay ku
timaado
Bal aan is dul taagno sadexdan qodob ee kor ku xusan
1. Waa in
qofka wax
iibinayaa
garanayo
xalaasha iyo
xaraanta,
I l a a h a y
w a x n a
wuu
inoo
xalaaleeyey
w a x n a
wuu
inaga
xaaraamtimeeyey. Qofka wax iibiniyaa waa inuu
garanayo, tusaale qishka, khayaamada iibka, dhaarta iibka
dhexdiisa ah, Ribada, feliska, ka dul iibsiga, alaab aanad
weli gacanta ku dhigin iibinteeda, amaahinta faaiido
kaaga soo laabanayso, kuwaas iyo kuwo kaleba Ilaahay
wuu xaraameeyey, qofka wax iibinyaa waa inuu yaqaan

waxyaalahan aanu kor ku xusnay.


Muxuu Iibku Ku Ansaxayaa?
Iibku wuxu leeyahay shuruud & Arkaan uu ku ansaxo,
waxa la iibinyaana waxay leeyihiin shuruud ay ku ansaxaan
kuwaa oo aynu wax ka tilmaami doono si guud mar ah waa
in qofka wax iibinyaa garanyaa aqoona u leeyahay:
Arkaanta Iibka
Arkaanta (tiirarka) Iibku waa Sadex:
1.

Iibiye & Iibsade

2.

Siiqo (Iib ku dhawaaqid iyo ka aqbalid)

3.

Bedeeco (Shayga la iibinayo).

Rukniga kowaad waa in la helo qof wax iibinaya


iyo mid iibsanaya, labadaas oo wada socdaa waa
tiirka kowaad ee iibka.
Shuruudaha Laga Rabo Labada Qof ee Wax Kala
Iibsanaya
a) Waa inay qaan gaadh yihiin ama gaadhsiisan
yihiin heer wax kala soocid wixii quman wixii
qaloocan (tamyiis)
b) Waa inay miyir qabaan ee aanay waalayn ama Qof
is dhiman ahayn
c) Waa inay tasarufi karaan oo aanay ku jirin xaalad
xanibi karta tasarufkooda sida nin kacay, ama nin
musrif xoolo saydhiye ah.
d) Waa inay ikhtiyaarkooda ku meel marayaan
raalina ku kala yihiin, ee aanay xaalad khasab
iwm ku jirin
e) Waa inay iyagu leeyihiin waxa ay kala iibsanayaan,
ama u haystaan oggolaansho sharci ah sida
wakaalad, ama idan.
Rukniga Labaad waa inay jirto qaab qofka wax
iibinaya ama kan iibsanayaa yidhaahdo waxan
ayaan iibinayaa, intaa ayaan siinayaa ka dib
iibsaduhu ku aqbalo qiimaha uu sheegay, wuuna
gorgortami karaa ka dib inay isla ogolaadaan
qiimahan islana meel dhigaan ayaa laga rabaa.
Shuruudaha Ayey Leedahay Siiqadu:
a) Waa inay is waafaqsan yihiin Soo jeedinta
qiimaha iyo ku aqbalistu, hadii ay is khilaafsan

www.telesom.net

26

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Xalaal Quute - Qaybtii 2-aad


yihiin oo mid yidhaahdo 10 toban ayaan
siinayaa, kan kalena yidhaahdo sagaal ayaan
ku qaatay, siiqadu ma ansixin ee waa inay
dhinacuun isu raacaan.

