Вы находитесь на странице: 1из 7

Haybinta Iyo Haraatida Sanadka 2014

Qalinkii:- Garyaqaan Cabdale Dahir Adan


Bartay Aqoonta Xeerarka
Email:- cabdale1987@gmail.com
Tell:- +967733087526
2/01/2014
Waa xaajo uguba oo maaha mid curada in aan hada bilawnay sanad cusub, ee
waa mid waligeed soo taalay, siina jiri doonta, tan iyo malinta uu Eebe weyne sida
uu yidhi, uu duubi doono adunkan aan guudkiisa saaranahay, se waxa ay ka
tagaan, mahadhooyin, iyo raad lagu xasuusto, waana taas ta ay sanaduhu ku kala
gadisan yihiin.

Iyada oo taasi jirto, waxa meesha taal in qaran iyo qofba u baahan yihiin, hawl
mudaysan oo uga meel taal sanadka uu hadba bilaabo, kii ka tagayna uu dib isugu
geeyo, hawlihii uu sii qorshaystay sanadkii dhaafay, ee aanu noqon mid sida
indhoolaha gabada marka ay dhirbaaxadu ku dhacdo, waana halka uu Abwaan
Gaariye Eebe godka ha u nuuree uu ka yidhi.

Nin dariiq xariiqdaa

Garan kara dayawdaye

Dhidarkii ku kacay danad


Dockastaaba waa u daw

Taas aniga oo ka dulaya waxa aan hoosta ka xariiqayaa in aan dib waxa u
habaysano, oo aan eegno, hayanka halkeena ku wadanaa? Maxaa inoo
qabsoomay qaran iyo qofba? Maxaa inaga qabyo ah? Maxaa qabyo ka dhigay
hawshan inoo kala qalan? Hawlo sideeya ayaa sanadkan inoo yaala?
Weydiimahaas baa inoo mudan miiskana inoo yaala ee waa in sida ay u kala
sareeyaan aan u kala gurnaa.

Taas iyada oo aan ka dulaayo, waxa aan qodobo aan ka dhigi, waxa aan u arko in
ay sanadkan cusub ee 2014ka miiska inoo yaalaan, hadii aan nahay bulshada
Somaliland, oo ay gadh-wadeen ka yahay Hogaanka manta jooga, waana mid inta
badan hawshaasi u taal, se bulshada garab iyo gashanba waa ga baahan yihin,
waxana dhaba In aan hawl loo wada dhididin aanu nina kalidii ku dhaadan Karin,
si aan hadaba sanadkaas aan dhexda xidhano, maxaa miiska inoo yaala.

1- Wada hadalada Somaliland Iyo Somaliya


2- Adeegyada gunta u ah nolosha dadkeena
3- Diyaarinta doorashada 2015 ka
4- Soo xidhida irida bari ee qarankeena
5- Madaxweyne 2013 waa lagu waayee yaan 2014 lagu waayin
1- Wada hadalada Somaliland Iyo Somaliya
Dib gu laaban mayo, balaadhinta qodobkan waayo hore ayan qormo u gaara aan
si hufan oo aad u qoto dheer aan uga hadlay, qofkii rabaa ha ku laabto, waxan uu
halku dhigeedu yahay, Xog-dhaba Wadahadalada Somaliland Iyo
Somaliya, waxana ay ku jirtaa Google, war-baahinta waa ku soo baxday, se
waxa aan rabaa uun in aan toosh ku qabto, in ay tahay hawlaha ugu mudan ee
qaran ahaan inoo wada yaal miiska, iyada oo ay tahay in aan sanadkan aan
arinkaas aan meel adag aan ku soo xidhno, danteena ka soo dhamaysano, waayo
waxa dan ah oo inoogu jirtaa ma jirto sii socosho intan ka badan, waana in miiska
la soo saaro waxa dhabta ah ee aan meesha ka rabno, hadii kale waa yaanu
waqtiga inag qaadin, ee aan toos cabashadeena aan hordhigno Maxkamada
aduunka iyo Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo aan halkaas ku kala
gar-naqsano, waxana ugu mudan ee miiska inoo yaalaa waa hadii aan nahay
Somaliland.

