Вы находитесь на странице: 1из 20

See

discussions, stats, and author profiles for this publication at: https://www.researchgate.net/publication/320182587

Takoor iyo Tacaddi: Siyaabaha kala duwan ee


takoorka Soomaalida

Article · October 2017

CITATIONS

2 authors, including:

Hassan Mudane
Istanbul Ticaret University
17 PUBLICATIONS 0 CITATIONS

SEE PROFILE

Some of the authors of this publication are also working on these related projects:

I am currently working on the Somalia's Protracted Conflict: The Role of Politicized Clan-Identity View
project

All content following this page was uploaded by Hassan Mudane on 03 October 2017.

The user has requested enhancement of the downloaded file.


Takoor iyo Tacaddi: Siyaabaha kala
duwan ee takoorka Soomaalida

Hassan Mudane1 iyo Cabdiraxiin H.


Galayr2

Arrar
Maqaalkan waa mid soo koobaya guud ahaan
takoorka Afrika, si gaar ahaaneed waxa uu sawir
guud ka bixinayaa nooc takooreedyada kala duwan
ee ka jira Soomaaliya. Indha-indheen lagu
sameeyey dhaqanka Soomaalida, laguna soo
ogaaday jiritaanka afar nooc takoor oo kala ah:

1. Sinji Takoor
2. Jinsi Takoor
3. Muuq Takoor
4. Dhaqan Takoor

Sahan-cilmiyeedkani waa mid ku dhisan hab-


aqooneed iyo tixraac badan oo raadraac leh, kuna
dhisan indha-indheen iyo xog-ogaalnimo ku’aadan
hab-dhaqan bulsheedka takoorka ku dhisan.
Inkasta oo Soomaalidu sameysay wax ka baxsan
xayndaabka xeer dhaqankii hore, haddana
maqaalkani waxa uu tilmaamay in noocyada kala
duwan ee takoorka Soomaalida cusub aan loo
fahmi karin in ay yihiin kuwa dhammaantood laga
soo xigtay isla xeer dhaqanka. Guud ahaan
markaad eegto xeer dhaqanka Soomaalida waa
mid dhowra nafta iyo hantida qofka, iyada oo aan
loo fiirin qabiil iyo fir toona.

Erayada Suntan: Takoor, Soomaaliya, Afrika, Gun,


Gobannimo, Laandheer, Laangaab.
Emails: Mudanep5@gmail.com iyo Galayr77@gmail.com

1Qoraa,
Lafagure arrimaha Afrika.
2Qoraa, Hal-abuur, lafagure Dhaqanka iyo Suugaanta
Soomaalida.

1
Hordhac

“Waxa aynu sameyno marka aynu joogno dalka gudahiisa ayaynu ka cabanaa marka aynu
joogno dalalka shisheeye.”

Hassan Mudane

Soomaalinimada, Laandheernimada, Gobonnimada maxaa go’aamiya? Ma dhalasho, Af,


Dhaqan, Sinji? Nooc-takooreedyada kala duwan ee saldhigeedu yahay aragtidan gurracan:
Laangaabnimada iyo Gunnimada ma asal ayay ku yihiin dhaqan Soomaaliga mise waa
dhaqan dibadda kaga yimid? Maxaa keenay takoorka Soomaalida? Waa afar su’aal oo aynu
doonayno in aynu ku dhex falanqeyno Maqaalkan.
Maqaalkan waxa aynu ku soo gudbinaynaa dhacdooyin hore iyo kuwa hadda taagan,
waana maqaal ku dulwareegan doona sababaha dhaliyey takoorka bulshada Soomaaliyeed.
Dhaqanka ku dhisan takoorka (Faquuqa) waa mid ka mid ah dhaqamada xun xun ee soo
jireenka ah, kaas oo ka dhex muuqda dhaqanka bulshada Afrika. Soomaaliyana waxa ay ka
mid tahay waddamada ku abtirsada Afrika. Waxa ay wax badan oo ka mida dhaqamadaas
xun xun la wadaagtaa bulshada Afrika iyo Carabta oo ay xiriir la leedahay.
Takoorku waa hab-dhaqan bulsha-weynta adduunka oo dhammi u saameeyey si dadban
iyo si toos ah, balse boqolkiiba 70% dunida inteeda kale maanta waa ay ka gudbeyn. Inkasta
oo ay jiraan dad weli u adeegsada ujeeddooyin kala duwan, haddana ma jirto cid bannaanka
la taagan takoor qaawan, marka laga reebo waddamada Carabta iyo Afrika.
Erayga takoor waa mid ujeeddo ahaan tilmaamaya qof, koox, beel, bulsho gooni loo
faquuqey. Haddii aynu si kale u dhahno, takoorku waa kala darejeyn tixgelin, taas oo qofna
lagu xumeeyey qofna lagu wanaajiyey arrin isku mid ah. Guud ahaan meelaha ugu badan ee
uu takoorku dhaco waxaa ka mida: Sinjiga, jinsiyada iyo dhaqanka, shaqada, diinta, midabka,
dhaqaalaha, caafimaadka iwm.
Takoorka kaliya maa saameeya dadka xitaa waxa uu saameeyaa xoolaha waa haddii
cudur aan daawo lahayn ku dhaco’e, waana la Fanteeya. Inta badan dadka la hayb-sooco, si
loo takooro waxaa laga dhex saaraa dadkii ay deegaan wadaagta ama danwadaag la
ahaayeen. Ugu dambeyntii, qeybta xigta waxa aynu kaga hadli doonaa takoorka ka jira
Afrika.

Takoorka Afrika
Marka ay timaado ka sheekeynta takoorka Afrika waxa ay dib ugu laabanaysaa xilligii
addoonsiga. Xilliyadii hore, nooca ganacsi ee u dhaxeeyey Afrika iyo Yurub waxa uu ku jaan
go’naa dhoofinta muruqmaalka Afrika. (Arag, Walter 1972, bogga 95). Waayo Yurub
xilligaasi waxa ay u baahneed dad oga shaqeyn kara beeraha, warshada iwm.