b) Waa in siiqadi isku waqti dhacdaa, ee aan la


laba waqti oo kala durugsan aanay dhicin
c) Waa in aan shuruud lagu xidhin, shuruudu
waxay noqon kartaa mid waqti sheegaysa ama

xaalada kale oo dhici doonta iibka ku xidhaysa,


markaa sidaa ku ansixi mayso, tusaale: wuxu
yidhi lacag baan sugayaaye markaan helo
ayaan lacagtaa ayan ku iibsanayaa.
Rukniga Sadexaad waa badeecada la kala
iibsanayo. Waa inay jirto badeecad meesha taal oo
la kala iibsanayaa.
Shuruuda Badeecada La Iibinaayo:
a) Inuu yahay wax yaala oo muuqda ama sifadiisa
la isla garanayo.
b) Inuu yahay waxa xalaal ah in la iibiyo ee aanu
ahayn waxa xaaraan ah sida khamriga iyo
doofaarka.
c) Waa in uu sugan yahay ee aanu ku jirin wax laga
jaahil noqon karo, tiro ahaan, sifo iyo sawrac
ahaan.
d) Waa inuu yahay wax la kala qaadan karo oo la
isku wareejin karo, wax aan xaasil weli noqon
lama iibin karo, wax maqan oo sida Awr buubay,
Kaluun badda ku jira, Haad cirka duulaya waxaa
lama kala iibsan karo ilaa gacanta ay soo galaan.
e) Wax qiime maal leh ama manfaco loo qasdiyi
karo leh, wax aan qiime maaliyadeed lahayn
lama kala iibsan karo, wax aan manfaco loo

27

qasdiyi karo aan lahayna lama iibin karo. Waxa


jira waxyaalo manfaco leh, dhibaatona leh,
kuwaas oo kale waxa la eegayaa kee baa badan,
hadii manfacadiisu ka badato dhibtiisa waa
xalaal, haddii dhibtiisu manfacdiisa ka badato
waa xaaraan.

f)
Waa in
qiimaha lagu kala
iibsadey sugan yahay
ee aan jahli soo geli
karin
Intaa aan kor ku
xusnay haddii mid
kali ahi meesha laga
waayo iibku wuxu ku
dhacayaa mid naaqis
ah oo aan ansixin, haddii iibku ansixi waayo, shayga la
kala iibsadey iyo qiimaha la kala qaatay midna ansax
noqon maayo, haddii ay ku sii socoto sidaa oo aan iibkaas
la joojin, wuxu noqonayaa in xoolihii iyo maalkii dariiq
aan xalaal ahayn lagu kala qaatay, ilaahayna wuu diidey
oo wuxu yidhi; Kuwii Iimaanka lahaayoow dhexdiina
xoolahiina baadil ha ku kala cunina suurada Baqara
Aayada 30 aad.
Qofku inta aanu Cibaadada dhex gelin waxa laga rabaa
inuu barto waxay ku ansaxayso, waxay ku burayso, waxay
ku nuqsaamayso.
Sidaa si la mid ah ayaa laga doonayaa qofka Muslinka ah in
aanu macaamilka iska dhex gelin ilaa inta uu ka baranayo
Muxuu ku ansaxyaa? Muxuu ku xaaraamoobayaa? Muxuu
ku Burayaa?
Iimaamu Shaafici ayaa yidhi; Qofka Aakhiro doonaya
waxa laga rabaa cilmi,
Qofka aduunka doonayana
waxa laga rabaa cilmi
Haddii Qofku u badheedho
inuu dadka la macaamilo,
gaar ahaan inuu baayac
mushtar galo isagoo aan
baran
axkaamtiisa
wuu
ku dambaabayaa, waxana
suurta gal ah inuu ku dhaco wax Ilaahay iyo rasuulkiisuba
diideen Amiirkii Muslimiinta Cumar Bin khadaab suuqa
wuu ka kicin jirey qofka aan garanayn Ribada, waayo
wuxu ogaa in qofkaasi aanu kala saari Karin xalaasha iyo
xaaraanta, markaa qofka iibka gelayaa waa inuu cilmi iyo
aqoon u leeyahay axkaamta iibka, haddii kale qardo ayuu
xoogsanayaa aakhiradiisana wuu ku khamaarayaa.

