Вы находитесь на странице: 1из 25

Jamhuuriyda Somaliland

Xisbiga WADDANI

Cilmi-baadhis uu Xisbiga WADDANI ka Sameeyey Dhibaatooyinka,


Sharci-darrada iyo Mugdiga ku Gedaaman Saldhigga Milateri
ee Berbera

Guddida Ka-talo-bixinta Arrinta Saldhiga Berbera

March 2017

1|P a g e
Tusmo
1. Hordhac ................................................................................................................................................. 3

2. Waa maxay saldhig ciidan (military base) ............................................................................................. 3

2.2. Is-barbardhigga saldhigyada ciidan ............................................................................................... 4

3. Saamaynta saldhigga ciidan leeyahay ................................................................................................... 4

3.1. Saamaynta saldhigga ciidan ee qayb-ka-noqoshada dagaalka Yemen .............................................. 4

3.2. Saamaynta Saldhigga ciidan ku yeelankaro qarannimada Somaliland ......................................... 5

3.3. Saamaynta is-af-garan-waa ka dhex dhici kara Somaliland Iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ... 6

3.4. Saamaynta saldhiggan ciidan ku yeelan karo ictiraafka Somaliland. ............................................ 6

3.5. Saamaynta saldhigga ciidan ku yeelan karo xidhiidhkii Itoobiya Iyo Somaliland ......................... 7

3.6. Saamaynta saldhigga ciidan ku yeelan karo dhaqaalaha iyo isu-socodka ganacsiga ................... 7

3.7. Saamaynta saldhigga ciidan ku yeelan karo duulimaadyada. ....................................................... 8

3.8. Saamaynta saldhigga ciidan ku yeelan karo xuquuqda aadamaha............................................... 9

3.9. Saamaynta saldhigga ciidan ku yeelan karo deegaanka. .............................................................. 9

3.10. Fool-xumooyinka uu saldhigga ciidan ku yeelan karo dhaqanka iyo Diinta ........................... 10

4. Mugdiga ku gadaaman qaabka ay xukuumaddu u waddo bixinta saldhigga ciidan ee Berbera ........ 10

5. Gefefka sharciyeed iyo maamul ee xukuumaddu ku yagleelayso saldhigga ciidan ee ay siinayso


dawladda Imaaradka................................................................................................................................... 12

5.1. Fadhigii wadajirka ahaa ee labada gole ma ku yimi sifo sharci ah? ................................................. 13

5.2. Muxuu Madaxweynuhu hor-keenay fadhigii wada-jirka ahaa ee labada gole? ......................... 14

5.3. Wada-tashigii habboona ee laga yeelan lahaa bixinta saldhiga ma la sameeyay? ..................... 16

5.4. Fadhigii wadajirka ahaa ma loo raacay xeerarka iyo xeer-hoosaadyada baarlamaanka? .......... 16

5.4.1. Diidmadii la diiday in nuxurka heshiiska laga doodo .......................................................... 16

5.4.2. Duuduub-ku-meelmarintii nuxurka heshiiska fadhigaa wadajirka ahaa ............................ 18

5.5. Ku-xadgudubkii xasaanadda xildhibaanada ................................................................................ 19

5.6. Goaankii fadhigii wadajirka ahaa saamayn sharci ma yeelan karaa? ........................................ 22

5.7. Dastuurka Somaliland muxuu ka asteeyay gelitaanka iyo ansixinta heshiisyada laba geesoodka
ah ee caalamiga ah? ................................................................................................................................ 22

6. Gebegebo iyo Talo-soo-jeedin ............................................................................................................ 24

2|P a g e
1. Hordhac

Warbixintani waxay iba-furaysaa ama iftiiminaysaa, xaqiiqada dhabta ah ee ku xeeran


saldhigga ciidan ee Berbera laga bixinayo iyo dhaxal-xummada la qiray ee ay kala kulmeen
dalalkii hore u martiqaaday saldhigyo ciidan.
Waxay lafa-guraysaa noocyada kala duwan ee ay u kala baxaan saldhigyada ciidan iyo
saamaynta taban ee ay ku yeelan karaan nabadgalyada dalka, nolosha dadka, siyaasada,
dhaqaalaha, biiada iyo deegaanka iyo foolxumooyinka hore loo diiwangaliyay ee ay ku keeni
karaan dhaqanka iyo diinta.
Wuxuu qoraalku is-dultaagayaa dhacdooyinkii jujuubka ahaa ee ka soo baxay fadhigii
wadajirka ahaa ee labada gole yeesheen iyo gefefkii sharci iyo maamul ee lagu meelmariyay
nuxurkii heshiiska ay xukuumadu doonayso in ay ku bixiso saldhiga ciidan ee Berbera.
Waxa kale oo ay warbixintu qaadaa-dhigaysaa dhammaan mugdiyada ku gedaaman qaabkii
gurracnaa ee ay xukuumadu sida badheedhka ah ku waday hibaynta saldhiga ciidan ee
Berbera.

2. Waa maxay saldhig ciidan (military base)

Saldhig ciidan (military base) waa deegaan ay ciidan ama ciidammo isugu jira badda, cirka iyo
dhulku ay ka samaystaan meel ka baxsan xuduudkooda, kuwaas oo wata wixii qalab, saad iyo
saanad ay u baahan yihiin, si ay u helaan fogaan (masaafo) ay ka fulin karaan weeraro isla
markaasna colaadda uga fogeeyaan gudaha dhulkooda iyo si ay danaha dalkooda uga
ilaaliyaan meel fog.
Dhulka uu saldhig ciidan ee shisheeye ku fadhiyo waxa loo aqoonsadaa inuu yahay qayb ka
tirsan dhulka ciidamada qalaad ka yimaadeen, iyagoo xornimo buuxda u haysta in ay
danahooda ka fushadaan. Ciidamada shisheeye waxay saamayn maamul ku yeeshaan dalka ay
deggenyihiin iyaga oo beddela afkaarta iyo dhaqanka dadka deegaankaas ku nool isla
markaasna fara-gelin ku sameeya siyaasadda iyo nidaamka dawliga ah ee dalka, iyaga oo u kala
hiilinaya qaybaha siyaasadda dalkaas ku loolamaya.
Saldhigyada ciidan ee adduunka ka jiraa waa saddex nooc oo kala ah:
a) Saldhig ciidan oo ay deggenyihiin hal ciidan oo isku nooc ah (single base),
b) Saldhig ciidan oo ay deggenyihiin laba nooc ama ka badan oo ciidan oo talis guud leh
(joint base),
c) Saldhig ciidan oo ay deggenyihiin ciidammo kala nooc ah oo ka kala socda dalal kala
duwan ama huwan goboleed oo talisyo kala duwan leh (a cluster base).

3|P a g e
Saldhigyada ciidan waxa laga fuliyaa hawlo kala duwan sida baro ilaalo iyo basaasnimo,
tijaabinta hubka (tiirada iyo waxyeellada), kaydinta hubka, ka fulinta duullimaadyo iyo
daadgurayn ciidan. Saldhigga ciidan ee Berbera laga bixinayo hawlaha laga fulinayo
xukuumadu ummada umay soo bandhigin, nuxurkii heshiiskana kumay qornayn.
Saldhigyada ciidan qaarkood waxay dalalka ay ku yaallaan u horseedaan colaad, dagaal,
dhaqan-xumo iyo waxyeelayn deegaan, sidoo kale waxa ay si qarsoodi ah u abuuraan una
tabo-baraan kooxo ay danahooda ku fushadaan sida bassaasnimo, waxayna mararka
qaarkood abuuraan dhibaatooyin si dalka ay deggenyihiin ugu baahdo difaacooda una
aammino sii joogitaankooda, nabadgalyadooduna ugu tiirsanaato saldhigga ciidan. Isla
markaasna waxay dalalka ay ku yaallaan soo galiyaan hub tiro badan oo aanay dawladda
dalkaasi la socon, waxaanay ka iibiyaan dadka deegaankaas ku nool si ay dhaqaale qarsoon
uga sameeyaan.

2.1 Is-barbardhigga saldhigyada ciidan

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxay heshiis aan sharciga


waafaqsanayn la galaysaa dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ay saldhig ciidan ku
siinayso lacag laaan iyadoon la xaddidin wax dheef dhaqaale ah oo aynu waydaarsanayno sida
uu sheegay safiirka Somaliland u jooga UAE.
Marka la barbardhigo Dawladda Maraykanku waxay saldhigga ciidan ee lagu magacaabo
Lemonnier ku kiraystay $63 milyan oo dolar sannadkiiba ilaa sannadka 2024, sidoo kale
waxay sannadkiiba dalka Jabuuti gelinaysaa $70 milyan oo doolar oo horumarin kaabayaasha
dhaqaalaha ah iyadoo qiimahana dib looga wada-xaajoon doono 20 sano ka dib marka laga
soo bilaabo wakhtigii la saxeeexay heshiiska. Dhinaca kale, China waxay saxeexday 10 sano
oo kiro ah Saldhig ciidan oo ay ku leedahay dalka Jabuuti, waxaanay ku maalgelinaysaa
kaabayaasha dhaqaalaha dalka Jabuuti $12 bilyan oo doolar sida Dekedaha, Madaarada iyo
Waddo-tareen oo ku xidhaysa dalka Ethiopia. (Xigasho wakaaladda wararka ee Aljazeera)

3. Saamaynta saldhigga ciidan leeyahay

3.1. Saamaynta saldhigga ciidan ee qayb-ka-noqoshada dagaalka Yemen

Somaliland waa dal aan wali la aqoonsan, kana hirgashay dawladnimo dhamaystiran, waxa
ugu weyn ee uu iibgeeyaana tahay nabadda, xasilloonida iyo deggenaanshaha ka tis-qaaday,
iyada oo ay kaga duwan tahay dalal badan oo ka tirsan mandaqadda Geeska Afrika. Rubuc
qarnigii ka soo wareegay dib ula-soo-noqoshadii madaxbannaanida Somaliland, waxa indhaha
beesha caalamka soo jiidanaayey amniga, kala dambaynta iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee
ka hanaqaaday dalkan.
Saldhiggan ciidan waa mid salka ku haya dagaalka u dhexeeya huwanta Carbeed ee uu
hoggaaminayo dalka Sucuudigu iyo Xuutiyiinta Yemen oo garab weyn ka helaaya dalka Iran.