2
Horumarintii Tiknoolijiyada beeraha ee Gumeystaha Yurub iyo Waqooyi Ameerika waxa
ay badbaado nololeed u noqotay dhallinyarada Afrika. Waayo haddii aysan jiri laheyn
horumarka ay galbeedku ka gaareen dhanka beeraha, waxa ay sii joogteen laheyd afduubka
iyo dhiig-miirashada ay ku haayeen dhallinyarada Afrika. Si kastaba, maxaa ka dhaxeeya
addoonsiga iyo takoorka?
Addoonsiga iyo Takoorka waa ay isku xiran yihiin, oo waxa ay isku yihiin dhuux iyo laf.
Mar haddaad lumiso xornimada, raadkaaguna uu galay addoonsi ama aad ka soo jeedo qoys
addoonsi ku yimid, shaki kuma jiro in bulshadu ay kugu xukumayso raadkaagii hore, iyada oo
sumad kaaga dhigaysa, kuguna takoorta addoonsinimada. Aan ku siiyo tusaale daliil u noqon
karta arrinkaas. Ka hor inta aan billaabin Sahan-Cilmiyeedkan, ayaan isku dayey in aan
sameeyo sahan-hordhaceed aan ku doonay in aan ku ogaado xiriirka ka dhaxeyn kara
addoonsiga iyo takoorka ka jira Afrika. Su’aal aheyd in ay jiraan dad ama qabiilo la takooray,
sababna looga dhigay in gundhigoodii (Asalkoodii hore) ay ka soo jeedeen qoysas
addoonsiga lala xiriiriya? Su’aashan ayaan weydiiyey arday aynu isku qol aheyn, oo u
dhashay dalka Murutaaniya (Waa dal dhaca waqooyiga Afrika). Waxaa uu igu yiri ‘Haa way
jiraan, oo xitaa kama guursano.’ Isla su’aashaas oo kale, ayaan weydiiyey arday aynu isku
fasal aheyn, oo u dhashay dalka Gaana (Waa dal dhaca galbeedka Afrika). Asagana waxa uu
yiri ‘Way jiraan, lamana guursado.’ Labadoodaba waxa ay isku raaceen in ay jiraan qabiilo
lagu takooray, sababna looga dhigay in markoodii hore ay ahaayeen dad addoonsi ku yimid.
Haddaba, dalalka dhaca qaaradda Afrika, kuwaas oo weli ka jira dhaqanka takoorka
waxaa ka mida: Murutaaniya, Gaana, Siraliyoon, Maali, Sinigaal, Gaambiya, Gini, Efiri-
koosto, Nayjer, Burkiino Faaso, Kaamiruun, Leebeeriya, Al-jeeriya, Nayjeeriya, Itoobiya iyo
Soomaaliya. (IDSN, 2002).i Mar aynu indha-indheen ku sameynay dhaqanka bulshada Afrika,
waxa aynu ku dhex aragnay in ay ka mideysan yihiin dhaqan-takoorka. Dal walba oo dhaca
Afrika, ugu yaraan waxa uu leeyahay bulsho lagu takooray farsamo-dhaqameedkooda sida
birtumida, sameynta kabaha iwm. Sidoo kale, nooc-takoorkani waa mid ay la wadaagaan
dalalka Carabta.
Inkasta oo midab-sooca uusan ku badneen bulshada Afrika, haddana marka ay timaado
takoorka ku dhisan midab-sooc, tusaalaha ugu fiican ee loo soo qaadan karo waa kii ka jiray
dalka Koonfur Afrika. Kaasina waxa uu ahaa mid u dhaxeeyey dadka madow ee dalka loogu
yimid, waxaana takooray dad cad ee dhoofka ku yimid. Balse, arrinka la yaabka leh waxa ay
tahay, wixii uu gumeystaha Afrika ku heyn jiray xilligii gumeysiga, ayay iyaduna isku haysaa.
Su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay, takoorka Afrika miyuu jiray gumeysiga ka hor
mise waxa uu ka mid yahay mid ka mida dhaqamadii uu gumeystaha reebay? Waa arrin u
baahan in la sahmiyo, si loo ogaado xaqiiqda daahsoon.
Sikastaba, rogrogid iyo lafagurid ku saabsan dhaqanka ku dhisan takoorka oo ay inta
badan wadaagaan bulshada Afrika, waa mid dalbanaya daraasad qaadan karta waqti dheer,
waana arrin u baahan in wax badan la sahmiyo.

3
Galbeedka Afrika
Galbeedka Afrika waa mid ka mida gobalada ugu badan oo ay weli ka muuqdaan raadadkii
takoorka. Qaar ka mida dalalka dhaca galbeedka Afrika weli waxaa ku dambeeya noocan
sinji-takoorka ah. Bulshada halkaasi ku nool, waxaa sameyn xoogan ku yeeshay ka ganacsigii
addoonsiga oo ay la lahaayeen dowladdaha Yurub.
Xiriirkaas ganacsi ee foosha xumaa, waxa uu ku reebay raad-xun. Raadadkaas xun waxaa
ka mida sinji-takoorka, oo inta badan ka dhex muuqda dhaqanka bulshada. Haddaad eegto
bulshada dalka Gaana, Siraliyoon, Nayjeeriya, Nayjer iwm. Waxaad arkaysaa qabiil dhan oo
loo takooray haybtooda, iyada oo sabab oga dhigay in ay yihiin dad faracoodii hore galay
dadkii la addoonsan jiray. Sidoo kale, waxaad arkaysaa isla qabiilkaas oo kale, oo lagu
takooray farsamo-dhaqameedkooda sida birtumis.

Geeska Afrika
Geeska Afrika waxa ay ka mid tahay meelaha lagu tilmaami karo in ay tahay gobalada ay
weli ku dambeyso takoorka. Marka ay timaado takoorka geeska Afrika, waxaa tusaale ahaan
loo soo qaadan karaa labadan dal: Soomaaliya iyo Itoobiya.
Soomaaliya waxaa ka jira jaalal kala duwan ee takoorka, qabiilada inta badan la takooray
waxaa ka mida: Midgaha (Gabooye), Jareer, Eyle, Tumaal, Yibir iwm. Intooda badan waxaa
loo takooray sababo kala duwan. Dhanka kale, Itoobiya waxaa ka jira qabiilo lagu takooray
farsamo-dhaqameedkooda sida birtumis, sameynta kabaha iwm. Taasi waa mid ay ka
mideysan yihiin dhammaan bulsha weynta qaaradda Afrika. Waana arrin la yaab leh ee u
baahan in sahan dheer lagu sameeyo, si loo daahfuro runta daahsoon.
Bulshada ku nool geeska Afrika waxa ay inta badan xiriir ganacsi la lahaayeen
dowladdaha Carabta, taasina waxa ay saameeyn xooga ku yeelatay hab-dhaqanka bulshada.
Sida ay galbeedka Afrika Yurub ugu aheyd xarun laga dhoofiyo ganacsiga adoomaha, ayay
geeska Afrikana Carabta ugu aheyd xarun laga dhoofiyo ganacsiga adoomaha.

4
Takoorka Soomaalida

Xigasho: https://www.pinterest.com

Suugaanta Soomaalida ee tilmaamaysaa ama dhaliileysa arrimaha takoorka, aad ayay u


badan yihiin balse aynu ka soo qaadano laba tix oo mid weliba tusinaysa qodob ka mid ah,
hababka gurracan ee loo adeegsaday takoorka. Waxa uu yiri Hal-abuur Cabdiraxiin Hilowle
Galayr;

“Qoom hadalka iyo diinta iyo, Qolofta muuqeeda


Qaadirkeen mid qudha uga dhigoo,
Kala qamaadaaya Oon qurus wadaagaynin waa, Qaabka aan nahaye qoladiisa ruux lagu nacoo, Lagu
qaataateeyo qaar aan gabdhaha loo dhisayn,
Laga qashaafaayo qarnigeynu joognaa ma jiro, Duni qawaamkeede dad qalooca sax wada moodayoo,
Qiilna marinayaa oo aan qaddarin aadminimo, Quusey baan nahaye.”