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Moobaylkii Ugu Layaabka Badnaa ee Shirkadda


Samsung Galaxy Soo Saartay

hirkadda Samsung ee xarrunteedu tahay


dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ku soo
bandhigtay magaalada New York ee dalka
Maraykanka
S a m s u n g
Galaxy S4 oo ah
moobilkeedii ugu
dambeeyay ee ay
farsamayso, kaas
oo isla markiiba
lagu magacaabay
iPhone Killer
oo macnaheedu
n o q o n a y o
iPhone
Dile
Maxamed C.Khalif
iPhone
waa
R&D Department
noocyo
badan
oo ah moobilo
ah kuwaas oo ay soo
saarto shirkadda Apple
ee ay tartanka xoogani
ka dhaxeeyo Samsung.
Galaxy S4 ayaa muuqaal
ahaan u eeg moobilkii
ka horeeyay ee Galaxy
S3, iyada oo aad kaliya
ku garan karaysid marka
aad gacanta ku qabato
farqiga u dhaxeeya
labada moobil.
Haddaba waxa isweydiin mudan, waa maxay
waxyaalaha ku cusub moobilkan ee Samsung ay
ku soo kordhisay Samsung Galaxy S4. Waxyaalaha
ugu muhiimsan ee ay shirkaddu ku soo jiidan
doonto macaamiil badan ayaa ah iyada oo ku soo
kordhisay farsamooyin (features) cusub oo aad u
layaab badan kuwaas oo aynu ka soo qaadan doono
10 shay oo cajiib ah, kuwaas oo kala ah:
1. (Smart Pause): Adiga oo daawanaya
fiidyow haddii aad meel kale u jeedsato
fiidyowgu isaga ayaa si toos ah
(automatically) isku joojinaya, oo garanaya
inaan meel kale eegaysid.

akhriyaysid uma baahnid inaad gacanta


ku durkiso ama ku dhaqaajiso bogga ama
qoraalka, indhahaagu markay bogga xaggiisa
hoose eegaan ayaad moobilku bogga kor
kuugu dhaqaajinayaa, isaga oo moobilku
hadba la socdo meesha indhahaagu eegayaan.
3. (Air View Feature): Marka aad sawirada
ama fiidyow aad daawanaysid, adiga oo aan
gacanta moobilka ku taaban ayaad badbadali
kartaa, kaliyana ku ishaaraya inuu sawirka
badalo ama tago bogga ku xiga.
4. Markii aad doonayso inaad eegto links ama
folder, uma baahnid inaad gacanta ku taabatid
farta ayaad meesha ku dhawaynaysaa, si

automatic ah ayuu kuugu soo waynaynayaa


(zoom) adiga oo aan taahan ka dibna wuu
kuu furayaa adiga oo aan taahan shaashada
moobilka.
5. (Dual Camera): Moobilka Galaxy S4 waxa
uu leeyahay laba kamaradood: Mid hore
(front Camera) iyo mid dambe (rear Camera),
kuwaas oo mar kaliya qaadaya laba sawir meesha ama dadka sawirka laga qaadayo iyo
qofka qaadayaba isaga oo is dhex galinaya
sawirkii iyo qofkii sawirka qaadayba.
6. (Clever Phone): Dhowr qof baad inta sawir
ka qaado ayaad qof ama shay ka masixi
kartaa, isaga oo moobilku meesha ka saaraya
qofkii sawirkiisa ama ka saaraya shay kaa
galay sawirka oo aanan rabin inuu ka muuqdo
sawirka aad qaaday.

2. (Smart Scroll): Marka aad bog ama qoraal

www.telesom.net

28

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Moobaylkii Ugu Layaabka Badnayd ee Shirkadda