4|P a g e
Maraakiibta dagaalka ee Imaaraadkuna waxay xannibayaan marin-biyoodka Badda cas, sidoo
kalena waxa iyaguna iman kara xudduuda baddeena maraakiibta dagaalka ee dalka Iran oo
taakulo iyo saanad ciidan ku caawiya Xuutiyiinta, halkaana waxa ka dhacaysa colaad saamaysa
ganacsiga ka kala goosha badda cas. Waxaana magaalada Berbera soo gaadhi kara tuuryada
hubka maraakiibta dagaal ee labada quwadood isu adeegsanayaan.
Dhinaca kale, Somaliland waa dal aad ugu dhaw Yemen, isla markaasna uu si dhibyar ugu
soo fidi karo dagaalka soconaya, iyadoo fogaanta tuuryada hubka ee Xuutiyiinta ka iman
karaa soo gaadhayo Somaliland dhulkeeda. Waxana la xaqiijiyey in gantaalaha ay dawladda
Iran siisay Xuutiyiinta ay gaadhayaan fogaan lagu qiyaasay 800km kuwaas oo ay ku garaacaan
dawlado ay Sucuudigu ka mid tahay oo ka tirsan huwanta.
Waxa kale oo jira qaxoonti tira badan oo Yemen kasoo qaxay soona gaadhay dalalka geeska
Afrika oo ay Somaliland ku jirto, qaxoontigaasna waxa ka mid ah Xuutiyiin colaaddan qayb
ka noqon kara marka Somaliland ku biirto xulafada Sucuudiga ee saldhigga Berbera laga
duqeeyo dalka Yemen, iyada oo ay tusaale tahay qaraxyada ka dhaca qaar ka mid ah
dawladaha ka tirsan xulafada sida Sucuudiga kuwaas oo ay fuliyaan xuutiyiinta ku nool
dalalkaasi.

3.2. Saamaynta Saldhigga ciidan ku yeelan karo qarannimada Somaliland

Somaliland waa dal wali aan aqoonsi buuxa ka helin dawladaha caalamka,
madaxbanaanidiisana ku dhawaaqay 18 May 1991, kadib dhistay ciidan ku filan sugidda
nabadda iyo ilaalinta dhawrsoonaanta dhuleed iyo haybadda qarannimo ee Somaliland
haseyeeshee aan u jilib dhigi karin quwadaha kale ee ku hirdamaya mandaqada.
Dalalka aaminsan midnimo dhexmarta mar kale Somaliland iyo Soomaaliya oo ay ugu
horreeyaan xulafadan uu hor-kacayo Sucuudigu oo ay ka mid tahay Imaaraadku waxay
Soomaaliya la baadi-goobayaan waddadii loo mari lahaa midaynta dalalkii kala tegey ee
Somaliland iyo Soomaaliya.
Haddaba, saldhiggan ciidan oo yeelan doona dhul weyn oo isaga u dhawrsan oo Somaliland
obocdeeda ku yaalla wuxuu suurtagalin karaa in dawladaha aaminsan midnimada ee Carabta
iyo Soomaaliya ku dhiiradaan in la wiiqi karo awoodda ciidan ee Somaliland iyada oo ciidan
awood badani dhex deggen yahay Somaliland.
Ciidamada ay keeni doonaan Imaaradku waxay isugu jiri karaan ciidamada cirka, badda iyo
berriga kuwaas oo khatar ku ah jiritaanka qarannimada Somaliland maadaama huwanta
saldhigga soo degeysaa ay aaminsan yihiin midnimo Soomaaliyeed. Waxa kale oo suurta-gal
ah inay abaabulaan oo ay tababaraan ciidammo ka amar-qaata ciidanka shisheeye ee shuruud
laaanta la doonayo in dalkeenna lagusoo dejiyo, taas oo keensan doonta dhib ammaan oo
aan la xakamayn karin maadaama hub iyo taakulo ay siin karaan cidday wataan ciidamadaasi.

5|P a g e
3.3. Saamaynta is-af-garan-waa ka dhex dhici kara Somaliland Iyo Isu-
tagga Imaaraadka Carabta

Haddii uu suuro-galo nuxurka la keenay goleyaasha ee sharci darrada loogu codeeyey, wuxuu
saamayn ku leeyahay oo uu wiiqayaa madaxbannaanideenna, waxaanu innaga dhigi karaa
maamul-goboleed. Isu-tagga Imaaraadka Carabtu wuxuu taakulo ciidan iyo mid caawimaba
siinayay dawladdii Soomaaliya waqtigii ay xasuuqa ka gaysanaysay Somaliland, illaa haddana
wuxuu siiyaa saanad ciidan iyo mid dhaqaaleba dalka Soomaaliya. Isla markaa wuxuu
aaminsan yahay in Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.
Is-afgaran-waa soo kala dhexgala Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo saldhig ku
leh Somaliland dhexdeeda, waxa si cad u muuqata in Isu-tagga Imaaraadka Carabtu si toos ah
ula xaajoon doono dalka Soomaaliya haddii khilaaf yimaado, iyada oo ay adag tahay in laga
saaro saldhiggan ciidan, taas oo ugu dambayn dhalin karta isku dhac ku dambayn kara dagaal.
Sidoo kale haddii Somaliland ay dalbato in saldhiggan ciidan laga raro ka hor wakhtigii lagu
heshiiyey oo danaha labada dal is diidaan, waxa hubaal ah in dalka Isu-tagga Imaaraadka
Carabtu haysto fursado tira badan oo uu iskaga dhego-tiri karo dalabka Somaliland.
Maadaama aanu jirin heshiis ummada loo soo bandhigay, laguna talogalin in golayaasha la
soo hordhigo, waxa suurto gal ah in sababta loo qarinayaa ay tahay in Soomaaliya ay dhinac
ka tahay heshiiska. Haddii arrinkaasi dhaboobo waxa hubaal ah in aan Somaliland looga
baahan doonin ka wada-hadalka dib-u-cusboonaysiinta heshiiska marka wakhtigiisu
dhammaado.

3.4. Saamaynta saldhiggan ciidan ku yeelan karo ictiraafka Somaliland.

Goaanka Dawladaha Midowga Carbeed ee ku wajahan qaddiyadda Somaliland waa mid cad,
waxayna midawga Carabtu sheegeen in ay xaqiijinayaan midnimadii dhulka, badda iyo hawada ee
dalkii Soomaaliya laysku odhan jiray, taas oo macneheedu yahay in midawga carabtu oo ay
Imaaraadku ka mid yihiin ay ka soo hor-jeedaan qaddiyadda gooni-isu-taagga ummadda Somaliland.
Dhanka kale, Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxa uu taageero milateri oo u badan saanad ciidan iyo
tababaroba siiyaa Dawladda Soomaaliya.
Somaliland oo dawladda Imaaraadka Carabta siisa saldhig ciidan oo Berbera ahi waa tallaabo aan laga
fiirsan, siyaasad ahaanna aad u qaldan, waxayna taasi faaiido siyaasadeed iyo mid ciidanba u tahay
dawladda Soomaaliya, oo waxay ciidamadaasi cidhiidhi gelin karaan madaxbannaanida Somaliland.
Haddii buqcadii ugu muhiimsanayd Geeska Afrika saldhig milateri laga siiyo dal yar oo
carbeed oo aaminsan midnimo soomaaliyeed isla markaas aan laga filayn aqoonsi uu horseed
ka noqdo oo Somaliland ka hesho bulshada caalamka, taas micnaheedu waa Somaliland oo
lumisay fursadii ay quwadaha caalamka kaga heli lahayd aqoonsiga caalami ah.

6|P a g e
Iyadoo marka horeba ay khalad tahay in aad waddan aan ku aqoonsanayn oo weliba
jiritaankaaga ka soo hor-jeeda uu saldhig ciidan ku yeesho dalkaaga, haddana, waxa taas kasii
daran in aan wax la taaban karo oo aynu arrintaas dhaafsanay aanu jirin ee koox yar oo dano
gaar ah ka lihi ku afduubayso bulshadeena meel-marinta saldhiga.

3.5. Saamaynta saldhigga ciidan ku yeelan karo xidhiidhkii Itoobiya Iyo


Somaliland

Dalalka Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhaxeeya saaxiibtinimo qoto-dheer oo soo taxnayd
muddo badan, Itoobiya waxay taakulo ciidan iyo mid deggenaansho siisay Jabhadi Xoraynta
qaran ee SNM iyo shacabkii qaxoontiga ahaa ee ka qaxay xasuuqii Dawladdi Siyaad Barre.
Sidoo kale, Itoobiya waxay Somaliland siisay fursado ay ugu horrayso; dariiq caalamka lagala
xidhiidho maadaama aanay Somaliland haysan aqoonsi caalami ah, waxay taageertay heerka
dibloomasiyadeed ee Somaliland ku yeelan karto Geeska Afrika iyo caalamkaba iyada oo ah
dal aan la aqoonsan wali.
Itoobiya oo ah dalka ugu quwadda wayn dalalka Geeska Afrika wuxuu Somaliland siiyey
kalsooni difaac iyo ilaalin dhinaca ammaanka ah, wuxuuna horseed ka ahaa fursado lagu
adkaynayo ciidamada qaranka Somaliland.
Sidoo kale Itoobiya waxay isticmaashaa dekedda magaalada Berbera oo ay ka dhigatay fursad
labaad oo u garab taalla isticmaalka dekedda Jabuuti, sidoo kale dawladda Itoobiya waxay
dedaal ugu jirtay sidii ay u kobcin lahayd isticmaalka dekedda Berbera iyo kaabayaasha-
dhaqaale ee u fududayn lahaa isticmaal buuxa oo dekedda Berbera.
Dhinaca kale, waxa suurtogal ah in Imaaraadka Carabtu ay u oggolaadaan ciidamo kale oo
qalaad in ay isticmaalaan saldhigga (sida Masar oo kale) taas oo is-afgaranwaa iyo khilaaf ku
keeni karta xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Waxana suurogal ah in saaxiibtinimada
Somaliland iyo Itoobiya u burburto sababta saldhiggan ciidan, iyadoo Itoobiya u arki karto
qorshe lagu wiiqayo awooddeeda Geeska Africa.