Waxa aad miisaka soo dhigtaan

1- In ay si cad u qirtaan in aan ahayn laba qaran oo isku soo biiray 1/07/1960
kii, taas anaga oo ka duulaynana aan ka baxnay 18/05/1991 kii midnimadii
aan idin la galnay
2- In uu yahay xuduudka u dhexeeya Somaliland Iyo Somaliya kii u dhaxeeyay,
labadii qaran ee isku soo biiray 1/07/1960kii ee uu ka tagay, labadii
maamul ee ka kala talin jiray, xadkaas oo la dhigay 1891-1907
3- in ay ay qirtaan xasuuqii loo gaystay dadka reer somaliland, isla markaana
ay garab iyo gaashaan buuxa ku siiyaan somaliland sidii loo hor-keeni
lahaa garsoorka, dadkii gaystay
4- in ay magdhaw ka bixiyaan burburintii gayigeena somaliland, taas oo aan
ku weynay dhamaan hantidii aan lahayn oo dhan, raadkeediina sii qoyan
yahay, waana in gudi loo saaro soo qiimaynta dhibtii inaga soo gaadhay
5- In hantidii ay la hayd daawladii la isku odhan jiray somaliya, wixii ka nool si
siman loo kala qaybsado, hadii ay tahay, safarado, diyarado iyo maraakiiba
6- In daynta lagu lee yahay somaliya wixii ka horeeyay 1991kii, oo aan hub
lagu soo iibsan, aan qaybteena qaadano hadii aan nahay somaliland,
waayo, amintaasi waa xiligii ay si dhaba u burburaty wixii la isku odhan
jiray somaliya, inaguna aan madaxbanaanideenii aan la soo noqonay, se
waa in aynaan ogolaan daynta hub lagu soo iibsaday, ileen hubka waxaa
loo adeegsaday, burburinta dhulekeena iyo bara-kicinta dadkeena.

Qodobadaas baa gun iyo gunaanad u ah, waana GAR ay leeyihiin Reer Somaliland
oo dhami, wax cidi aayar dhaafi karto maaha, hadii kale waxa meesha lagu hayaa
waa waxa aan meel ina gaadhsiinayn.

Waxana aan hawshaas aan ku soo ooday, dhawr qodob oo aan talo ka dhigaayo,

1- In miiska la soo saaro waxa jira ee aan meelaha soke aan lagu daalin
2- In Ilimada Dublamaasiyada lagu daro, hawsha, hadii ay tahay dhanka
Maraykanka iyo Uk iyo cida hawshan ku raadka leh ba
3- In wanaagu yahay in la kala baxo uu yahay waxa manta hor-yaal Tol-
weynaha Somalida, oo si dhaba oo I taabsiiya gacanta loogu saaro
4- In wanaagu halkaas ka bilaabmayo, hadii si haboon look ala baxo, hadii
kale ay tahay bilawgii kala-fogaanshaha

Waa qodob aan laga dhargayn, balaadhintiisa, se waxa aan ku soo xidhay
murtidan odhanaysa.

Kan intiisa hagaajay ( Somaliland)

Dantiisana haysata

In uu hantidayda ( Somaliya )

Hadhuub u tosho

Anaa ka habaaran
Hadaan ka yeelo

2- Adeegyada gunta u ah nolosha dadkeena


Waa dhab oo hawsha qaran-dhisku waa mid waligeed soconaysa, se waxa mudan
in aan sanadkan aan u soo wada jeedsano, sidii aan nolosha dadkeena kor ugu soo
qaadi lahayn hadii ay tahay.

1- Biyaha
2- Cafimaadka
3- Waxbarashada
4- Wadooyinka

Waa taas ta dhabta ah ee manta ay tabayso, bulshadeenu, wax miisaan ah oo


aynu leenahay ma jirto inta qof inaga mida ay ka maqan tahay intaasi, ama mid
ka midi, waayo waxa maqan xaq uu qofi lahaa, hadii kaasi maqan yahay, oo aan
la baadi doonin waxa iyana iman doonta maalin la waayo, inta kale xaqooda,
maxaa yeelay Xaqu maaha mid qaybsama, ee waa mid dhan, taas baa yoolka
sanadkan inoo ah, waxa aan la hadlayaa waa raga hogaanka haya, ee bulshada u
balan-qaaday in ay waxaas ka dharginayaan, gar maaha in dhan uu ka dharo
barwaaqadaas, dhanka kalena uu ka qatanaado barwaaqada, ee waa in
hogaanku dib tirade gadmatay uu u sigib tiara, oo baahiyaha mudan bulshada uu
ka wada simaa.