Tixdan waxa ay suuraysay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin dad wadaaga Midab, Af, Dhaqan
iyo Diin haddana is takooraysa, kuna dhaqmaysa nidaamka kala sarreynta, mudnaanta iyo in
qolo gaar ah isa siiso iskana biddo kuwa kale. Waa arrin dhab ah oo aan caad saarneyn, in
qolyaha isku sheega gobta ay u dhaqmaan qaab fool xun oo ka fog hab-dhaqanka bulshada
adduunka. Waa hab qofka wax takooray uu ku liido, kuna faquuqo qof uusan waxba dheereyn,
iyada oo iin iyo dhaliil looga dhigay beesha uu ka dhashay, muuqaalka abuurkiisa, hawsha ama
shaqada uu qabto awgeed, farsamo-dhaqameedkiisa iwm.
Sidoo kale, Abwaan Maxamuud Indha-geelle oo ka hadlaya, is bidka iyo is bogga beel weliba
ay gaarkeed isu taqaan tan ugu mudnaanta badan uguna gobsan wuxuu yiri:

“Reer waliba quursade naflaha, Qayrki oo idile


Inagoo Qudhaaa goba dabeed, qaas isugu sheegye
Daya qaladka meeshaa ku jira, weeye qayladu...”

Takoorka Soomaalidu waa mid soo jireen ah, waxaana jirta beelo badan oo bulshada
Soomaaliyeed ka mid ah, beelahan ayaa waxaa jira siyaabo badan oo loo takooray, waana
dad tiro badan, balse kala qaybsanaantooda darteed iyo iyada oo aan jirin tiro koob guud
ayaa kuwa wax takooray waxa ay ku sheegaan, dad laga tiro badan yahay. Maadaama aysan
jirin tiro koob guud, way adagtahay in lagu dheeraado adeegsiga weerta ah ‘laga tiro badan

5
yahay,’ oo inta badan lagu sunto dadka la takooray. Haddaba, la’aanta tiro koob sax ah, way
adagtahay in la oggaado cidda tiro badan iyo cidda tirada yar.
Beelaha la takooray waa kuwa Soomaalida kale la wadaaga Af, Dhaqan, Diin, Midab iwm.
Haddana waxa ay ku suntan yihiin in ay yihiin dad laga mudan yahay oo liita, waxaana loo
diiday in ay ka mid noqdaan, mugna ku yeeshaan maamulka, dhaqanka, dhaqaalaha iyo wax
kasta oo bulshadu wadaagto.
Dadkan la takooray waa kuwa ku nool dhammaan gobollada dalka, balse haddaad ka
dhex eegto goobaha waxbarashada iyo shaqada waxa ay ka yihiin boqolkiiba 1% taas oo loo
aaneen karo niyad jab xaga rejada ah, oo qofkii aanu haysan dhiirigalin, haddii uu waxbarto
xitaa in uusan wax noqon karin. Warka wanaagsani waa in maanta taasi ay u muuqato in ay
meesha ka sii baxayso, ilbaxnimo hor lehna iftiinkeedu soo baxayo.

Midab Sooc iyo Takoor

Inta badan waxa ay dadka isku khaldaan ‘Midab sooc iyo takoorka Soomaalida,’ balse
markaad dib u eegto dhaqanka Soomaalida waxaad ka dhex heli kartaa noocyo kala duwan
ee lala xiriiriya takoorka. Iyada oo jiraan noocyadaas kala duwan, haddana way adag tahay in
aad dhaqanka Soomaalida ku dhex aragto faquuqa la xiriira midab-sooca-oo ah mid lala
xiriiriya qeybta taban ee midabka. Waayo Soomaalidu waa dad intooda badan ay ka
mideysan yihiin dhanka midabka, waana dad isku midab ah. Marka, waa dhif iyo naadir in
aad aragto laba qof oo Soomaali oo isku takooraya midabkooda, ayaga oo isku ceebeenaya
nooca midabka saaran maqaarkooda. Haddaba, marka aynu u fiirsanay oo aynu indha-
indheen ku sameynay dhaqanka Soomaalida, waxa aynu ku dhex aragnay afar nooc takoor
oo kala ah:
1 Sinji Takoor
2 Jinsi Takoor
3 Muuq Takoor
4 Dhaqan Takoor

Jaalalkan kala duwan ee takoorka ah, kaliya maahan kuwa ku gaar ah dhaqanka Soomaalida
balse qaar ka mida waxa ay la wadaagaan bulshada qaaradda Afrika. Si kastaba, sahan-
cilmiyeedkani waa mid ku dhisan hab-aqooneed raadraac badan leh, kuna dhisan indha-
indheen iyo xog-ogaalnimo ku’aadan hab-dhaqanka bulshada ee quursiga iyo takoorka ku
dhisan.
Haddaba, takoorka Soomaalida kaliya maahan mid dhaca sinji, jinsi, muuq iyo dhaqan
toona balse waxa uu dhacaa meelo badan oo nolosho bulshada ah sida: Dhaqaalaha,
Waxbarashada, Goobaha Shaqada, Xafiisyada dowladda, iwm.

Sinji Takoor

Isirka ama haybta inta badan Soomaalidu wax bay ku takoortaa. Tusaale, waxaa jira beel ka
mid ah beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo lagu takooray haybtooda (Sinjigooda ama
abtirsigooda). Inta badan lagama guursado, sidoo kale looma ogolaado in ay qabiillada kale