3.6. Saamaynta saldhigga ciidan ku yeelan karo dhaqaalaha iyo isu-


socodka ganacsiga

Magaalo xeebeedda Berberi waxay ku taallaa goob muhiim ah oo isku xidha badda-cas iyo
badweynta Hindiya, waxaanay ku habboon tahay isticmaalka iyo u adeegsiga ganacsiga, iyada
oo ku leh taariikh facweyn, heshiiska ay xukuumaddu la gashay shirkadda DP World waxa ku
cad inaan dalka laga samayn karin deked kale taas oo dabar ku ah dhaqaalaha dalka,
magaalada Cadan waxa ay ahaan jirtay goob ganacsi waxaana looga guuray Dubai oo noqotay
magaalo ganacsiyeed, siyaasadda ganacsi ee dunidu waa mid usoo guuraysa Geeska Afrika,

7|P a g e
heshiiska saldhigga ciidan iyo ka DP world waa kuwo caqabad ku ah fursadaha ganacsi ee
Somaliland.
Somaliland waa waddan dihin balse waqtigan xaadirka ah aan lahayn wax-soo-saar ku filan,
dhaqaalihiisuna ku xidhanyahay badeecadaha laga soo waarido dibedda, doonyaha ganacsi ee
Somaliland keena alaabtu inta badan kuma jiraan caymis caalami ah oo u sahlaya inay u
badheedhaan khataraha kasoo waajihi kara socdaalka.
Colaad ay Somaliland qayb ka tahay oo ka dhacda marin-biyoodka badda cas ee uu
Somaliland usoo maro ganacsigu waxay keenaysaa hoos-u-dhac ku yimaadda isu-socodka
ganacsiga iyo maciishaddii iman jirtay Somaliland, taas oo saamayn toos ah ku yeelanaysaa
dakhligii muwaadinka iyo guud ahaan bulshada Somaliland.
Sidoo kale waxa hoos-u-dhac ku iman karaa dakhligii qaranka ee ka soo xaroon jiray
cashuuraha laga qaado ganacsiga ka soo degaya ama ka dhoofaya dekedda Berbera, taas oo
saamaynaysa awoodda dakhli ee dawladda Somaliland iyo sidoo kale dakhligii horumarinta ee
soo geli jirey magaalada Berbera.
Waxa hubaal ah in dekedda Berbera oo ku taalla goob muhiim ah oo tartan kula jirtay
dekedaha dhiggeeda ah ee Jabuuti iyo Boosaaso ay ka hadhidoonto tartanka maadaama ay
qayb ka noqotay colaadda marin-biyoodka badda cas isla markaasna ay waayi doonto
macaamiil tiro badan oo Geeska Afrika ku nool kuwaas oo aan doonayn inay khatar geliyaan
hantidooda u kala gooshaysa qaaradaha Afrika iyo Eeshiya.
Dhinaca kale, xoolaha nool ee Somaliland waxay dalka aynu jaarka nahay ee Yemen u
dhoofi-jireen sannadkii oo dhan; saldhiggan ciidan marka lagaga duulo dalka Yemen wuxuu
si toos ah saamayn ugu leeyahay dhaqaalihii ka soo xaroon jiray dhoofka xoolaha, guud
ahaanba waxa uu hoos u dhac ku iman doonaa ganacsigeena caalamiga ah.

3.7. Saamaynta saldhigga ciidan ku yeelan karo duulimaadyada.

Somaliland waxay leedahay laba garoon dayuuradeed oo caalami ah oo shaqeeya oo kala ah


Hargeisa iyo Berbera. Garoonka Berbera oo ka mid ah garoomada ugu dhaadheer qaarada
Afrika waxa lagu qiimeeyaa heerka madaaradda caalamiga ah, bixinta saldhiggani wuxuu
keenayaa in aan dalkeenna aanay soo caga-dhigan diyaaradaha waaweyni. Madaarada kale ee
dalkeenu waa magac u yaal aan u diyaarsanayn in ay shaqeeyaan sababa dayac awgood, haddii
heshiiskani u danaynaayo Somalilanad waxay ahayd in loo qorsheeyo ciidamada goob aan
madaar hore ahayn si ay u maalgaliyaan una dhistaan sida dalka Jabuuti uu heshiiska kula
galay waddamada dalkiisa ku leh fadhiisimada ciidan. Inta badanna labadan madaar ee
Somaliland waxay qaybsadaan culaysyada isu-socodka hawada ee Somaliland sida wakhtiyada
Xajka iyo xagaa baxa (Summer time) iyadoo tusaalena loo soo qaadan karo wakhtiyadii
dhismuhu ku socday madaarka Caalamiga ah ee Cigaal in duulimaadyada loo wareejiyey
Madaarka Berbera.

8|P a g e
Maadaama madaarka Berberi ahaa kayd lagu eerto oo culayska la qaybsada marka dhisme
ama hawl muhiim ahi ka socoto Madaarka Cigaal ee Hargeysa halkee ayaa Somaliland u
noqonaysa marjac lagu badbaado, iyadoo lays waydiin karo suaalaha ah miyaanu
muwaadinka Somaliland u dhashay xaq u lahayn inuu socdaal dhinaca cirka ah ku tagi karo
magaaladiisa Berbera iyo haddii xaaladi la soo gudboonaato Madaarka Caasimadda halkee
kale ee Somaliland marin u ah?.
Marka la eego heerka madaarka Berberi leeyahay waxa hubaal ah in diyaaradaha caalamka ee
kala duwan qaarkood kaliya ay fadhiisan karaan madaarka Berbera, iyada oo mar walba loo
baahanyahay madaar labaad oo Somaliland ay uga soo degaan alaabta culusi (Cargo) isla
markaasna laga fulin karo hawlaha gaarka u ah dawladda Somaliland.
Waxa muwaadin kasta hortaalla suaasha ah miyaanay Somaliland dhisan karin ciidan cir 30-
ka sano ee Isu-tagga imaaraadka carabta laga kireeyey madaarka Berbera? Dabcan jawaabta
oo noqonaysa haa way dhisan kartaa waxa daba taalla madaarkii Berbera ee academiyadda iyo
fadhiisinka u noqon lahaa ciidanka cirka ee Somaliland waxa laga kireeyey dal shisheeye,
waxana kasii daran madaar kale oo aan ahayn kaa shacabku kasoo dago ee Hargeysa kama
dhisna Somaliland, sidaa si la mid ah haddii Somaliland yeelato diyaarado ciidan halkee ayaa u
noqonaysa madaar?.

3.8. Saamaynta saldhigga ciidan ku yeelan karo xuquuqda aadamaha

Marka la eego shuruucda caalamiga ah iyo dibloomaasiyadda, dhulka saldhigga ciidan ee laga
siinaayo Isu-tagga Imaaraadka Carabta waa dhul ka tirsan dalkaas una dhawrsan, waxaanay
xaq u leeyihiin isticmaalkiisa oo dhamaystiran, isla markaasna waxa xusid mudan in sharciga
Somaliland aanu qaban saldhiggaas ciidan iyo wixii ka dhaca ee dambi ama ku xad-gudub
xuquuqda aadamaha ah.
Ugu horrayna saldhiggani wuxuu samayndoonaa barakicin dad iyo duunyada ku noolayd
dhulka ku gadaaman saldhigan ciidan, iyadoo ay garab taallo in bulshada Somaliland iyo gaar
ahaan ta ku nool deegaankani ay yihiin dad xoolo dhaqato ah oo aan aqoon u lahayn saldhig
ciidan iyo cawaaqibka kasoo gaadhi kara haddii ay u dhawaadaan.
Waxa kale oo la saadaalinayaa in tababarrada iyo tijaabooyinka hubka ciidankani haystaa ay
halkooda ugu tagidoonaan muwaadiniin tiro badan oo Somaliland u dhashay, ama wixii dad
iyo duunyo saldhigaas ciidan gala ama wixii xadgudub ah ee ka dhaca aanu sharciga
Somaliland waxba u qaban karin.

3.9. Saamaynta saldhigga ciidan ku yeelan karo deegaanka.

Saldhiggan ciidan ee ka madaxa bannaan awoodda dawladda Somaliland wuxuu horseed ka


noqon karaa inuu qaato mashaariic Somaliland loogu soo waaridayo hadhaaga sunta ah ee

9|P a g e
warshadaha iyo hubka wax gumaada iyo qashin khatar ku ah noolaha badda, taas oo cilmi-
baadhiso badani xaqiijiyeen in lagu soo daad gureeyo Geeska Afrika.
Ciidankan soo dagaya madaarka Berberi waxay gumaadi-doonaan dhirta ku nool deegaankan
iyo agagaarkiisa si ay u helaan dhul bannaan oo ay hawlahooda ciidan ku qabsadaan, iyagoo
kaga tagi doona noocyada khashinka hubka oo saldhiggan ciidan dabadii Somaliland
dadkeeda ku noqondoona dhibaato muddo dheer xalkeeda la raadiyo.
Ciidamada shisheeye haddii ay soo degaan dalkeena waxay fursad u haystaan inay dhacaan
khayraadka deegaanka dalkeena sida macdanta dihin ee ku duugan dhulkeenna, duur joogta
iyo khayraadka badda, maadaama ay haystaan dekeddii Berbera iyo madaarkii Berbera oo ay
u fududdahay dhoofinta khayraadka dalkeenu iyada oo aanay dawladda Somaliland ka
warhayn. Waxa hubaal ah in ciidaankaasi ay samayn doonaan xaalufin berri iyo bad labadaba
ah.