3- Diyaarinta doorashada 2015 ka


Waa mid ka mida hawlaha inoo yaala gugan curtay, waxan mudan in hawshaas,
aan xil-weyn aan iska saarno, si aanay meesha u iman mudo dhaaf, waana mid
inoo maamuus ah in aan hawshaas ku qabano waqtigeeda, waana haboon tahay
in la isku xidho labada doorasho, ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada, waxan
haboon in aan ogaano in culayska ugu badani ka imanaayo Doorshada Golaha
Wakiilada, maxaa yeelay, waxa ay u baahan tahay qodobadan.

1- Go'aan dhaba laga gaadho GOBOLADAN CUSUB, maxaa yeelay waxa ay si


dhaba uga soo hor-jeedaan Saami-qaybsigii hore
2- In dib loo dhameeyo dhamaan xeerarka doorashadu u baahan tahay, si
aanu mudo-dhaaf meesha u soo galin
3- In dib loo eego Saami-qaybiga, maxaa yeelay hada kan jiraa waa Ku-meel-
gaadh
4- in gobolada dhinacyada aad loo tix-galiyo, maxaa yeelay saami-qaybsigu
waxa uu ku qotomaa GOBOLO, taasina waxa iyada oo gar ah ay u
badinaysaa BEESHA DHEXE, ee deeqsinio ha lagu daro, iyo in la wadaago.
5- Waana in ay si dhaba doorashadu uga wada dhacdaa dhamaan qobolada
Somaliland siiba bariga fog
6- In meel la dhigo kala xadaynta gobolada iyo dagmooyinka, taasna muran
badan baa ka taagane, yidana waa in hoos loo eegaa

Intaasi waa inta ugu mudan ee hor-taagan qabsoomida doorashada golaha


wakiilada, waxa kale oo iyaduna jirta, in RAGA U TAAGAN DOORASHADA
MADAXTINIMO, ay qorshe cad oo aqooneed oo si dhab ugu taagan waxa ay
bulshada ku hogaaminayaan miiska soo dhigtaan dhan kasta, ee aanay noqon
qaar ku hadla wixii af-kooda soo mara, waxan mudan qodobadan.

1- In si toosa ay u doodaan, oo mid kastaa miiska soo saaro, waxa uu


bulshada ku hogaaminaayo, si look ala ogaado, bulshaduna ay u doorato
kan ugu aqoonta iyo kartida badan
2- In doorkan raga jagooyinka sare u tartamaaya, ay soo galaan gobolada
bariga fogi, oo aanay noqon waxa ay beesha dhexe iyo beesha gadabursi
aanay isku cel-ceshan
3- In raga gobolada barigu aanay odhan hala noo gartee ay raga la
tartamaan, oo aanay qarankooda marti ka noqon, waxana dhaba in ninkii
aamusa hooyadii qadinayso

Intaas baan qodobkan aan ku soo koobayaa, waayo waxa aan diidayaa in aan
qalinka la taraaro, waana qodob mid kastaa u baahan yahay, lafo-gurkiisa, si
bulshadu uga dharagto,

4- Soo xidhida irida bari ee qarankeena


Waa ku ceeb in qarankeena oo manta jira mudo badan uu yahay, qaran aan
dhamaan ciidiisa oo dhan, aan gacanta midig ku hayn, waana sumad ka mida
sumadaha lagu garto in qarankaasi yahay mid liita.

Aniga oo maankayga ku haya dhamaan duruufaha ku gadaaman, gobolada bariga


fog, waa in sanadkani noqdaa, sanadkii qarankeenu uu dhamaan iridaha laga soo
galo oo dhan uu gacanta midig ku qabsan lahaa, maxaa yeelay qaran waa bulsho
wada socota ee maaha bulsho kala socota, waxan mudan in meesha laga saaro