6
ka guursadan. Taasi waxaa caddeyn u ah maahmaahda Soomaaliyeed oo oranaysa: ‘Waxaad
taqaano guurso waxaad taqaano ha kuu dhalaane,’ iyo mid kale oo dhahaysa ‘Geed weliba
dheecaankiisa ayuu dhiima.’ Tan dambe waa mid lagu durayo in wiilka ay dhalaan
beelahaasi uusan noqon karin mid gobonnimo iyo dadnimo keeni kara. Haddaba, marka ay
timaado sinjiga su’aasha ugu muhiimsan ee la iska weydiin karo waxa ay tahay, Soomaalidu
ma yihiin dad isir wadaag ah?
Waxa aynu ku dooddaynaa in dhammaanteen aynu nahay dad sinjigooda nadiif yahay, oo
isku isir ah, waxa aynu nahay faracii Xaawo iyo Aadam. Haddaad aragto bulsho isku takoorta
sinjiga, waxaa u sabab ah qaab dhismeedka ay bulshadaaasi u dhisin tahay. Tusaale, bulsho
walba waxa ay leedahay dabaqaad (kala sareeyn) sida dabaqa sare iyo mida hoose ama
dhexe. Takoorka qaar waxa uu yimaada marka dabaqada sare isku aragto in iyadu tahay tan
hagta bulshada inteeda kale, kana cabsata in dabaqada hoose ay ku qabsato ama ciriiri
galiso booska ay joogaan. Waxa ay faafiyaan dacaayad ka dhan ah dabaqada hoose oo ku
saabsan sinjigooda.
Haddaba, guud ahaan markaad eegto noocyada kala duwan ee takoorka gaar ahaan
noocyadan kala ah: Dhaqan-takoor, sinji-takoor iyo jinsi-takoorka waa sheegasho runta ka
fog, oo aan asal iyo raad toona laheyn. Waa wax ay bulshadu iskeeda iskaga abuuratay,
mana ahan wax bini’aadamka la dhashay. Noocyadaas takoorka ahi, wax kale maahan oo
aan ka aheyn qaar ka mida sheekooyinka ay bulshadu soo saarto, iyada oo u marta hababka
kala duwan sida curinta sheekooyinka.
Waxaa jirta su’aal aan inta badan weydiiyo dadka aamminsan jiritaanka qabiilka, taas oo
saldhig u ah sinji-takoorka. Yaa kuu sheegay in aad tahay reer X? Qofka waxa uu ku jawaab
celiyey ‘Waalidkayga ama Aabbehay.’ Yaa u sheegay Aabbehaa in uu yahay reer X? Marka
kale, waxa uu iigu jawaab celiyey ‘Waalidkiisa.’ Markaas ayaan ku dhahay, waxa uu
Aabbehaa kuu sheegay, kama duwana sheekooyinka caadiga ah ee waalidkeenna noo sheegi
jireen waagii aynu yareyn.
Waayo waxa uu Aabbe kuu sheegay, asagana sow looguma soo gudbin hab-sheeko
wadaag ah, isla habkaas ayuu kuugu dhiibay sheekada. Qabiilka Soomaalida wax kale
maahan oo aan ka aheyn wax ku dhisan sheeko beenneed waa hore fakatay, taas oo
bulshada dhexdeeda ka noqotay caado-dhaqameed dhaqangalay.
Si kastaba, sinji waa Eray tilmaamaya dad dhaqan iyo dhalan wadaag ah, waana eray
buuxinaya, hidderaaca ama iska dhaxalka muuqaalka, alabka iyo isu ekaanta dad is dhalay
oo isku isir iyo fir ah, waa halka ay maahmaahda Soomaaliyeed ka tiraahdo ‘Sinji ma tago
suulashana ka galee,’ tan oo looga jeedo in qofku meel uun dadka uu faraciisu ka yimid uga
ekaado, muuqaal iyo dhaqan mid un.
Dhanka kale, culumada odorosta barashada bulsho-aadamiga (social Anthoropology),
iyaguna isirka ay kooxi sheegato (Ethnic Group) waxa ay ku qeexeen sidan: ‘Xiriir u dhaxeeya
koox, iskuna arka in ay isku isir yihiin, kuwa kalena ay kaga duwan yihiin dhanka dhaqanka.’
Qeexitaankan waxaa laga fahmi karaa in dhaqanku uu qeyb weyn ka ciyaaro isir
sameysiga. Intii isku dhaqan ah waxa ay isku arki karaan in ay isku sinji yihiin, Intii aan isku
dhaqan aheyna waxa ay isk arki karaan in aysan isku sinji aheyn.

7
Qeexitaanka la xiriira isirka in lagu bees gareeyo kala duwanaanshaha dhanka dhaqanka
ah, waxa uu leeyahay dhaliil badan. Fredrik Barth (1969), waxa uu isirka ku qeexay ‘U
dhalasho ...kaas oo go’aamiya shakhsiga, iyada oo laga fiiriyo qofka aqoonsigiisa aasaasiga
ah.’ Qeexitaankiisa waxaa laga fahmi karaa in isirka uu yahay waxa lala xiriiriyo u dhalasho,
waxa uuna ka eegay dhanka dhalashada isaga oo aan iska indha-tirin doorka uu dhaqanka ka
ciyaaro isir sameysiga.
Jinsi Takoor
Jinsiga dumarnimada ah inta badan Soomaalidu wax bay ku faquuqdaa. Tusaale, haddaad
eegto qaar ka mida maahmaahyooyinka Soomaalida waxaad ka dhex arki kartaa aragtidooda
taban ee ku’aadan jinsiga dumarnimada. Maahmaahyooyinkaas waxaa ka mida: ‘Nacab iyo
naago kuu taliye.’ Weertan ayaa ah mid lagu liidayo iyo in ay cadow yihiin oo aysan lahayn
karti ay hoggaamin badan ku hannan karaan.
Mid kale waxa ay tilmaamaysaa in dumarku aysan laheyn aragti fog, wax walba la fudud
yihiin, waxa ayna dhahaan: ‘Habar fadhida legdan la fudud.’ Dumarka uma aamminsana in
ay talin karaan, dagaallami karaan, wax soo saari karaan, umana ogola wax ka badan
maamulka qoyska iyo hooyanimada. Waxaad ka dareemaysaa marka odayga wiilka dhalay
canaan dusha kaga tuurayo wiilkiisa waxa uu ku dhahaa: ‘Habaryahay caanaha leh,’ isaga oo
ceeb uga dhigaya hooyadiisi dhashay ee caanaha nuujisay inay liidnimo tahay.
Haddaba, halkan laguma soo koobi karo hababka iyo qaababka kala duwan ee loo
takooray, loona fogeeyey dumarka. Takoorka loo geysto dumarka dhinacyo badan ayuu
dhacaa sida shaqada, tallada, waxbarashada, maamulka, siyaasadda dalka iwm. Waxaad
arkaysaa nin markuu hadlayo ku halqasada dumarku waa lafdhabarta bulshada, wax yar
kadibna ku hal goosanaya ‘Jilicsanidaa ma qof dumaraad tahay, adkeysi daranida ma
haween baad tahay.’ Yaab! waa isla isagii oo lafdhabartii ku tilmaamay wax jilicsan, oo ugu
liita bulshada.

Dhaqan Takoor

Xigasho: http://karanle.blogspot.com.tr

Dhaqanku waa wax walba, waxa uuna qeyb ka yahay mid ka mida wax yaabaha qaabeeya,
dibna u soo saara nolosha bulshada. Inta badan dhaqanka waxaa loo kala qeybiyaa laba
qeybood oo kala ah: Dhaqan iyo hidde. Dhanka kale, culumada lafagurta dhaqanka
bini’aadamka waxa ay u kala saaraan: Dhaqanka Maaddi ah iyo mid aan maaddi ahayn.

8
Qeybta Maaddiga ah (Hidde) waxaa ka mida dharka la xirto, Hu`ga, Agabyada la
adeegsado, Cuntada iyo dhammaan Farsamo-gacmeedyada ay bulsho u gaar tahay. Kan aan
Maaddiga aheyna waa dhaqan soo jireenka ah, xeerarka, habka kala guursiga, habka
nolosha iwm. Tusaale, reer guuraaga iyo xoola dhaqatada habka ay u dhaqmaan, habka
maamulka iyo xalinta arrimaha bulshada.
Haddaba, markaad fiiriso qaar ka mida qabiilada Soomaaliyeed ee la takooray sida
Tumaalaha, Kabbatolaha, Jaajida iyo Eeylaha waxaa lagu takooray qeyb ka mid ah farsamo-
dhaqameedkooda maaddiga ah, waxa ayna bulshada ku xukuntay in lagu takooro farsamo-
dhaqameedkooda maaddiga.