3.10. Fool-xumooyinka uu saldhigga ciidan ku yeelan karo dhaqanka iyo


Diinta

Saldhigga ciidan ee laga yagleelayo magaalada Berberi wuxuu horseedi doonaa foolxumooyin
dhaqan iyo diimeed oo ay ka mid ka yihiin kufsi, sino, maan-dooriye iyo dil intaba sida looga
bartay dabeecadda saldhigyada ciidan ee ku kala yaalla dacallada dunida oo laga xusi karo
saldhigyada ciidan ee ku yaalla dalka Japan gaar ahaan jasiiradda Okinawan oo bulshada ku
nooli khaati ka joogto dhaqan-xumo lagula kaco dhallinyarada dalkaasi ee isugu jirta hablo
iyo wiilalba.
Sidaas si la mid ah dalka Philippines waxa soo wajahday xaalad adag oo ay kala kulmeen
dhaqan-xumooyinka saldhigyada ciidan ee ku yaalla, kuwaas oo saamayn ku yeeshay hab-
nololeedkii bulshada reer Philipines iyadoo dhaqan ahaan ay dhinteen dadkaas ku nool
goobaha ka ag dhaw saldhigyada ciidan.
Dadka reer Somaliland oo ah dad islaam ah oo dhaqan fiican isla markaasna neceb dhaqan-
xumada ayaa waxa saldhiggan ciidan kasoo wajihi karta xaalad la mid ah xaaladaha soo
wajahay dalalka ay Japan iyo Philippines ka midka yihiin ee bulshadoodii lagu dhex faafiyey
foolxumooyin iyo fawaaxish xad-dhaaf ah.

4. Mugdiga ku gadaaman qaabka ay xukuumaddu u waddo bixinta


saldhigga ciidan ee Berbera

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo hab-maamuuska dawliga ah
marka la raaco kaalin mug leh ku lahaa xidhiidhka iyo wada-xaajoodka dhexmaraya labada
dawladood ee Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaan lagu arag shaqadii uu ku
lahaa qaranka intii ay socotay arrinta heshiiska ee Saldhiggan, mar uu la hadlay warbaahinta
10kii February 2017 isaga oo kasoo dagay madaarka Cigaal wuxuu yidhi wax heshiis ah oo la

10 | P a g e
galay ma jiro, aniguna ma saxeexayo wax aanay danta Somaliland ku jirin, heshiis aanay danta
Somaliland ku jirin cidna ka yeelimayno. Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga
Somaliland Md. Axmed X. Cali Cadami oo ay isna sidoo kale khusayso arrintani ayaan lagu
arag masraxa intii ay socotay hawshan saldhigga ciidan.
Hanti-dhawraha Qaranka Soomaaliya Md. Nuur Faarax ayaa sheegay in heshiiska saldhigga
ciidan ee Berbera ay lug ku leedahay dawladdii Xasan Sheekh Maxamuud ee Xamar ka talin
jirtay waxanu yidhi Arrinta saldhigga ciidan ee Berbera dawladdii wakhtigeedu hadda
dhamaaday ee Xasan Sheekh ayaa lug ku leh isaga oo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi waa
markii labaad oo heshiis gacan-ku-rimis ah oo hoteelada Imaaraadka dad shakhsiyaad ah ama
dawladda federaalka ka mid ah ama maamulka Somaliland ka mid ah ay hadba heshiis la
saxeexanayso, oo mar walba qabyo-qoraal ah oo aan dadka la tusayn. Dhinaca kalena
wargeyska The Guardian warbixin uu qoray 7dii Abril 2015 ayaa wuxuu ku soo xigtay
hadalka Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Md. Cabdisalaan Hadliye oo yidhi Somalia
waxay ansixisay in dhulkeeda, hawadeeda iyo baddeeda loo isticmaalo dagaalka uu Sucuudigu
hoggaaminayo ee lagula jiro Xuutiyiinta Yemen si looga hor-istaago in ay dalka Yemen
qabsadaan. Isagoo wargaysku warbixintiisa ku sheegay in meelaha loo adeegsanaayo
duullaanka lagu qaadayo Xuutiyiinta ee loo ogolaaday huwanta Sucuudigu hoggaaminayo ay
ka mid tahay Berberi, sidoo kale wargaysku wuxuu sheegay in madasha arrinta lagu
oggolaaday ahayd Shirkii madaxda Jaamacad Carabta ee ka dhacay Sharmal-sheekh bishii
April 2015.
Mugdiyada ku gadaaman nuxurkii la horkeenay fadhigii wada-jirka ahaa ee labada Gole
Baarlamaan waxa ka mid ah in aanay xukuumadda Somaliland marna sheegin qiime rasmi ah
oo ay Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ku kiraysatay saldhigga ciidan ee Berbera,
(ugu yaraanna aanay ku sheegin qoraalkii ay goleyaasha u qaybisay), haddana ay ku doodayso
inuu faaidooyin dhaqaale inoo leeyahay saldhiggaasi. Sidaa si la mid ahna aanay sheegin wax
dhaqaale ah oo xaddidan oo loo qoondeeyey horumarka Somaliland oo Dawladda Isu-tagga
Imaaraadka Carabtu kaga bedelanayso isticmaalka saldhiggan ciidan muddada heshiisku
cayimayo. Dhanka kale, waxa xusid mudan in jariiradda caanka ah ee African Intelligence oo
xiganaysa xogo lagu kalsoon yahay ayaa cadadkeedii No1445 ee 24kii February 2017 soo
baxay ku sheegtay in heshiiskani uu ku kacay $50 milyan oo ay xaqul-qalin ahaan qaateen
xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo xisbiga Kulmiye, iyo $35 milyan oo ay qaateen
xubno uu hoggaaminayo Raysal wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashid Cali
Sharmaarke.
Xukuumaddu iyada oo helaysa inay marto waddo sharci oo ah in ay heshiis dhamaystiran hor
keento Golaha Wakiillada Somaliland ayey door-bidday in ay beel-beel u shiriso
xildhibaannada labada gole baarlamaan ee Wakiillada iyo Guurtida. Dhinaca kalena waxay
fadhi wada-jir ah isugu yeedhay labada gole baarlamaan iyada oo heshiisyada ay xaq u
leeyihiin Golaha Wakiillada oo keli ahi, sida ku cad Qodobka 53aad faqraddiisa 3aad ee
Dastuurka oo odhanaysa Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga

11 | P a g e
ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya
culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo
saarid ama wax-ka beddelid qaanuun, halka codsiga Madaxweynuhu isugu yeedhay labada
golena uu ahaa mid aanu haba-yaraatee ku caddayn wax ajende ah oo laysugu yeedhay labada
gole.
Xukuumaddu waxay fadhigii wadajirka ahaa keentay qoraal Af Soomaali ku qoran oo aan
lahayn saxeex ama wax muujinaya in labada dawladood ee Somaliland iyo Isu-tagga
Imaaraadka Carabtu kala saxeexdeen, iyada oo hadalada masuuliyiinta ee ka tirsan
xukuumadda sida Wasiirrada Madaxtooyada iyo Duulista Iyo Madaxweynuhuba ay ahaayeen
hadalo isku-lid ah oo ay ka muuqato in aanay xukuumaddu ka wada socon heshiiskan, iyada
oo laga xusi karo hadalladii ay Wasiirrada Madaxtooyada Iyo Duulistu kaga doodeen BBC iyo
VOA, sidoo kale marka la eego hadallada Wasiirrada waxa si cad u muuqanaysa in aanay
xukuumaddu doonayn in la arko heshiiska rasmiga ah.
Muddada heshiiska saldhigga ciidan waxa ay xukuumadda Somaliland ku sheegtay in uu
yahay 25 sano, halka qaar ka mid ah warbaahinta caalamkuna ku sheegeen 36 sano, sida laga
soo xigtay TV-ga Al-miyaadin oo laga leeyahay dalka Lubnaan iyo warbaahin kaleba.
Ugu dambayn. Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu codka xildhibaannada qaadayey
iyada oo aan laga doodin, isla markaasna wali ay socoto qaybintii qoraalka nuxurka lagu
sheegay. Dhinaca kalena waxa cad in tirada Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ku dhawaaqay
ay ahayd tiro aan sax ahayn, sida ku cad qoraalka qaybtiisa hore.
Haddaba marka aad isu-gayso arrimahan kor ku xusan, waxa cad in heshiiska qodobadiisa iyo
cidda dhab ahaan kala saxeexatay ay yihiin wax la qarinayo, oo aan ummadda Somaliland raali
ka noqon karin.

5. Gefefka sharciyeed iyo maamul ee xukuumaddu ku yagleelayso


saldhigga ciidan ee ay siinayso dawladda Imaaradka

Tan iyo maalintii ay taariikhdu ahayd 12/02/2017 ee Madaxweynuhu hor-yimi fadhigii


wadajirka ahaa ee labada gole ee sharci-dejinta, waxa masuuliyiinta xukuumadda ka soo
baxayey hadallo iska hor-imanaya oo ku saabsan qoraalkii labada gole la hor-keenay.
Masuuliyiinta qaarkood ayaa lahaa waxa fadhigaa la hor-keenay heshiiskii xukuumadda
Somaliland la gashay dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halka qaar kale ka lahaayeen
waxa fadhigaa la hor-keenay nuxurkii heshiiska Somaliland la geli doonto dawladda Isutagga
Imaaraadka Carabta. Masuulintaa labada aragtiyood ku kala sheegayay wixii fadhiga la hor-
keenay, waxay ka siman yihiin in oggolaanshaha labada gole ee 12/02/2017 uu ansixin u
yahay heshiiska xukuumaddu ku siisay ama ku siinayso dawladda Isutagga Imaaraadka
Carabta saldhigga milateri oo aan goleyaasha wax dambe looga baahnayn.

12 | P a g e
Aragtiyahaa kala duwan ee masuuliyiinta xukuumaddu ka qabto qoraalka ay madaxtooyadu
fadhiga wadajirka ah hor-keentay ayay xukuumaddu ku abaabushay dadweynaha, iyadoo
taageero indho-laaan ah kaga doonaysa, adeegsanaysana dadka xilalka u haya iyo intii ay
kharash kaga hadlin kartaba, taasoo si joogto ah looga sii daayo warbaahinta qaranka. Inta
badan dadkaa hadlayaa waxay ku hadlaan wax isku mid ah oo afka loo geliyey oo ah in
saldhiggu horumar dhaqaale inoo keenayo, dadka diidanina ay horumar-diid yihiin; kama
hadlaan nuxurka waxa la isku khilaafsan yahay iyadoo aanay aqoon u lahayn, waxaanay
aflagaadooyin kula ciiraan masuuliyiin qaran oo lagu jiheeyey.