Samsung Galaxy Soo Saartay....
7. (Photo-bombing:) waxa aad qaadi kartaa in
ka badan 30 sawir il-bidhiqsiba (30 frames
per second).
8. (TV Remote): Adeeg lagu magacaabo
WatchOn oo ay leedahay Samsung ayaa kuu
fududaynaya in aad moobilkaaga u adeegsato
Remote Control ahaan adiga oo janalada ku
badbadalaya.
9. (Linguist): Galaxy S4 waxa uu fahmayaa ilaa
sagaal luuqadood. Sidaa darteed, marka aad
wadan kale tagtid waxa uu kuu fududaynayaa
inaad ku qorto qoraal isaga oo afka aad
doonayso oo cod ah kuugu turjumaya,
isla markaana jawaabta codka ah ee lagu
siiyo kuugu badalaya qoraal ka muuqanaya
shaashada moobilkaaga.
10. (S Health): Galaxy S4 waxa uu badbaadin
karaa naftaada isaga oo ka warhaynaya
miisaanka jidhkaaga, heerka macaanka
jidhkaagu marayo iyo waliba heerka dhiigkarka. Waxa kale oo moobilku cabiraya in
hurdadii aad seexatay ay kugu filan tahay iyo
in kale.
Galaxy S4 Muxuu Kale oo Dheer Yahay
Galaxy S3?
Muuqaal ahaan shaashada (Screen-ka) ayaa weyn
kaas oo ah 5 inch, halka Galaxy S3 uu ka yahay
4.8 inch, baytari (battery) oo awoodiisu tahay
2,600mAh (milliampere Hour), halka Galaxy S3
uu ka ahaa 2,100mAh, xawaaraha Processorka oo
sareeya, laba kamaradood (cameras) oo laba jiro
oo kala duwan sawiro ka qaadaya, resolution-ka
ama aragtida muuqaalka sawirada iyo fiidyowga
oo sareeya kaas oo ah 1,920 x 1.080, halka Galaxy
S3 uu ka ahaa 1,280 x 720.

Memory-ga Galaxy S4 waa 2 GB, halka kii hore


uu ka ahaa 1GB / 2GB (Variants), Storage-ka ama
kaydka moobilka Galaxy S4 waa 16 / 32 / 64 GB
User Memory (kaadhka memory-ga) + microSD,

29

halka kii hore uu ka ahaa 16 GB / 32GB iyo


weliba Software-ka oo kii ugu danbeeyey ee
Android lagu shubay oo ah Android 4.2.2 (Jelly
Bean), halka Galaxy S3 uu ka lahaa Operating
System-ka Android 4.1 (Jelly Bean), miisaanka
(weight) moobilka Galaxy S4 waa 130 grams,
halka Galaxy S3 uu ka yahay 133 grams.
Waxa kale oo intaa dheer marka la soo waco
taleefonka Galaxy S4 aad ku qaban kartaa
adiga oo adeegsanaya ishaarada gacantaada.
Moobilka Galaxy S4 ayaa suuqa soo gali doonaa
dhammaadka
bisha April ee soo
socota, iyada oo
ay bixin doonaan
in ka badan
327 shirkadood
oo ka mid ah
shirkaddaha
Isgaadhsiinta
Adduunka oo ka
socda 155 wadan,
waxa uuna ku
shaqayn doonaa
adeegyada
3G
iyo 4G-ba.
Tan iyo Markii
shirkaddu
soo
bandhigtay moobilka Galaxy S3, waxa la
iibsaday in ka badan 40 milyan oo xabo dunida
oo dhan. Waxaana la filayaa in marka suuqa
lagu soo daayo Galaxy S4 uu qarqin doona
suuqa moobiladda. Khuburada tiknoolajiga ayaa
sheegay in shirkadda Samsung ay tahay shirkadda
kaliya ee tartan xoogan kula jirta shirkadda Apple
ee haysata suuqa moobilada adduunka. Isku soo
duuduuboo Galaxy S4 ayaa ka muraayad wayn
kana ballaaran Galaxy S3, laakiin waxaa cajiiba
inuu ka fudud yahay oo ka khafiifsanyahay, in
kasta oo uu ka weynyahay.

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Sidee buu Adeega ZAAD IVR Faaiido ugu Keenay Dadka


Aragga Naafada ka ah?

DEEGA ZAAD IVR-ku waa tiknoolijayad


casri ah taas oo ogolaanaysa in uu macmiilku
adeegsado ZAAD oo cod uu maqlayo ah.