1. Tumaalaha waxa ay soo saaraan wixii wax soo saar iyo farsamo ah ee birta ku
saabsan, waana farsamo aysan bulshda ka maarmin.
2. Kabbatolaha waxa ay hagaajiyaan ama farsameeyaan wax allaale iyo wixii kabbo ah,
ee cusub iyo kuwa xumaadayba, sidoo kale waxa ay sameeyaan agabyo badan oo ay
bulshadu adeegsato.
3. Jaajida waxa ay ka mid yihiin dadka lagu takooray dhaqankooda iyo wax soo
saarkooda dhinaca kalluumeysiga iyo ka shaqaysiga badda.
4. Eeyladdu waa kuwa iyaguna lagu takooray ku tiirsanaanta ugaarsiga iyo dabatada,
taas oo biday duruufta hanti la’aanta iyo xoola yarida.

Haddaba, marka aad maqasho magacyada beelahaas aynu kor ku soo xusnay, maxaa
durbadiiba kugu soo dhici kara? Waa dhibanayaal ay bulshadu ku xukuntay qeyb ka mida
farsamo-dhaqameedkooda maaddiga.

Muuq Takoor
Inta badan Soomaalidu waa ay sameeyaan faquuqa lala xiriiriya qaab dhismeedka qofka,
sida Timihiisa, sankiisa iyo muuqaalkiisa. Haddaba, beelaha sida ba`an loo Muuq-takooray
waxaa ka mid ah: Beelaha Jareerta iyo Baajuunta. Beelahan waaa kuwa dhaqan iyo Af la
wadaaga beelaha kale ee Soomaaliyeed, balse ay ku kala duwan yihiin dhanka muuqa iyo
sinjiga, taasina waxa ay keentay in lagu muuq-takooray qaab-dhismeedka jirkooda.
Ugu dambeyntii, maadaama ay Soomaalidu sameysay wax ka baxsan xayndaabka xeer
dhaqankii hore, haddana Maqaalkani waxa uu tilmaamayaa in noocyada kala duwan ee
takoorka ee ku dhex jira dhaqanka Soomaalida cusub, aan loo fahmi karin in ay yihiin kuwa
dhammaantood laga soo xigtay isla xeer dhaqanka. Guud ahaan markaad eegto xeer
dhaqanka Soomaalida waa mid dhowra nafta iyo hantida qofka, iyada oo aan loo fiirin qabiil
iyo fir toona.

9
Qabiilada la takooray iyo Bahwadaagtooda

Haddaad dib u eegto takoorka ka jira Soomaaliya waa mid ku salaysan fogeyn, liidid, quursi
iyo yasmo loo geysto dadka aan laheyn awood siyaasaddeed muuqata iyo mid dhaqaale.
Haddaba, shaxda hoose waxa ay tilmaamaysa magacyada qabiilada la takooray, gobalada ay
degaanka ku yihiin iyo bah-wadaagtooda:

Gobalada Koonfureed Boon, Jareer, Jaaji, Saddex Geedi,


Eeylo, Yaxar, Yibro, Tumaal.
Gobalada Waqooyi, Bari, Gabooye: (Madhibaan/
Dhexe. Muusadheriye) Yaxar, Yibro, Tumaal,
Jaaji, Boon.
Gobalada Soomaali Galbeed Yaxar, Jareer, Yibro, Tumaal, Gabooye.

Gobalada NFD Yibro, Yibro, Tumaal, Jareer, Baajuun.

Tumaal, Yaxar, Yibro, Gabooye.


Jabuuti

Marka ay timaado bahwadaajintooda waxa ay isku raacaan sidan:

Bahda-Midgaha/Gabooyaha Madhibaan, Muusadheriye, Yibro,


Yaxar, Tumaal.

Bahda Jareerweyne Shiidle, Shabeelle, Mushunguli,


Baantu, Eyle.
Boon, Jaaji, Saddex geedi.
Bah gooni

Waxaa jira sheekooyin badan oo ku saabsan sababta loo takooray, waana sheekooyin mid
walba goonideeda loo tebiyey. Sheekooyinka hoos ku xusan waa kuwa intooda badan ku
bees gareysan raadraac aynu ka helney dadka u dhashay beelahan iyo dadka waayeelka ah.
Sheekada koowaad oo ah mid aan la hubin, balse marmarsiiyo looga dhigay takoorka.
Abdulqaadir Aroma (2005), buuggiisa ‘Hadimadii Gumeysiga’ waxa uu ku xusay laba ka mida
sheekooyinkaas. Mid ka mida sheekooyinkaas waxa ay u qorneed sidan:

‘Waqti aad u fog geyiga Soomaalida waxaa ka jiray beel aad u tiro badan oo awooddeeda ballaaran ugu
talin jirtay… beelaha kale oo dhan. Lama garanayo waxaa la isku aqoonsaday, waxaase la sheegay beelihii kale
inta ay isbahaysteen in ay dagaal ku qaadeen kuna jibiyeen beeshii awoodda badneyd. Ayaandarro intii la diley
mooyee intii kale oo maxaabiis laga dhigay ayaa xero lagu ooday, halkaasna ay badankoodii silic iyo gaajo ugu
le’deen. Dadkii ka haray beeshii laga adkaaday darxumo darteed xeradii ciqaabta qaar baa ku dhintay.
Maalintii qof xerada ku dhintaba bulshadii kale waxa ay halheys ka dhigatay weerta ah “Maantana Mid Go.”

Weertaas waxaa loola jeeday maantana qof baa dhintay. Intii yareyd ee ka badbaaday… xeradii ciqaabta,
maadaama aysan laheyn bar-xoolaad iyo beer toona, waxa ay noqdeen dagaag dabato dabato ah isla

10
markaana waxa ay dantu ku kalliftay in ay nolol maalmeed ka dhigtaan kana shaqeystaan meherada ay
Soomaalidu ka faanto sida: Kalluumeysi, Ugaarsi, kaba-tolis, dhar-sameyn, bir-tumis, timo-xiiris, xoolo-qalid
iwm. Waxaa kaloo lagu sameey bahdil iyo ab dhalasho doorin iyada oo lagu tolay halheyskii ahaa ‘Mid Go,’
magacaas oo muddo kadib isu rogay hayb beeleed aan aasaas isir iyo abtirsi taxane ah laheyn.’