Haddaba, waxay qormadan koobani ka hadlaysaa waxa uu qoraalkii fadhiga wadajirka ah la


hor-keenay ahaa, khaladaadka sharci ee qaabkii la isugu yeedhay fadhiga, loo maamulay,
qoraalkana looga gudbiyey lahaa, iyo saamaynta sharci ee uu yeeshay qoraalku ka-gudbidda
fadhigaa wadajirka ah ka dib.

5.1. Fadhigii wadajirka ahaa ee labada gole ma ku yimi sifo sharci ah?

Labada gole ee baarlamaanku waxay leeyihiin fadhiyo wadajir ah iyo fadhiyo u kala gaar ah,
waxaana caddeeyey fadhiyada labada gole baarlamaan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
isagoo siiyey gole walba awoodo iyo madax-banaani u gaar ah, sida ku cad Qodobka 38aad
faqraddiisa 5aad ee u dhigan sidan: Labada Gole ee Baarlamanku waxay yeelanayaan fadhiyo ay
wadaagaan iyo kuwo gaar u kala ah.
Haddaba, fadhiyada wadajirka ah ee labada gole isugu yeedhidooda waxa loo raacayaa
Qodobka 38aad faqradiisa 6aad ee Dastuurka ee u dhigan sidan hoos ku qoran:
Qodobka 38(6): Labada Gole ee Baarlamaanku fadhiyo wadajir ah ayey ka
yeelanayaan arrimaha ay ka mid yihiin:
b) Dhegeysiga Warbixinta Madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada Gole;
t) Marka laga doodayo ku biiridda Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan
goboleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyada leh dabeecad goboleed ama
caalami;
j) Goaaminta iyo ku-dhawaaqidda xaaladaha dagaal marka Jamhuuriyadda
Somaliland uu la soo gudboonaado dagaal;
x) Doodaha ku saabsan aafooyinka dabiiciga ah;
kh) Doodaha la xidhiidha xeerarka deg-degga ah;
d) Ansixinta magacaabidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare;
r) Arrimaha kale ee 2da gole la habboonaata inay fadhi wadajir ah ka yeeshaan.

Markaynu eegno dhammaan xubnaha ay ka kooban tahay faqradda 6aad ee Qodobka 38aad
ee Dastuurka, oo ah Qodobkii ay doodahooda u cuskanayeen masuuliyiinta xukuumaddu

13 | P a g e
isugu-yeedhidda Madaxweynaha ee fadhiggii wadajirka ahaa ee labada gole, kuma jirto
xubin u jideynaysa Madaxweynaha isugu-yeedhid fadhi wadajir ah oo labada gole uu
warbixin uga siiyo arrimo la xidhiidha nabadgelyada (sida Madaxweynuhu ku sababeeyey
codsigiisii qoraalka ahaa) ama uu ugu gudbiyo nuxur heshiis oo ay xukuumaddu geleyso
(siduu marka dambe yeelay). Isugu-yeedhidda Madaxweynaha ee fadhi wadajir ah ee labada
gole waxa xukumaya ujeeddada la isugu yeedhayo. Haddii ujeeddada uu Madaxweynuhu
isugu yeedhayaa ka mid tahay arrimaha ku cad xubnaha b ilaa d ee faqradda 6 aad ee
Qodobkan 38aad ee Dastuurka, Madaxweynuhu wuu isugu yeedhi karaa fadhi wadajir ah oo
labada gole isugu yimaaddaan; haddii se ujeeddada isugu-yeedhiddu ay ka baxsan tahay
arrimaha sida cad ugu xusan faqraddan 6aad ee Qodobka 38aad ee Dastuurka, in labada gole
fadhi wadajir ah isugu yimaaddaan iyo in kale waxa ka-goaan-gaadhiddeeda leh labada
Shir-guddoon ee labada gole, sida ay jideyneyso xubinta r ee faqraddan 6aad ee Qodobka
38aad ee Dastuurka ee u dhigan sidan: Arrimaha kale ee 2da gole la habboonaata inay
fadhi wadajir ah ka yeeshaan. Hadda u fiirsada xubintani waxa ku cad Arrimaha kale
ee 2da gole la habboonaada ee kuma qorna Arrimaha kale ee Madaxweynaha la
habboonaada.

Sidaa darteed, isugu-yeedhiddii Madaxweynaha, ee fadhigii wadajirka ahaa ee labada gole


ma waafaqsana Dastuurka Somaliland Qodobka 38aad faqradaha ({4aadb}, 5aad,6aad), si kale
haddaynu u sheegno fadhigaasi kumuu iman sifo sharci ah

5.2. Muxuu Madaxweynuhu hor-keenay fadhigii wada-jirka ahaa ee labada


gole?

Masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumadda iyo dad badan oo kale oo ay soo abaabushay
ayaa ku andacooda in fadhigaa la hor-keenay heshiiskii ay xukuumaddu ugu oggolaatay
dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta saldhigga milateri, fadhigaasna aqlabiyad aad u
sarraysa ay mudaneyaashii fadhiyey ku ansixiyeen heshiiskaas. Haddaba, halkan hoose
waxaynu ku eegaynaa waxa fadhigaa wadajirka ah la hor-keenay waxa uu ahaa.

a) Khudbaddii uu Madaxweynuhu ka jeediyey fadhigii wadajirka ahaa, wuxuu ku sheegay


in uu fadhiga u soo gudbinayo nuxurka heshiis uu damacsan yahay in uu dawladda
Isutaggaa Imaaraadka Carabta ku siiyo saldhig milateri oo Berbera ah.
b) Qoraalka ay Madaxtooyadu u soo gudbisey fadhiga wadajirka ahaa ee labada gole ee
12/02/2017, waxa ku dul-qoran oo qoraalkaa magac u ah: "NUXURKA
HESHIISKA DAWLADDA ISUTAGGA IMAARAADKA CARABTA IYO
JAMHUURIYADDA SOMALILAND EE AASAASKA SALDHIGGA
MILATERI". Magaca uu wato qoraalku wuxuu inoo sheegayaa in waxa la hor-

14 | P a g e
keenay labada gole aanu ahayn heshiis ee uu ahaa nuxurka uu xambaarsanaan doono
heshiiska xukuumaddu la geleyso dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta.
c) Doodihii ay qabteen labada idaacadood ee BBC iyo VOA maalintii Jimcaha ee
17/02/2017, ee ay ka kala qayb-galeen Wasiirka Madaxtooyada Somaliland
Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada Farxaan Haybe (siday u
kala horreeyaan), waxa labada Wasiirba ku sheegeen dooddoodii in qoraalka fadhiga
wada-jirka ah ee labada gole la hor-keenay uu ahaa "Nuxurkii" heshiiska ay
Somaliland la geli doonto dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta.
d) Wasiirka Arrimaha Debedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, oo
warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa 10/02/2017 oo ahayd
maalintii uu Hargeysa ku soo noqday weftigii Ethiopia tegey ee Wasiir Sacad iyo
labada wasiir ee kor ku xusaniba ka midka ahaayeen, wuxuu sheegay in aanu jirin wax
heshiis ah oo ay wada-galeen Somaliland iyo dawladda Isutagga Imaaraadka Carabtu
oo ku saabsan saldhigga milateri; taasina waxay meesha ka sii saaraysaa aragtida ah in
heshiis la hor-keenay labada gole.
e) Waxa loo yaqaanno heshiis waxa caddeeyey oo muranka ka saaray Heshiiska
Vienna ee Xeerka Heshiisyada ee la dejiyey 23 May 1969 (Vienna Convention on the
Law of Treaties Concluded at Vienna on 23 May 1969) oo Qodobkiisa 2(1)(a) uu
caddaynayo in ereyga Heshiis yahay mucaahado caalami ah oo ay wada galeen
dawlado oo qoraal ah oo uu maamulayo xeerka caalamiga ahi, kuna qoran hal documenti ama
laba iyo wax ka badan oo ah dokumentiyo xidhiidh leh wax kastaba ha ku saabsanaado e.
(Article 2. USE OF TERMS Sub-Article 1(a) Treaty means an international agreement
concluded between States in written form and governed by international law, whether embodied in a
single instrument or in two or more related instruments and whatever its particular designation).
Xaqiiqada ah in qoraalkii la hor-keenay fadhigii 12/02/2017 ee labada gole aanay
meelna kaga qorrayn in ay dawlado wada geleen, waxay caddayn u tahay inaanu
qoraalkaasi waafaqsanayn qeexidda uu Heshiiska Vienna ee Xeerka Heshiisyadu siiyey
ereyga heshiis.

Sidaa darteed, qoraalka la hor-keenay fadhigii wadajirka ahaa ee labada gole maalintii
12/02/2017 wuxuu xaqiiqa ahaan ahaa Nuxurkii heshiiska xukuumaddu la geli doonto
dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana sida aynu kor kaga soo hadallay sidaa
qirsan xubnihii xukuumadda ee ugu xogogaalsanaa arrinta oo uu Madaxweynuhu ugu
horreeyo.

15 | P a g e
5.3. Wada-tashigii habboona ee laga yeelan lahaa bixinta saldhiga ma la
sameeyay?

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku dhisan tahay nabad, wada-tashi iyo dimuqraayad sida ku
cad Qodobka 9(1) ee Dastuurka oo u dhigan sidan: Nidaamka siyaasadeed ee
Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo
hannaanka xisbiyada badan.

Iyadoo raacaysa qodobka kor ku xusan, tix-gelinaysana ahmiyadda ay arrintani leedahay,


xukuumadda waxa waajib dastuuri ah ku ahayd in ay u talo-badsato arrinta bixinta saldhigga.

Haddaba, markaynu eegno muddadii koobnayd ee daqiiqadaha ahayd ee Madaxweynuhu ku


hor-keenay arrinta bixinta saldhigga fadhigii wadajirka ahaa iyo jujuubkii uu sida duuduubka
ah guddoomiyihii fadhigu (Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud
Aadan) ku jiidhsiiyey fadhigaa nuxurkii heshiiska, waxay caddaynaysaa in aanay halkaa oollin
talo-wadaaggii iyo dimuqraadiyaddii uu Dastuurku jideeyey, meel kale oo bixinta saldhigga
taladeeda lagu soo qaadayna aanay jirin.

