Вы находитесь на странице: 1из 4

ARTICLE: Soomaaliya: Oo haysa dhabbaha

Nabadda iyo Xasiloonida


SOURCE: AMISOM PUBLIC INFORMATION
RESTRICTIONS: This media asset is free for editorial
broadcast, print, online and radio use. It is not to be
sold on and is restricted for other purposes. All
enquiries to thenewsroom@auunist.org
CREDIT REQUIRED: AMISOM PUBLIC
INFORMATION
LANGUAGE: SOMALI
DATELINE: 01/JULY/2016, MOGADISHU, SOMALIA
ARTICLE
Soomaaliya: Oo haysa dhabbaha Nabadda iyo Xasiloonida
Waxaa qoray Francisco Madeira
Konton iyo lix sano ka hor, Soomaaliya ayaa xornimada ka heshay
Gumaystihii. Waxay ahayd xoriyad si fiican loo kasbaday ka dib awowayaashii
dalka ee ay si geesinimo leh ula legdameen awoodda shisheeye waxayna
taageen calanka cad iyo buluuga markii ugu horeysay taasoo tilmaaneysay
xornimo.
Halganki ayaa keenay is-xukun, rajo iyo mustaqbal ifaya. Nasiib darro, 1991kii dalka waxaa muquurtay dagaal sokeeye oo daba dheeraaday iyo burburkii
sharciga iyo kala dambaynta, oo lumisay riyooyinkii iyo rabitaankii xorriyad
doonadii naftooda huray, una diray malaayiin Soomaali inay galaan dalalka
deriska ah iyo meelo ka baxsan iyagoo qaxootiga noqday.
Sanadkii 2007, si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa gashay bog cusub
kadib markii Midowga Afrika uu geeyay kooxdii ugu horreeysay ee nabad
ilaalineed si ay ula dagaalamaan argagixisada Al-Shabaab oo ku takrifalay
xuquuqda aadanaha iyo tan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan
gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.
Maanta, dunida ayaa Soomaalida la wadaagaya u-dabaal degidda sanadguuradii madax-bannaanida 56aad ee dalka, waxaan anigoo kalsooni qaba
dhihi karaa, in ujeedada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM)
oo ah in la carqaladeeyo, la duleeyo, lana baabbi'yo Al-Shabaab si loo xasiliyo
dalka ,inta badan waa lagu guuleystay.
AMISOM ayaa u suurtagashay in ay boqolkiiba 80 ee dalka ka xoreyso AlShabaab oo ay ku jiraan magaalooyinka muhiimka ah ee Soomaaliya. Tani
ayaa la sameeyay iyada oo loo marayo saddex howlgallo milatari ee
waaweyn kuwaas oo, Operation Eagle, Operation Indian Ocean iyo Operation
Jubba Corridor. Ujeedooyinka hawlgallada waxay ahaayeen seddax arrimood
oo kala ah: in la xoreeyo magaalooyinka, in la carqaladeeyo wadooyinka

sahayda argagixisada iyo in laga hortago ururinta canshuurta sharci darada


ah ee ay dadweynaha ka qaadaan.
Al-Shabaab ayaa isagu uruuray aag yar ee koonfurta Soomaaliya. AMISOM
waxay ku qaadi doontaa weerarkii ugu dambeeyay si loo baabi'iyo xagjiriinta
isla markaana dadweynaha loogu ogolaado in ay raacdaan noloshooda si xor
ah, ammaan ah, kalsooni ku jirto, ay ku raaxeystaan miraha xornimada oo ay
kasbadeen 56 sano ka hor, markii calanka Soomaaliya la suray markii ugu
horeysay oo astaan u ahayd dhammaadka xilligii gumeysiga.
Guulaha milateri ayaa ku qasbay Al-Shabaab in ay bedelaan qaabka ay u
howlgalaan iyagoo bilaabay dagaal aan toosnayn, aan kala sooc lahayn isla
markaana beegsanaya dadka rayidka ah, goobaha dadweynaha, goobaha
ganacsiga iyo xarumaha dawladda iyagoo qaada weerarro naxdin badan si ay
u sameeyaan burbur baaxad leh isla markaana u helaan sumcad. Si looga
hortago caqabadan, AMISOM ayaa ciidamada ammaanka Qaranka
Soomaaliya si dhow ula shaqeysa si looga hortago rabshadda cadowga lana
joojiyo dilka ay wadaan.
Dib u dhiska Soomaaliya oo bilawday
Ma aha oo kaliya dhinaca milatari in aanu ka shaqaynayno, AMISOM ayaa
taageero iyo dhiiri galin siinaysa hanaanka siyaasadeed ee wada hadal loo
dhan yahay iyo dib u heshiisiin. Waxaa mudnaanta la siinayaa xasilinta iyo
kor-u qaadida tayada hay'adaha dawladda si ay cagahooda dib uga istaagaan
isla markaana hawlahooda u gutaan.
Maanta, ciidamada booliska Soomaaliyeed oo ka kooban in ka badan 5,000
oo rag iyo dumar ayaa la diiwaan galiyay, tababar la siiyay, lana qalabeeyay
taageero AMISOM ay ka heleen kadib. Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa
sidoo kale la xoojinayaa waxayna bilaabeen inay AMISOM kala wareegeen
qaar ka mid ah masuuliyada ammaanka.
Muqdisho, oo horaan gacanta Al-Shabaab uga jirtay balse AMISOM ayaa kala
wareegtay, ayaa hadda ah magaalo cammiran. Bishii November ee la soo
dhaafay , shirkadda Maraykanka ee Demographia, oo soo saarta warbixin
sanadle ah ee qiimaysa horumarka deegaanada iyadoo loo marayo
saadaasha dadweynaha adduunka Qaramada Midoobay 2010 - 2020', ayaa
sheegtay in Muqdisho ay gashay kaalinta labaad ee caasimadaha ugu
kobaca badan ee adduunka.
Sida laga soo xigtay Demographia, Muqdisho, oo ay ku noolyihiin 2.1
malyuun qof, ayaa kobaceeda kordhayaa heerka 6.9 boqolkiiba. Waxay
kobaca sabab uga dhigeen xaaladda ammaanka oo sii hagaagaysa iyo
horumarka dhaqaalaha wanaagsan, oo ay keeneen soo laabashada
Soomaalida ku nool qurbaha. Arrimahaan oo dhan waxaa keenay dadaalka
AMISOM ee nabadda iyo xasilinta dalka.