Taa mid la mida iyaduna waxa ay leedahay:

Xigasho: http://karanle.blogspot.com.tr

In dadyowga Tumaallaha iyo kabbatolaha la takoorey kaddib, dagaal iyo colaad dhex maray boqor ka mid
ahaa boqortooyooyinkii Ajuuraan ee qarniyada fog ka arriminaysay dhulka Soomaalida. Waxaa jirtey in
dadyowga farsama-yaqaannada ahi, kuwaas oo sameyn jirey agabyada lagama maarmaanka u ah nolosha,
sida, Gudinta, masaarta, mindida, yaambada, garweynta, maqarka, mudaxa, maxaarka, waranka, Afka hore
ee leebka, Ableeyda iwm, inay ka dhigeen qiimo aad u sarreeya, maadaama dadku u kala soocnaa saddex
bahood oo kala ah, BIYOMAAL (beeraley) SO’ MAAL (xoola dhaqato) Tun mal ( farsamo yaqaan) arrintan ayaa
abuurtey kor u kac dhinaca qiimaha ah oo ay keeneen qoladii farsama-yaqaaniinta ahaa oo beeraleydii iyo
xoola dhaqatadii agabkii ku qaaliyeeyey, kaddib waxay dacwad ka dhan ah u gudbiyeen, Boqorkii markaas
talineyey, Boqorku wuxuu si toos ah ula saftey beeraleyda iyo xoola dhaqatada, ma jirin, hayb gaar ah oo
markaas kala soocaysay, beel weliba waxay laheyd qeyb ama biyo maal qeyb So’ maal ah iyo qeyb tun maal
ah.

Haddaba iskaashiga dhaqan dhaqaale ayaa keenay isku dhac, qoladan Tun-maalka ah oo markaas awood
is bideysay hub iyo xoolona haysatay ayaa ka biyo diiday amarkii boqorka waxaana dhexmarey dagaal kaas oo
keenay in laysu awood sheegto muddo dheerna uu socdo, tani waxay keentay qofka laga soo qabsado dadkii
Tun-maalka ahaa in awood lagu muquuniyo inuu u shaqeeyo dadkii kale isaga oo wax dhaqaale ah qaadaneyn
maadaama colaaddi dhacday. Ugu dambeyn maadaama laga tiro badnaa waa la go’doomiyey, waxaana la
go’aamiyey inaan dadkaa laga guursan, iyaguna ka guursan, wax lala cunin, qaab lagu liidayona loola
dhaqmo, muddo toban sanno ah, iyadoo xukunkii boqorkii weli sidii yahay ayaa boqorkii dhintey, balse
xukunkiisii ciddna wax kama beddelin.

Sidoo kale, waxaa jirta dhowr sheeko oo aad ugu dhex faafsan bulshada Soomaaliyeed, taas oo
lagu sababeeyey faquuqa ka dhanka ah beelaha qaar:

Beelaha BOONTA oo dega, nawaaxiga ku xeeran gobollada dhexe, Shabeellooyinka iyo banaadir, in lagu
takoorey inay cuneen hilib baqti ah oo baahi u geeysay, kaddibna odaygii dhalay markii loo sheegay uu
takoorey, deyriyey, kuna taliyey inaan laga guursan loolana dhaqmin sida kuwa kale u wada dhaqmaan.
Beeshan ayaa ah mid yar oo ku dhex nool dad labada dhinacba qirsan inay isku hayb yihiin, haddana saluug ku
kala jiro, inkastoo ay hadda soo baxayso arrinta ku saabsan in laga guuro faquuqa beesha boonta oo sii dabar
go’aya.

11
Waxaa iyaguna jira beelaha Jaanjida, waa dad kalluumeysato ah, si weyna u yaqaan habka iyo qaabka
kalluumeysiga, waxay degaan xeebaha bari ee gobollada Shabeellada dhexe, Galguduud iyo Mudug. Dadkan
ayaa ah dad ilbax ah oo yaqaan dhisida doomaha ama laashashka yaryar, arrimaha ku aadan badda iyo ku
socodkeeda, cunista iyo ka ugaarsiga badda oo bulshada Soomaaliyeed ku ah wax dhawaangal ah oo aysan
hawo iyo hunguri midna ka geli jirin. Dadyowga Jaajida ayaa ku abtirsada beelaha Samaale, haddana iyada oo
la ogyahay ilaa burburkii ka hor waxaa lagu sameyn jirey takoor iyo faquuq.

Waxaa jira beelo kale oo sida Yibraha iyo Yaxarta oo la sheegay inay yimaadeen dalkana soo galeen
muddo fog weliba qolada Yibraha ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan,Yuhuuda ama israa’iil oo colaado
dhacay iyo barakac ay ku yimaadeen dalka sidaa awgeed iyagana dhaqankooda oo duwanaa lagu takoorey,
mase jirto hubanti iyo qoraallo caddeynaya arrimahan. Yaxarta ayaa iyagana lagu sheegaa inuu ahaa boqor
lagu magacaabi jirey ‘BUCUR BACAYR’ oo ka talinayey soohdimaha badda cas oo markaas Soomaalidu ku
dhaqneyd inuu ahaa nin gaarey heerka qof ka gaaro isla weyni iyo talo xumo, inuu ku jujuubey kuna
sanduleeyey cid walba oo rabta inay guursato in marka hore isaga loo keenno, gabartaas markuu isagu la
hooydo muddo toddobaad ahna laga kaxeeyo, taasina waxay keentay inay bulshadii ka gadoodaan, waxaana
ka dhex dhalatey colaad keentay in la jebiyo isaga iyo ciidankiisi, lagana dhigo dad la addoonsado oo awood
loo sheegtay. Waxaa marka jirta arrin loo ogolaaday oo ah in wiil walba oo u dhasha beelaha Ajiga ah laga
siiyo dhaqaale kaas oo lagu sheegay magti iyo diyadii dadkooda loo geeystay iyo boqorkoodii Bucurbacayr.

Beelaha Jareer weyne, ayaa iyagu ah kuwa siyaabo kala duwan loo takooray, marka aad u dhabo gasho,
dadkan ayaa inta badan waxaa muran laga geliya inay fir iyo isir wadaag yihiin Soomaalida kale, balse,
waxaan muran ka taagneyn inay Af, diin, dal iyo dhaqanba wadaagaan. Arrinta ku saabsan deegaanka ayaa
dadka qaarna waxay sheegaan in beelaha Soomaaliyeed oo ka soo kicitimay dhinaca badda cas ay hayaan iyo
geedi ku yimaadaan, dhinacyada webiga oo ay deegaan ku ahaayeen, dadyoowga beesha jareer weyne,
sidaasna ay ku wada-degeen. Halka taariikhyahanada qaarkood iyo dadka sooyaalka ka hadlaa ku dooddaan
in dadka Jareerta ahi iyagu yimaadeen oo ka soo hayaameen, dalalka deriska iyo dhulka Tansaaniya.