Sidaa darteed, xukuumaddu may samayn wad-tashigii loo baahnaa ee ay ka samayn lahayd
arrintaa saamaynta xoogga ah ku leh dadka iyo dalka.

5.4. Fadhigii wadajirka ahaa ma loo raacay xeerarka iyo xeer-


hoosaadyada baarlamaanka?

Markaynu eegno sida guddoomiyhii fadhigu, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, uu u


maamulay fadhiga ee markuu Madaxweynuhu baxayba uu kelidii goaansaday in aan arrinta
loo kala kicin ee isla fadhigaa lagaga goaan-gaadho, sidii xildhibaannadii gacanta taagay uu
ugu diiday in ay hadlaan, sidii loogu gefay sharafta mudanayaashaas iyo sidii iyadoo aan laga
doodin duuduubka loogu oggolaaday nuxurkii heshiiska ee ay madaxtooyadu hor-keentay
fadhiga, waxa caddayd in shirku af-duuban yahay oo lagu gefey Qodobka 38aad faqraddiisa
3aad ee Dastuurka oo u dhigan sidan: Baarlamaanku xil-gudashadiisa wuxuu ku
salaynayaa Dastuurka iyo Xeer-hoosaadyadiisa. Maamulidda fadhigaa laguma salayn
Dastuurka iyo Xeer-hoosaadyada baarlamaanka, sida uu Qodobkan 38(3) ee Dastuurku uu
waajibinayo, waxaana si cad loogu gefey qodobbada kale ee Dastuurka iyo labada xeer-
hoosaad ee baarlamaanka ee aanu hoos kaga hadli doono.

5.4.1. Diidmadii la diiday in nuxurka heshiiska laga doodo

Qodobka 39aad ee Dastuurku wuxuu u dhigan yahay: Golaha Wakiilladu waa xubno ka
wakiil ah dadweynaha, waana qaybta koowaad ee xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka,
oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka.
16 | P a g e
Haddaba, Waxa caddayd in aan fadhigaa wadjirka ahaa xildhibannada loo tix-gelin
wakiilnimadii ay ka ahaayeen dadweynaha ee ay dareenka degaannadooda ku cabbiri
lahaayeen maadaama loo diiday xildhibaannada in ay arrinta ka hadlaan taas oo gef ku ahayd
qaybta hore ee Qodobka 39aad ee Dastuurka ee u dhigan sidan: Golaha Wakiilladu waa
xubno ka wakiil ah dadweynaha. Diidmadii loo diiday hadalka xildhibaannadii ku sugnaa
fadhigaa wadajirka ahaa, waxa kale oo ay gef ku ahayd Qodobka 13aad faqradihiisa 1aad iyo 2aad
ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee u dhigan sidan:

a) Mudane kasta oo ka mid ah Golaha Wakiillada waa in ay xilkeeda u gudataa si


waafaqsan dastuurka, xeerarka iyo xeer-hoosaadka golaha.

b) Iyadoo la eegaayo waajibaadka ku cad faqradda 1aad ee qodobkan, mudane kasta


oo ka mid ah Golaha Wakiillada, xil gaar ah ayaa ka saaran matalaadda
degaanka codbixiyeyaasha ee laga soo doortay.

Waxa iyana caddayd in diidmadii xildhibaanada loo diiday in ay ka doodaan nuxurka


heshiisku ay meesha ka saartay ilaalintii siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka ee
xukuumadda ee ay xildhibaannada ku waajibisey qaybta dambe ee Qodobka 39 aad ee
Dastuurka ee u dhigan sidan: Golaha Wakiilladu waa [...] qaybta koowaad ee [...]
oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka; sidaa darteedna, aan
fadhigaa wadajirka ahaa lagu gudan masuuliyaddii ahayd in ay xildhibaannadu eegaan dhib
iyo dheef waxa ummadda ugu jira nuxurka heshiiska, iyadoo la hubo in nuxurka heshiisku
sida lagu soo gudbiyey aanay marna ummadda danteeda ahayn; tusaale ahaan iyadoo ay
nuxurka heshiiska ay ku qorrayd in kaabeyaasha dhaqaalaha dalka kii ugu qiimaha badnaa,
dhulka ku hareeraysan ilaa badda iyo hawadooda sareba 25 sannadood ugu yaraan dal
shisheeye loogu gacan-gelinayo si lacag-laaan (bilaash) ah.

In xildhibaannadu dood ka yeeshaan arrimaha fadhiyada goleyaasha hor-yaalla waxa kale oo


si cad ugu jideynaya, Qodobka 19aad ee xeer-hoosaadka Golaha Guurtida oo u dhigan sidan:
Mudaneyaasha doonaya in ay dood ka jeediyaan Golaha waxa ay magacyadooda ka
diiwaan-gelinayaan Xoghaynta Golaha marka ay agendaha fadhiga ogaadaan,
qodobkan oo uu ku xadgudbay Guddoomiyihii fadhigu, markuu u oggolaan waayey
xildhibaannada in ay dooddooda ka dhiibtaan arrinta bixinta saldhigga. Waxaynu ogeyn in
markii mudaneyaashu ay ogaadeen agendihii fadhiga oo ahaa nuxurka heshiiska ay
Somaliland ku siinayso dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta saldhig milateri, in aan
xildhibaannadii doonayey in ay dood ka jeediyaan arrintaa loo oggolaanin in ay iska diiwan-
geliyaan Xoghaynta sida uu jideynayo Qodobka 19aad ee xeer-hoosaadka Golaha Guurtida ee
kor ku xusan.

17 | P a g e
Waxa kale oo xildhibaannada in ay rayigooda ka dhiibtaan arrintii la hor-keenay fadhiga
wadajirka ahaa u jideynaysa Qodobka 26aad faqraddiisa 1aad ee Xeer-hoosaadka Golaha
Wakiillada oo u dhigan sidan: xildhibaan waliba wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u
cabiro lana xurmeeyo rayigiisa marka Golaha laga dhex doodayo, qodobkan oo isna si
cad loo baal-maray.

Waxa kale oo u-diididda xildhibaannada ka-hadalka bixinta saldhiggu ay gef ku ahayd


Qodobka 9(1) ee Dastuurka ee u dhigan sidan: Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda
Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hanaanka
xisbiyada badan,. Maadaama xildhibaannada aan laga talo-gelin, doodna aan looga
oggolaan lama gudan talo-wadaaggii uu waajibiyey qodobkani.

Duuduub-ku-meelmarintii nuxurka heshiiska lagaga meel-mariyey fadhigii wadajirka ahaa


waxa kale oo ay gef ku ahayd ereyga dimuqraadiyadda ee ku xusan isla Qodobka 9(1)
Dastuurka ee aynu kor ku sheegnay, maadaama xildhibaanno caddeeyey in ay dood ka
qabaan nuxurka heshiiska loo diiday in ay ka hadlaan oo sheegaan waxa ummadda ugu jira
dhib iyo dheef bixinta saldhigga.

5.4.2. Duuduub-ku-meelmarintii nuxurka heshiiska fadhigaa wadajirka


ahaa

Duuduub-ku-meelmarintii nuxurkii heshiisku waxay gef badheedh ah oo culus ku ahayd


Qodobka 38aad, faqraddiisa 4aad, xubintiisa t ee Dastuurka ee u dhigan sidan:

Himilooyinka xilgudashada baarlamaanka waxa ugu muhiimsan arrimahan soo


socda:

a) Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo madax-


bannaamida maamulka dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeeda.

Guddoomiyihii fadhiga wadajirka ahaa iyo xildhibaannadii iyadoon laga doodin gacanta u
taagey nuxurkii heshiiska ee xukuumaddu hor-keentay, waxay gabeen waajibkii ka saarraa in
ay hubiyaan waxan la horkeenay in uu meel-ka-dhac ku yahay sugidda nabadgelyada iyo
ammaanka Jamhuuriyadda iyo madax-bannaanida maamulka dhuleed, badeed iyo hawo ee
dalka iyo in kale. Waxa xusid mudan in halka ciidammada qaranku ay dhiiggooda ku
ilaalinayaan sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo madax-bannaanida
maamulka dhuleed, badeed iyo hawo ee dalka, in ay golaha baarlamaanka ay waajib ku ahayd
in ay intaaba ku ilaaliyaan goaammada ay qaadanayaan sida ku cad Qodobkan 38(4{t}) ee
sare ku xusan. Nasiib darro si badheedh ah ayay arrintaa uga gaabiyeen waxaanay
xildhibaannadaasi daawanayeen intii iyaga ka midka ahayd, ee isku dayday in ay arrintaa la

18 | P a g e
hor-keenay ay waajibkooda ka gutaan, ee hortooda ciidammadu ku gacan-saareen,
khasabkana kaga saareen fadhigii wadajirka ahaa, arrintaasoo uu guddoomiyihii fadhiguna
dembiga intiisa badan ku lahaa maadaama uu ku gefey hoggaaminta fadhiga ee qodobbada
Dastuurka iyo Xeer-hoosaadyada ee aanu kor kaga soo hadallay nidaamiyeen, isagoo
xukuumadda u danaynayana uu jujuubay in goluhu baalmaro masuuliyaddiisa.

Sidaa darteed, guddoomiyihii fadhigaa wadajirka ahaa iyo xildhibaannadii, iyagoon qiimayn
saamaynta ay arrintaasi ku leedahay nabadgelyada iyo madax-bannaanida maamulka dhuleed,
badeed iyo hawo ee dalka, waxay si indho-laaan ah gacanta ugu taageen nuxurkii heshiiska ee
xukuumaddu hor-keentay, iyadoo la hubo in ay xukuumaddu oggolaanshahooda sharci-
darrada ah ay aasaas uga dhiganayso ku wareejinta qayb ka mid ah dhulkii, baddii iyo hawadii
dalka ee ay ilaalintooda u xilsaarraayeen.