1- In dadkaas la isku jabiyo, iyagana la isu adeegto


2- In baahida dhabta ah ee dhan kasta ah laga saaro dadkaas
3- In garaadkooda aqooneed kor loo soo qaado
4- In si dhab looga qanciyo, in aan BEESHA DHEX, u socon dhulkooda, waan
sida dad badani sheegan
5- In xooga ciidan ee gobolka sool saran laga qaado, oo lagu badalo xiidan
boolis ah, oo nabada suga,
6- In dibu-heshiisiin kale oo boogaha daweysa laga qabto, dhulkaas oo ah (1)
mid dhaqan (2) iyo mid siyaasadeed
7- In 2% ay miisaaniyada qaranka ku leeyihiin loo kordhiyo oo si dhaba waxa
loogu qabto, dadka dhlkaas dagana ay si toosa u gaadho, waana in gudi uu
madaxweynuhu gudoomiye u yahay ay hawshaas gacanta ku dhigaan,
maamulaana

Intaas baan qodobkan aan k dhaafataa, waxan aan hada gacanta aan ku hayaa
qormo aan si qoto dheer aan ugu lafa-guraayo, goboladaas.

1- Madaxweyne 2013 waa lagu waayee yaan 2014 lagu waayin


Waa dhab oo waxa aad tahay hogaankii qaranka, iyo gadh-wadeenka bulshada,
taasina waa mid ay bulshadu kuu dhiibatay, ee madaxweyne waxa sanadkaas
tagay ka socday qarankeena waad ka war haysaa, oo waad ogtahay hadii ay
tahay.

1- Cabudhinta war-baahinta
2- Biyo la'aanta baahaday
3- Ragan aad moodo in ay adiga ku badaleen, ee ay ugu horeeyaan
@ xirsi xxaji cali xasa
@ maxamuud xaashi cabdi, oo madaw badani ku jiro qaabka uu u
maamulay deedii lagu dhisaayay madaarada qarankeena
@ wiilka aad sodoga u tahay baashe moorgan
@ marwadaada aamina waris
4- Dhibtii loo gaystay C/raxmaan C/qaadir
5- Xooga uu Maxamed kaahin ku yahay G.ku xigeenka Kulmiye
6- Boobka ka socda hantida qaranku lee yahay hadii ay tahay dhul, iyo
dhaqaale ba
7- Tuug waran cade, oo ah hadhaagii tuugtii UDUB, oo aad adigu
madaxweyne aan si cad oo aan gabasho lahayn ugu sheegtay in uu tuug
yahay, madaxweyne ma adigaa tuugnimadii ku raacay mise waran cade
ayaa ka tagay tuugnimadii? Hadii se uu ka tagay mee xoolihii qaranka ee
ku maqnaa?

Madaxweyne iyaga maanu dooran ee adiga ayanu kuu dooranay, in aad qaranka
hogaamiso, waana in raga hogaanka kula hayaa ay adiga kugu daba faylaan,
hadii kale dee noo sheeg oo na dheh aniga qaranka iguma halaysaan, mida kale
madaxweyne maaha mid kaa soconaysa in ragii meesha aad joogto ku
gaadhsiiyay, aad dhagaha ka furaysato, oo wiil yar oo maan-gaabi u soo han-jabo,
waxa aan ku lee yahay madaxweyne raga hawsha kula hayaa waa kibirsan yihiin
ee cagta u dhiga dheh.

Waxan ku soo ooday qormadan, waa dhab waana waxa aan la qarin Karin in
sanadkan ina dhaafay u yahay mid ay Ceebo waaweyni dul-hoganyeen hogaanka
manta jira, marka loo eego 3 sano ee ay hogaanka hayeen, waxan aan si cad aan
ugu leeyahay, sanadkani ha noqdo mid aad bulshada uga tagtaan mahadhooyin,
maanka bulshada gala, oo ay idinku hadaaqaan, hadii kale waa mid dhaba in
UDUBKA , la idinku riixo, oo aad sidii tuugtii hore la idin tilmaamo.

Eebe ha inooga dhigo mid inoo hagaaga oo inoo hiiyiya, waxan aan si gaara ugu
xusayaa halkan GAFKA cad ee lagu xidhay Wargeysaka Hubaal, oo aan si cad garb
iyo gaashaan aan ugu ahay, waana mid aan ka wada xunahay, in manta uu
madaxweyne siilaanyo uu war-baahintii hiilka weyn u soo gashay uu mid mid u
ugaadhsado, waan mid aan aan loo baahnayn, taasi.

Eebe ha inooga dhigo Gu' aan ku tanaadno, oo aan mahadino

Aamin Aamin Aamin

Вам также может понравиться