Raadraacyo kale
Waxaa kaloo jira Daraasaddo badan oo tilmaamay siyaabaha kala duwan ee beelaha wax
takooray ay ka rumeysan yihiin beelaha la takooray.
1. Qabiilka Midgaha (Gabooye), isir ahaan ama dhalasho ahaa waxaa lala xiriiriyaa
odaygii Samaale. Sida la sheego waa odayga ay ka soo farcameen qaar ka mida
qabiilada awoodda badan. Maadaama ay isku heyb yihiin maxay tahay sababta loo
takooray? Kaliya waxaa lagu takooray qeyb ka mida farsamo-dhaqameedkooda
maaddiga ahi, oo ku salaysan sameynta kabaha, tumida biraha iyo uguursiga. Marka
laga soo tago qabiilada aan u muuq ekeen qabiilada kale sida: Baantuuga,
benaadiriga, baraawiyiinta, baajuuniga iyo eylaha qabiilada kale waxa ay takooraan
kuwa ay dhaqan iyo muuqba wadaagaan.
2. Dhalasho ahaan dadka Baantuuga ahi, ayagana waxaa laga aamminsan yahay in
aysan aheyn Soomaali dhalad ah, laguna xanto in ay yihiin dad isirkoodu
(Dhalashadooda) dhaco dalalka Tansaaniya iyo Malaawi. Sidoo kale, dadka
benaadiriga iyo baraawiyiinta ayagana waxaa laga aamminsan yahay in aysan aheyn
Soomaali dhalada, balse ay ka soo jeedaan dalka Yemen.

Haddaba, waxaa jirta su’aal xiiso badan oo xujo ku noqon karta beelaha kale ee
Soomaalida, su’aasha waxaa isweydiiyey Prof. Omar Enow ‘Maadaama qaar ka mida

12
beelaha Soomaaliyeed ay isir ahaan (Dhalasho ahaan) sheegtaan Carab, beelaha la
takoorayna sida Baantuuga dhalasho ahaan yihiin Afrikaan, dhulka Soomaaliyana uu
dhaco qaaradda Afrika, yaa dhulka Soomaaliya loogu yimid? Yaa ajanabi ku ah dhulka
Soomaaliya?

Waxaa jirta daraasad ay sameysay Xafiiska Qaramada Midowbe ee isku duwaha Arrimaha
Bini’aadamnimadaii. Daraasadu waxa ay xustay in ay jireen dhibaatooyin loo geystay qabiilka
Baantuuga oo ay u geysatay dowladdii dhexe ee Kacaanka. Sanadkii 1975, waxa ay
dowladda la wareegtay qeybo badan oo ka tirsan dhul beereed ay la haayeen baantuuga
dega Jilib iyo jamaame, iyada oo aan loo qorsheyn magdhow.
Dowladdii kacaanka waxa ay u sheegtay in dhulka ay ku sameyn doonto mashruuc
horumarineed sida Mashruucii Sonkorta ee Mareereey iyo Kii Bariiska ee Mugambo.
Sababtii looga qaaday dhulkooda oo ay aheyd in loo adeegsan doono mashaariic
horumarineed, waxaa lagu abaalmariyey qaar ka tirsan qabiiladii taageerada u ahaa
kacaanka. (UN-OCHA, 2002).
Taasina waxay keentay in qoysaskii la barakiciyey ay ku rafaadaan dhulka dhaca
hareeraha wabiga juba. Si kastaba, in aad ku ahaato qof takooran dhulka ay Soomaalidu
degto, waxa ay ka dhigan tahay in aadan rejo ka qabin caawinaad ama gargaar kaaga
timaada qabiillada kale. Ururka u dooddaha xuquuqda dadka laga tiro badan yahay ayaa
sanadkan 2017, waxa uu soo saaray xog ku saabsan dadka laga tiro badan yahay ee ku jira
halis. Soomaaliya waxa ay kaga jirtay kaalinta labaad kaliya waxaa ka horeeyey dalka Siiriya.iii
(MRG, 2017).
Haddaba, si xal guud loogu helo dhibaatooyinka lala xiriiriya qabiilka ama takoorka ee ka
jira qaaradda Afrika, waxa aynu soo gudbinaynaa dood ku saabsan sidii loo abuuri lahaa
dabaqaad, gaar ahaan laba dabaqad oo kala ah: Mid taajiriin ah oo gacanta ku haysa
dhaqaalaha iyo maamulka dalka iyo dabaqad dhexe ama hoose.
Waxaan ku adkaan doonta in ay isku shuqliyaan danta qabiilka, cagsigeeda waxa ay isku
shuqlin doonaan danta guud, oo ah in ay iska dhiciyaan dabaqada sare. Haddaba, meeshaas
waxaa ka dhalan doona halgan u dhaxeyn doona labada qabaqo, waxaana meesha ka bixi
doona abaabulkii ku jaan go'naa qabiilka la siyaasaddeeyey iyo la'aantii heyb qaran.

Laandheer iyo Laangaab


Aragtidan gurracan ee ku dhisan laandheernimada iyo laangaabnimada waa billowga
takoorka iyo tookha abuura kala sooca bulshada iyo qaab beeleedyada ku dhisan abtirsi iyo
kala badnaan. Dhaqankan gurracan waxa ay saldhig u tahay takoorka Soomaalida, waana
barta billowga cadaalad darrada. Bal aynu is dul-istaagno macnaha erayadan: Laandheere
iyo Laangaab, Lafweyn iyo Lafgaab. Weerahan ayaa ah kuwo isku duluc iyo ujeeddo ah,
lagana adeegsado gobollada waqooyi iyo gobollada koonfureed.
Laandheere: Waa eray laga soo ergeystay ama laga soo amaahday, Laanta geedka ee
dheer, taas oo ka dhigan, in laamaha geed ku wada yaal midina dheertahay midina gaaban

13
tahay, beeshii ka tirada badneyd beelaha kale, ayaa waxa ay ku riixayaan oo doonayaan in
ay mudnaan kaga helaan ka tiro badnaata beelaha kale, ee ay ab iyo isir wadaagta yihiin.
Laangaabna: Waa sida aynu kor ku soo qeexnay, waa laanta gaaban ee geedka, iyadoo
loola jeedo reer ka tiro yar reeraha kale ee ay tolka iyo xigaalka yihiin. Aynu tusaale ahaan
usoo qaadano dhawr gabay oo ku saabsan laandheernimada iyo laangaabnimada. Wuxuu
leeyahay Abwaan Faarax Laanjeer: Lugtu faraska lama loollantiyo, Landaroofaha'e;

Anna gabayga layguma legdoo, waw laxaadsadaye


Liisaan hadday dhaafto, oo lallabo xoogga
Oo aan lihiinsado intaan lur, u Kamaandeeyo

Libaax lama shuqeeyee sidee, loo lugo'ay caawa


Laanjeerse wax lay yidhiba, waa libinta geeraare
Lafdhannadu ma soo aaminaan, laamigaan maro'e

Sida lawyerkiyo Waalligaan, liid cas leeyahaye


Lag malyuuna bay haybtayada, laba kun dheerayde
Lafaha reer Issaaq waxannu nahay, laanta ugu dheere
Ayay loodin kara sow arliga, leexo qarin mayso.