5.5. Ku-xadgudubkii xasaanadda xildhibaanada

Subaxdii 12/02/2017, waxa dadku ku soo toosay iyadoo jidadka dhinac walba kaga yimaadda
xarunta Baarlamaanka iyo xarunta lafteedaba uu buux-dhaafiyey ciidan xukuumaddu ugu
talo-gashay in ay culays ku saarto mudaneyaasha baarlamaanka ee waajibkooda sharci
gudanayey, waxaana dhacday in baabuurta lagaga dejinayey xildhibaannada meelo aad uga fog
xaruntooda oo lagu khasbay in ay lug ku tagaan xaruntii baarlamaanka. Waxa kale oo
ciidammadaasi tirooyin aad u badan ay ku joogeen madashii fadhiga. Markii dambe ee ay
mudaneyaashu arkeen in fadhigu af-duuban yahay ee ay goaansadeen in ka baxaan madashii
fadhiga iyadoo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha golaha Wakiilladu, ahna Guddoomiyaha
Xisbiga WADDANI isla markaana ah Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga, waxa loo diiday
inay ka baxaan xaruntii Baarlamaanka.

Isla markii guddoomiyihii fadhigu uu amray in xubnihii Wasiirrada ahaa ee fadhiga joogey ay
sharraxaan nuxurkii heshiiska, waxa gacanta taagay oo doonay in ay sameeyaan soo dhexgal
toosineed (point of order) ama sixitaan (point of correction) xildhibaanno door ah sida ay u
jideyneyso faqradda 1aad ee Qodobka 27aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee u dhigan
sidan: Mudane kastaa wuxuu codsan karaa toosin (point of order) ama sixitaan (point of
correction) isaga oo aan hadalka lahayn, iyadoo Mudane kale uu wato hadalka, waxaana
guddoomiyihii fadhiga waajib ku ahayd in uu siiyo hadalka oo uu ku horraysiiyo
mudaneyaasha codsanayey toosinta ama sixititaanka sida ay ku waajibinayso faqradda 2 aad ee
qodobka 27aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada oo u dhigan sidan: Guddoomiyuhu
wuxuu siinayaa hadalka mudane codsaday toosin ama sixitaan. Waxaan shaki ku jirin in
guddoomiyihii fadhigu uu si cad ugu badheedhay ku gefiddooda faqradaha 1aad iyo 2aad ee
Qodobka 27aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee waajibka dastuuriga ah ku ahayd in
uu ku saleeyo xilgudashada baarlamaanka sida ay jideynayso faqradda 3 aad ee Qodobka 38aad

19 | P a g e
ee Dastuurka oo dhigan sidan: Baarlamaanku xil-gudashadiisa wuxuu ku salaynayaa
Dastuurka iyo Xeer-hoosaadyadiisa.

Markii Guddoomiyihii fadhigu uu ka dhego-adaygay in uu hadalka siiyo xildhibaannada


codsanayey in ay sameeyaan toosinta ama sixitaanka, ee dabadeedna fadhiga uu sidaa buuqu
ku galay, waxa kale oo guddoomiyaha waajib ku ahayd in uu adeegsado Qodobka 25 aad ee
Xeer-hoosaadka Golaha Guurtida oo u dhigan sidan: Haddii shirka khalkhal la geliyo
hoggaamintuna faraha ka baxdo, waxa uu Guddoomiyuhu xidhayaa shirka iyada oo uu
hadalka taagnaan ku sheegayo.

Xildhibaanadii isu taagay in ay sameeyaan toosinta ama sixitaanka, waxay fadhigaa ka


gudanayeen waajibaadkooda sharciga ah ee wakiilnimo iyo masuuliyaddii ka saarrayd ilaalinta
xukuumadda ee uu ku waajibinayo Qodobka 38aad, faqraddiisa 4aad, xubintiisa t ee
Dastuurka, arrintaas oo uu guddoomiyhii fadhigu xildhibaannada si badheedh ah uga hor-
joogsaday.

Halkii guddoomiyaha fadhigu uu xildhibaannada codsaday toosinta ama sixitaanka uu ka siin


lahaa hadalka, ama uu marka dambe ee shirka uu buuqu galay shirka ka xidhi lahaa, wuxuu
uga sii gudbay gelitaanka gefaf kale oo liddi ku ah xasaanaddii xildhibaannada isagoo ku
dalbaday askar gacanta ula tagtay xildhibaannadii oo waxyeellooyin u geysatay, dhulka
qaarkood jiiddey, khasab kaga saartay dhammaantood fadhigii, qaarkoodna saldhig booliis ku
soo xidhay. Waxyaalahaa lagula kacay xildhibaannadii gudashada xilkooda isku dayey waxay
meel-ka-dhac ku ahaayeen xasaanaddoodii Dastuurku u dammaanad-qaaday ee ahayd in
marka qudha ee tallaabo laga qaadi karaa ay tahay marka lagu qabto isagoo dembi faraha kula
jira sida uu caddaynayo Qodobka 49(4) ee Dastuurka ee u dhigan sidan: Waxa xubinta
(barlamaanka) tallaabo laga qaadi karaa haddii lagu qabto isagoo dembi faraha kula jira;
markaana waxa waajib ah in golaha si degdeg ah loo ogeysiiyo, xaaladdaas oo haba
yaraatee aan meesha oollin.

Halkan hoose waxaynu in kooban kaga soo qaadanaynaa xildhibaannadii dhibta loo geystey
oo ka hadlaya sida ay wax u dhaceen.

Xildhibaan Cali Aareeye oo cabbiraya wixii meesha ka dhacay wuxuu yidhi Ninkii immunity-
ga (xasaanad) lahaa ee xildhibaanka ahaa haddii sidii la doono laga yeelayo, Cali Xaaji oo 80 jir ah oo
idul-maraya ayaan arkayey, aniga iyo Xildhibaan Xuseen Ismaaciil waxanu lahayn keena heshiiska
rasmiga ah, ka dibna Xildhibaan Xuseen ayaa layga garab qaaday, runtiina waan yaabay oo wax aan hore
u arkay maaha.

20 | P a g e
Sidoo kale Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige ayaa isna yidhi Aniga oo meel iska taagan oo aan
waxba samayn ayaa lay yimid oo lay gacan-saaray oo dhulka laygu tuuray, waan miyir beelay ka dibna
waxan soo miyirsaday anigoo meel dibedda ah jiifa.

Waxyaalahaa aynu kor kaga soo hadallay ee ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada gole,
waxay caddayn u yihiin in si badheedh ah loo baal-maray xeerarkii, xeer-hoosaadyadii iyo
hab-dhaqankii maamul ee fadhi baarlamaan.

Masuuliyadda gefafka ka dhacay fadhiga wadajirka ah inteeda badan waxa yeelanaya


guddoomiyihii fadhiga oo fadhiga u adeegsaday awood aanay siinin xeerarku. Bal aanu halkan
hoose ku yar eegno awoodda ay Xeer-hoosaadyadu u siinayaan guddoomiyihii fadhiga
wadajirka ahaa maamulidda fadhiga.
Qodobka 4aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Guurtidu waxay Shirguddoonka fadhiga oo uu ka
mid yahay guddoomiyaha fadhigu ay awood u siinaysaa:
b. Inay leeyihiin awoodda furista iyo xidhista shir kasta oo u qabsooma.
t. Hoggaaminta shirka caadiga ah iyo kan aan caadiga ahayn ee Golaha
Guurtida.
Sidoo kale Qodobka 8aad (2, 4, 7 iyo 20) ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada wuxuu
Guddoomiyaha Golaha siinayaa waajibaadyada hoos ku qoran sida ku xusan faqradaha hoos
ku qoran:
Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu
2. Wuxuu ilaalinaya nidaamka golaha.
4. Wuxuu furayaa, xidhayaana fadhiyada golaha.
7. Wuxuu hoggaaminayaa doodaha, wuxuu hadalka u qaybinayaa
mudaneyaasha.
20. Wuxuu ahaanayaa mid u dhex ah mudaneyaasha marka laga reebo
xaaladda codkiisa loo baahdo.
Markaynu eegno qaabkii uu guddoomiyuhu u maamulayey shirka waxaan shaki ku jirin in
aanu talada waxba ka siin xubnihii shirguddoonka ahaa ee fadhiga la hoggminayey sida uu
jideynayso faqradda t ee Qodobka 4aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Guurtidu. Waxa kale oo
guddoomiyihii fadhigu ku gefay faradaha 7aad 20aad ee Qodobka 8aad ee Xeer-hoosaadka
Golaha Wakiillada ee sare ku xusan, maadaama aanu guddoomiyuhu hoggaamin doodihii
fadhigaa oo aanu hadalkii u qaybin mudaneyaasha isla markaana aanu fadhigaa noqon mid
dhex u ah mudaneyaasha (eeg faqradda 7aad iyo 20aad ee Qodobka 8aad ee Xeer-hoosaadka
Golaha Wakiillada siday u kala horreeyaan).

21 | P a g e
Waxa laga war-hayey in ka-hor intaan fadhiga wadajirka ah la hor-keenin nuxurka heshiiska,
ay xukuumaddu beel-beel ugu shirineysey madaxtooyada xildhibaannada ay u arkaysey inay
adeegsan karto, iyadoo shirarkaa ay ka soo baxaysay in ay madaxtooyadu ku bixisay
cashuurtii ummadda ay ka qaadaysay si ay xildhibaannadu ugu meel-mariyaan arrintaa ay
wadato, arrintaasoo sida muuqatay uu guddoomiyihii fadhiguna qayb ka ahaa.

Waxa iyana markaa halkaa ka cad, in qaabka ay xukuumaddu u adeegsatay goleyaasha sharci-
dejinta ee ay uga gudbisey nuxurka heshiiska saldhigga uu meesha ka saaray awoodihii is-
ilaalinayey, isna dheelli-tirayey ee hayadaha qaranka, oo uu goleyaashii sharci-dejinta u rogey
goleyaal gabay wakiilnimadii dadweynaha ay uga ahaayeen la-xisaabtanka xukuumadda guud
ahaan iyo Madaxweynaha gaar ahaan.