Isla mar ahaantaana, hay'adaha kale ee muhiimka ah ee dawladda ayaa


abuurmaya isla markaana saamayn ku yeelanaya nolosha dadka
Soomaaliyeed. Waaxda ururinta dakhliga ayaa la aasaasay oo bilaabay
cashuur uruurinta, Bangiga Dhexe ayaa wuxuu meel marinayaa tallaabooyin
maaliyadeed iyo sharciyaynta dhaqaalaha. Sidoo kale waaxda socdaalka
ayaa si muuqata looga dareemayaa horumarinta adeegyada. Bangiga
Adduunka ayaa wakiil u magacaabay dalka Soomaaliya halka Hay'adda
Lacagta Adduunka ee sanadkii hore ay dib u-eegis ku sameysay dhaqaalaha
dalka markii ugu horeysay 25 sano kadib. Sidaas darteed, ma aha la yaab in
dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhayo heerka boqolkiiba 5 In ka badan, taasoo
sabab u ah kor u kaca dhismaha iyo waaxda adeegyada.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in la ogaado in guulaha ilaa iyo
haatan la sameeyey aysan waxtar lahayn haddii aanan caawin Soomaaliya
xiligan kala guurka siyaasadeed ee jilicsan si ay u dhisaan dal xoog badan oo
ku salaysan xurmada nolosha, ixtiraamka xuquuqda aadanaha, is aqbalaad,
dulqaad, wadajir iyo maamul dimoqraadi ah.
Si taas loo gaaro, AMISOM ayaa si firfircoon uga taageeraysa heyadda
sharci-dejinta iyo fulinta ee dawladda dadaalada lagu dhisayo nidaam
federaal ah sida ku qeexan dastuurka dalka.
Sidaas daraadeed, maamulada federaalka mustaqbalka laga sugayo
Maamulka Koonfur Galbeed ee ku-meelgaarka ah, maamulka ku-meelgaarka
ah ee Jubba, maamulka ku-meelgaarka ah ee Galmudug iyo Puntland ayaa
ilaa hadda la aasaasay. Wadahadalo ayaa weli socda si loo abuuro maamulka
gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe kadibna maamulka Muqdisho ayaa la
dhisi doonaa. Maamulada ku meel gaarka ah ayaa horay u dhisay
baarlamaanada gobolka iyo golaha wasiirada si loo fududeeyo wada tashiga
iyo ka doodista arrimaha muhiimka u ah dalka iyo gobollada iyo bixinta
adeegyada dadweynaha.
Dhawaan, inta lagu guda jiray kulanka lagu qabtay magaalada Baydhabo ee
Madasha Hogaanka Qaran (NLF), ayaa hoggaamiyeyaasha sare ee dalka ka
wada xaajoodeen arrimaha nidaamka doorashada. Madasha waxaa lagu
heshiiyay in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha ka
hor dhamaadka sanadka. Tani waa tallaabo dheeraad ah ee dhinaca dib uheshiisiin qaran oo loo dhan yahay.
Marka laga reebo ansixinta jadwalka doorashada, kulanka ayaa sidoo kale la
isku raacay liiska 135 oday-dhaqameedyada oo soo xuli doona kooxda
doorashada si loo doorto 275 xubnaha baarlamaanka. Madaxda ayaa sidoo
kale ansixiyey abuurista kooxaha farsamo, heer gobol iyo heer federaal
labadaba oo diyaarin doonaa doorashada iyo in la hubiyo inaan laga leexan
wakhtiga.
Tani waa horumar la taaban karo oo talaabo dheeraad ah ee dib u-heshiisiin
qaran iyo dimuqraadiyad hormarsan oo loo dhan yahay.

Sidaa darted tani waa, arrinta muujinaysa in inkastoo dilal iyo baabba ay
sameynayaan Al-Shabaab, inkastoo ay caqabado ka jiraan dalka, rajada weli
waa mid wanaagsan, Soomaaliya waxay ku sugantahay waddadii soo
kabashada.
Tani ma aha xiliga quursashada. Hadda waa waqtiga u dulqaadashada iyo
qaadashada go'aanka adag ee baabbi'inta Al-Shabaab, in la midoobo lana
taageero Soomaaliya si ay u guuleysato.
Ina keena aynu dhammaan gacmaha is qabsanno ee u hambalyeyno
Soomaaliya sanad-guuradii 56aad ee madax-bannaanida.
Francisco Madeira waa Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee
Soomaaliya iyo madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Вам также может понравиться