Adeegan casriga ah waxay shirkada Telesom ku soo


kordhisay ZAAD Services bilawgii 2011-kii taas
oo wax badan u tartay dadka aan wax akhriyi/qori
Karin ama araga naafada ka ah kuwaas oo si fudud u
isticmaalay adeegayada ZAAD dhamaantood, markii
hore waxaa ku adkaa inay isticmaalaan waxayna u
baahan jireen inay cid ka caawiso.
Marka uu rabo qofku inuu isticmaalo adeega ZAAD
IVR waxa uu garacayaa 888 ka dibna waxa uu
dhagaysanayaa tilmaamaha codka ah ilaa u ka helo
codka wargelinta ah ee inuu diray lacag, ku iibso
sameeyay, ku hadal ku shubtay ama hadhaagiisa
ogaaday.
Bulshada uu
adeegani sida
aad ka wax uugu
taray waxaa ka
mid ah dadka
araga naafada
ka ah kuwaas oo
hawl fududayn
badan ka helay,
dadkaas waxaa ka
mid ah Mawliid
Mawliid Maxamed Odowaa
Maxamed
Odowaa oo
ka mid ah
shaqaalaha Radio Hargeisa waxna ka dhigta
dugisga dadka araga naafada ka ah ee Somaliland
Braille Center. Waraysi gaar ah oo dhinacyo badan
taabanaya oo Telesom Newsletter la yeeshay
Mudane Mawliid waxuu u dhacay sidan:
S: Adeega ZAAD goorma ayaad bilawday
isticmaalkiisa?
J: Runtii adeegan ZAAD waxaan ka mid ahaa
macaamiishii ugu horaysay ee furatay islamarkaana
isticmaashay, waxaan filayaa inuu wax yar iga
horayeey dhaqan galkiisu, markaa ilaa waqtigaa
waan isticmaalayeey isaga oo aan lahayn adeega
codka (ZAAD IVR).

31

S: Qaabkeed u isticmaali jirtay waqtigaa hore?


J: Waxaan u isticmaali jiray sida qofka wax arki karaa
u isticmaali karo, waxaan xasuustaa markii aan ZAAD
ka furanaayeey waxaan isku dayay inuu mobilkaygu
yeelan karo waxyaabo (VOICE) aan ku ogaan karo
inaan adeega ku dhex jiro, waxaan iibsaday moobil
marka aan lambarada garaacayo ii sheegaya hadba
lamabarkaan garaacay dabadeedna waxaan xafiday
habka ay nambaradu ugu samaysan yihiin iyo siday
isugu xigaan.
S: Cillad Caynkee ah ayaad kala kulantay Adeega
ZAAD Intii aan Adeega Codka ah (IVR) La Soo
Kordhin?
J: Cilad guud oo dadku dareemayaan mooyee, aniga
mid ii gaar ah ama caqabad igu ah may jirin, waayo
habka 1 8 ee uu leeyahay ZAAD kaliya waxay iiga
baahnayd inaan xafido, runtii waxaan aaminsanahay
inaan si fiican u bartay oo aan dadka wax arka
qaarkood kaga dheeraynayeey.
S: Waxaa dhacda in mararka qaarkood xataa
dadka wax arka ay khaldamaan khaladaadkaas
oo kale ma la kulantaa?
J: Kolay waxaa dhacda inay lacagtu mararka
qaarkood khaldanto oo xitaa dadka aan araga qaba
wax ka khaldamaan, inkasta oo ay hadda iska yar
tahay oo magacu soo baxayo intaanad dirin lacagta
laakiin markaan anigu xagayga ka eego inta aan
isticmaalayeey adeega ZAAD waxaan xasuustaa inay
hal maalin lacag iga khaldantay, maalintaasna qof
shaqaalaha ZAAD ka mid ah ayaan la hadaly oo aan
ka codsaday in lacagtaa khaldantay la ii dabagalo si
fiicana waa la iigu shaqeeyay oo lacagtii waan helay.
S: Goorma ayaad bilawday adeega codka (ZAAD
IVR) muxuuse kugu soo kordhiyay adiga?
J: Marka hore waxaan u mahadnaqayaa shirkada
Telesom gaar ahaan shaqaalaha ZAAD SERVICES
oo mar ay nagu soo booqdeen Dugisga SBC ay na
waydiiyay maxaad jeclaan lahaydeen in adeegyada
aan bixino la idiinku soo daro? Maalintaas waxaan