5.6. Goaankii fadhigii wadajirka ahaa saamayn sharci ma yeelan karaa?

Ka-sokow sharci-darradii loo maray isugu-yeedhidda fadhigii wadajirka ahaa ee labada gole
iyo qaabkii gurracnaa ee fadhiga loo maamulay ee aynu kor kaga soo hadallay, waxa si cad
looga been sheegay tirada xildhibaannada ee fadhidey fadhigaa iyo inta oggolaatay qorshihii
xukuumaddu wadatey. Guddoomiyihii fadhigu wuxuu sheegay in ay fadhiga ku sugnaayeen
147 mudane, 144 ay oggolaadeen nuxurka, 1 diiday, hal ka aamusay, guddoomiyuhuna aanu
codayn. Balse, waxa la xaqiijiyay in 24 muddane oo Golaha Wakiilada ka tirsani fadhiga ka
baxeen ama ka maqnaayeen sida ku cad qoraalka ay mudanayaashaasi saxeexeen ee
maqnaanshahooda cadaynaya (Eeg lifaaqa ka hadlaya tirada xildhibaannada ka maqnaa
fadhiga xilligii codaynta). Sidoo kale, waxa la xaqiijiyay in 4 muddane oo Golaha Guurtida ka
tirsani iyana fadhigaas ka maqnaayeen Arrintani waxay ka dhigaysaa in Golaha ay fadhiyeen
136 muddane oo kali ah, islamarkaas uu jiro farqi 11 muddane ah oo u dhexeeya tirada
rasmiga ah ee fadhiga ku sugnaa iyo inta uu guddoomiyuhu sheegay.

Sidaa darteed, goaanka la xidhiidha nuxurka heshiiska ee fadhigaa ka soo baxay ma


noqonayo mid waafaqsan Dastuurka dalka, ku-salayntiisa bixinta saldhigguna waxay
noqonaysaa sharci-darro.

5.7. Dastuurka Somaliland muxuu ka asteeyay gelitaanka iyo ansixinta


heshiisyada laba geesoodka ah ee caalamiga ah?

Xukuumadda waxa u bannaan in ay sifo sharciga waafaqsan u kireyso ama ugu tasarufto
hantida ma-guurtada ee qaranku leeyahay sida ku xusan Qodobka 12(3) ee Dastuurka ee u
dhigan sidan: Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay [...] hantida ma-guurtada ah
[...] kirayso [...] ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

22 | P a g e
Sida ay caddaynayso faqraddan sare ku xusani xukuumaddu awood bay u leedahay in ay
iyadoo raacaysa shuruucda u taalla ay kirayso hanti ma-guurta ah ee uu qaranku leeyahay sida
garoommada dayuuradaha, waxa se aynu 4.2 ee qoraalkan aynu kaga soo hadallay in fadhigga
wadajirka ah ee labada gole ee 12/02/2017 aan la hor-keenin wax heshiis ah oo ay
xukuumaddu ku kiraysay ama ku samaysay tasaruf kale oo sharciga waafaqsan qaybta dhulka,
cirka iyo badda isugu jira ee ay saldhig milateri ka siinayso dawladda Isutagga Imaaraddka
Carabta.

Sida Wasiirrada Madaxtooyada iyo Duulista iyo Hawadu ay ku doodeen, waxay xukuumaddu
u cuskatay u-soo-gudbinta fadhiga wada-jirka ah ee labada gole Nuxurka heshiiska ay la
geleyso dawladda Isutaggaa Imaaraadka Carabta qodobka 38(6)(t) ee Dastuurka oo u qoran
sidan:

(6) Labada gole ee Baarlamaanku fadhiyo wadajir ah ayey ka yeelanayaan


arrimaha ay ka mid yihiin:
(t) Marka laga doodayo ku biiridda Jamhuuriyadda Somaliland urur ama
huwan goboleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyo leh dabeecad
goboleed ama caalami.

Haddaba is-weydiintu waxay tahay: Ma ku-biiris urur goboleed ama caalami buu
Madaxweynuhu u soo gudbiyey fadhiga wadajirka ahaa ee labada gole?

Suaashaa jawaabteedu waa maya ee wuxuu u soo gudbiyey khudbaddiisana kaga hadlay
nuxurka heshiis uu doonayo in uu saldhig ku siiyo dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta;
jawaabtani waxay meesha ka saartay in Qodobka 38(6{t}) qaybteeda hore ee ah: Marka
laga doodayo ku biiridda Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan goboleed ama
caalami ahi aanay khusayn ujeeddadii loo qabtay fadhigii wadajirka ahaa ee labada gole.

Suaasha labaad waxa weeye: Ma waxa la ansixinayey heshiis ay wada galeen dawlado ay
Somaliland isku gobol yihiin ama heshiis caalami ah oo Somaliland dhinac ka noqonayso?

Suaashan jawaabteeduna si cad bay u tahay maya, oo macnaheedu yahay in aanay qaybta dambe
ee Qodobka 38(6{t}) ee ah ama ansixinta heshiisyo leh dabeecad goboleed ama caalami
aanay iyana khusaynin ujeeddadii loo qabtay fadhigii wadajirka ahaa ee labada gole.

Sidaa darteed, Qodobka 38(6)(t) ee Dastuurka Wasiirradu u cuskanayeen ujeeddada


Madaxweynuhu uu isugu yeedhay labada gole ee ahayd in lagu anixiyo nuxur heshiis ma
bannaynayso in fadhi wadajir ah oo labada gole isugu yimaadaan lagu ansixiyo nuxur heshiis
oo si gaar ah ay xukuumadda Somaliland ula gasho dawlad kale, sida kan ay doonayso in ay la
gasho dawladda Isutagga Imaaraadka carabta. Sidoo kale ma jirto meel kale oo ay Dastuurka

23 | P a g e
kaga qoran tahay in labada gole baarlamaan ay fadhi wadajir ah ka yeelanayaan in ay
ansixiyaan nuxur heshiis oo aan weli la gelin.

Heshiis ay Somaliland la gasho dawlad kale waxa loo raacayaa qodobka 53(3) ee Dastuurka
ee u qoran sidan:

Golaha Wakiilladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid


yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo, ama kuwa keenaya culays
miisaaniyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo-
saarid ama wax-ka-beddelid qaanuun.

Sida xaqiiqda ah heshiiska ay tahay in lala galo dawladda Isutagga Imaaraadka Carabtu wuxuu
noqonayaa heshiis caalami ah oo loola geli karo ujeeddo siyaasadeed iyo dhaqaaleba. Sidaa
darteed, qodobkan 53(3) ee aynu kor ku soo sharraxnay ayuu noqonayaa ka ay tahay in loo
raaco ansixinta heshiiska marka la soo galo, ansixintaasina waxay gaar u noqonaysaa Golaha
wakiillada.

6. Gebegebo iyo Talo-soo-jeedin

Gebogebadii, waxa caddaatay in xukuumaddu aanay raacin nidaamkii wada-tashi iyo is-
qancineed ee Somaliland hore ugu caano-maashay, inagana saaray caqabadihii qaran ee hore
inooga hor yimid.

Waxa aan iyadana muran ku jirin, in fadhigii wadajirka ahaa ee labada gole (isugu-
yeedhiddiisa iyo maamuliddiisii) uu ahaa ku-tumasho sharci, wixii ka soo baxayna uu ahaa
sharci-darro aan lahayn saamayn sharci oo inagu waajibinaysa in aynu u hoggaansano.

Waxa iyana marag ma doonto ah in aanay xukuumaddu keenin heshiis dhamaystiran fadhigii
wadajirka ahaa ee labada gole, si baalmarsan dastuurka iyo xeer-hoosaadyada labada golena u
jiidhsiisay ansixinta heshiis nuxureedkii ay xukuumaddu soo qortay.
Waxa iyana ka muuqatay habdhaqanka iyo hadallada ka soo yeedhayay masuuliyiinta kala
duwan ee xukuumadda, iyo waliba warbaahinta caalamka xogo is-burinaya oo la xidhiidha
bixinta saldhigga, taas oo ummadda ku abuurtay shaki weyn oo ah in heshiiskaas uu ku jiro
wax aan ummadda u cuntamayni.

Sababaha aynu kor kaga soo hadallay dartood, Xisbiga Waddani wuxuu u arkaa ilaa hadda in
aan ummadda la hor-keenin heshiis cad oo ay ku aqbali karto bixinta saldhigga, isla
markaana, aanay jirin sifo sharci ah oo dawladda Imaaraadku ku soo degto Somaliland.

24 | P a g e
Xisbiga Waddani wuxuu ku talinayaa:
1. In xukuumaddu ku soo noqoto, kuna maamusho dalka sifihii sharci, joojisana marin-
habaabinta iyo afduubka ay ku waddo taladii qaranka;
2. In xukuumaddu ummadda u soo badhigto heshiiska ay saldhigga ku bixinayso, lagana
yeesho talo-wadaagga uu waajibinayo Qodobka 9(1) ee Dastuurku;
3. In bulshadu kaalin firfircoon ka qaadato talo-ka-gaysashada arrintan bixinta saldhigga
ee saamaynta xoogga leh ku yeelanaysa mustaqbalka dalka iyo dadkaba;
4. In xukuumadu soo hordhigto Golaha Wakiillada heshiiska rasmiga ah ee lagu
bixinayo saldhigga si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah ee uu jidaynayo
Qodobka 53(3) ee Dastuurku.
Ugu dambayn, Xisbiga Waddani wuxuu xukuumadda ugu baaqayaa in ay ku soo noqoto
xayndaabka sharciga una hoggaansanto talooyinkan si dalku uga badbaado iska-hor-imaad
ku keeni kara burbur.
Haddii ay xukuumaddu ka dhego-adaygto u-soo-noqoshada sharciga, rabitaanka shacabka iyo
soo-jeedimahan, waxaanu bulshada Somaliland ugu baaqaynaa in ay u hiiliyaan sharciga kana
hor-yimaaddaan sharci-darrada lagu xalaashanayo xaraashka dalkeena iyo musuqmaasuqa
xadhkaha goostay ee lagu boobayo hantideena.

25 | P a g e

Вам также может понравиться