www.telesom.net

Eeg Bogga 31

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

Sidee buu Adeega ZAAD IVR Faaiido ugu Keenay Dadka


Aragga Naafada ka ah?...
u soo bandhignay
in ZAAD ku cod
yeesho,
iskadaa
kana an arkaynee
dadkeena
inta
badan waxna ma
akhriyaan
mana
qoraan
markaa
waxay ahayd baahi
jirta in ZAAD ku
cod yeesho si xitaa
wayeeylka aan akhriyi karayn qoraalka adeega uu u
isticmaali karo isaga/iyada oo adeegasanaya codka.
Markaa waxaan aad uugu faraxsanahay in shirkadu
dalabkayagii xil wayn iska saartay oo aan helnay
codkii aan u baahnayn.
S: Markii adeega codku idin soo gaadhay, gebi
ahaanba faraha miyaad ka qaadeen qaybtii kale?
J: Maya maya maya ma dhici karto, waayo
waxaanu u dhacayn waxani waa electronic oo
cilad way iman kartaa, imika markaan garaac is
yadhaa 888 waqtiyada qaarkood mashquul buu ii
sheegaa markaa inaad hal adeeg isku halayso waad
ku xanibmi kartaa waqtiyada qaarkood, tusaale
ahaan adigoo meherad ama hudheel ka cuntaynaya
oo maqalkii dul taagan oo adeeguna kuu sheego
mashquul, markaa waxaad isticmaalaysaa adeega
kale (*888# ) si aanu waqti kaaga lumin, balse
anigu waxaa inta badan isticmaala qaybta qoraalka
ah ee dadka araga qabaa isticmaalaan si aanay
aqoonta aan u leeyahay iiga lumin.

J: Runtii adeegan (ZAAD) intii aasaasiga ahayd baa


hadda shaqaysa anigu sidaan ogahay, balse marka
xawaalad xawaalad loo xawilayo laguma guulaysan
oo waan jeclaan lahaa aniga oo gurayga iska
fadhiya inaan xawili karo lacag xawaaladeed oo ay
dani igaga xidhan tahay hadba meeshay doonto ha
ahaatee, taas oo kale aad baan u jeclaan lahaa ama u
rajaynayaa.
Ugu danbayntii adeega ZAAD si loogu fududeeyo
isticmaalka qaybaha kala duwan ee bulshada aqoon
ahaan, shaqo ahaan iyo daa ahaanba waxaa loo
sameeyay afar siyaabood oo lagu adeegsan karo
adeega ZAAD oo kala ah:
1. USSD: *888#
2. STK: oo ah inaad menu yada teleoonka ka
gasho ZAAD SERIVCES
3. WEB INTERFACE: oo ah inaad internet ka
aad ka adeegsan karto
4. IVR: oo ah inaad cod ku adeegsan karto adoo
garacayaa 888

S: Sideed ku Ogtaa Hadhaaga kuugu jira ZAAD


ka?
J: Runtii lacagta ku jirta ZAAD ka ee hadhaaga ii ah
waa mid aan ku garan karo codka (ZAAD IVR) oo
waxa kama duwana sidii aan prepaid ka u eegayeey.
Mida kale aan kuu sheegee ZAAD ka marka aad
dirayso wixii hal dollar ka yar ma sheego ee wuxuu
yidhaa zero dollar markaa waa inuu sheegaa wixii
aad dirayso ee ka yar hal dollar waa qaybta codka oo
keliya (ZAAD IVR only).
S: Maxaad jeclaan lahayd in ZAAD SERVICES
lagu soo kordhiyo oo aad ku talo bixin lahayd?

www.telesom.net

32

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

33

www.telesom.net

Issue 16-aad
Jan-march 2013

Telesom NewsLetter

www.telesom.net

34

Вам также может понравиться