Gabay kale oo uu tiriyey Abwaan Cismaan Yuusuf Keenadiid oo uu kaga hadlay isla dulucda
Laandheernimada ahi, oo aynu kor ku soo xusnay;

Laandheere gob ahaan jiroo, Gocoshadii haysoo


iyo kii ka gaabnaan jiroo, Haataan garab jooga
Gedda keeri yahay baa kan kale, Gaar isleeyahaye
Labadaa garaad oo ku jira, Yaw garnaqi doona?

Gabaygan oo isaguna ka hadlaya isla arrinka Laandheeranimada ayaa waxa uu naga tusayaa
qofka aragtidaa xambaarsan iyo qalafsanaaniinta, wuxuu leeyahay Gabyaaga oo magaciisa ku
gaabiyey A. Jinac sidan;

Caddaaladdu qareen bay u tahay, qoom hadduu jiro’e


Laandheere wiil lagu qufulay, qooqna lagu beeray
Oon qalin daraaliyo xumaan, kaba qasoobeynin
Oon waxa quruun lagu noqdiyo, qaranba loo sheegin
Qiimaha ay leedahay ma oga, qaylo baas-wade’e.

14
Xeerka Kaynta

Waxa aynu marag ka nahay in kaynta ay ku nool yihiin noole badan oo u kala qeybsama:
Duurjoog, Dabjoog iyo Dugaag. Saddexdan jaad ee ku dhaqan kaynta ayaa waxaa jira hab iyo
hannaan ay u nool yihiin. Duurjoogta iyo dabjoogta ayaa ah kuwo ku nool keliya oo daaqa
deegaanka dhulka iyo dhirta ku taal. Haddaba, habar dugaag ayaa jirta oo ah inta ka soo
harta labadan bahood ee duurjoogta iyo dabjoogta. Habar dugaag iyaduna waxa ay u kala
baxda micileey iyo micilaay, kuwa micida lehi waa kuwa bahalaha ah ee dad iyo duunyo
midna aan magangelin ee hilib ku noosha ah. Habar dugaag ayaa waxaa sii dhexyaal xeer
dhigaya in mid weliba midka uu ka weyn yahay ugaarsado, isaga oo ugu taagsanaya una
sheeganaya awood.
Libaaxa ayaa waxaa lagu naaneysaa Boqorka habardugaag, kumana kasban magac,
wanaag uu sameeyey iyo gobbonimo uu falay ee wuxuu ku gaaray xoogiisa iyo cududa uu u
sheegto noolaha kale ee kula dhaqan duurka iyo kaynta, taas oo ka dhigtey kan ugu mudan.
Waxaa jirta in ay jiraan noole kale oo loo yaqaan ‘Haadda ama Baalaley.’ Baalaleyduna waxa
ay kala leedahay, Ciddileey iyo ciddilaay, kuwa ciddida leh ayaa ah kuwa ugaarsada oo ku
nool noolaha kale ee ay ka awoodda badan yihiin, iyaga oo har iyo habeen u lalaya in ay
helaan ama cunaan noolaha yar yar ee cayayaanka ah iyo xamaaratada aan lahayn
waabeeyada iyo kuwa lehba. Sidoo kale, Galayrka ayaa lagu naaneysaa Boqorka Haadda iyo
Baallaleyda, Galayrku waa dagaalyahan, dilaa ah sidaa awgeed ayuu ku kasbaday magacan,
balse ma jirto wanaag iyo samofal uu ku noqday Boqorka haadda.
Halkaas waxaa nooga muuqanaya in ay jirto alab iyo halkudheg aaddanuhu la wadaago
noolaha kale, oo ah in kan awoodda badan ama xoogga leh loo qiro in uu yahay boqor ama
mid ka mudan kan taagta yar. Haddaba, beelaha Soomaaliyeed ee aynu ka soo sheekaynay
ayaa xeerkooda dhaqan ee ku’aadan xoola dhaqashada iyo beeraleyda ayaa lahaa mid aan
waxba ka duwaneyn kii u dhaxeeyey Habardugaag iyo Duurjoogta oo la isku awood sheegto.
Waana tan keenaysa in beesha tirada yari lagu faquuqo ama lagu muquuniyo waan kaa
badanahay, looguna awood sheegto, iyada oo gardaro iyo gabboodfalba loogu geeysanayo.
Haddaba, takoorka Soomaalida waxa uu hoos ugu sii daadagay in laba beelood oo ku wada
abtirsada Guuleed, Beesha Saalax Guuleed iyo Beesha Shire Guuleed; kan mudnaanta
koobaad lahi in uu yahay kan ku tiro badan deegaanka.
Dhaqankan gurracan ee ku salaysan laandheernimada waxa ay dib ugu laabanaysaa
dadka xoola dhaqatada ahi, gaar ahaan Geelleeyda. Haddaba, su’aasha isweydiinta mudan
waxa ay tahay, aragtidan miyey tahay aragti ku kooban kaliya bulshada Soomaaliyeed mise
waa mid ay la wadaagto bushooyinka kale ee dhaqda Geella ee ku nool qaaradda Afrika?
Waxaa jira dalal badan oo dhaca qaaradda Afrika, bulshadooduna tahay xoolo dhaqato gaar
ahaan dhaqda Geella. Waxaa ka mida qabiillada dega qeybta waqooyi ee dalka jaad,
koonfurta Kenya, Waqooyiga Tansaaniya,Bartamaha iyo Waqooyiga dalka Maali,Waqooyiga
Gaana,Koonfurta Itoobiya, iwm.
Ugu dambeyntii, aragtidan gurracan ee ku dhisan laandheernimada waa mid ka baxsan
xayndaabka bulshada ilbaxsan, ku dhaqankeedana uu weli ku dambeeyo bulshooyinka aan

15
ilbaxnimada iyo wada noolaanshaha gaarin, welina ku awdalan dhaqan laga guurey
qarniyaal hore.

Gun iyo Gob

“Haddaad dooneyso in aad noqoto gob, ha noqonin gummeeye, ee noqo gobeeye aan
gacalkiisa gowdhin.”

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Sida aynu horay usoo xusnay, waxaa jirta arrin kale oo bulshada Soomaaliyeed ku baahsan
lana yiraahdo GUN IYO GOB! Su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay yaa gun ah yaase
gob ah? Bulshada Soomaaliyeed waxaa Gob isu yaqaana inta ajiga ee iska doorbida kuwa
kale. Magaca Gun waxa ay siiyaan beelaha ay takooreen, kuwaas oo ay ku takooreen
arrimaha aynu soo xusney.
Erayga Gob, waxaa uu ka yimid magaca geedka gob oo ah mid miro macaan, haddana
dheer oo geed sare ah, marka cid walba oo gob ahi waa kuwa ka sareeya kuwa kale, iyaga
oo isu arka in ay ka mudan yihiin kana milge badan yihiin dadka kale, halka erayga Gun uu ka
yahay gunta hoose ee geedka, Jirrida waana qof la leeyahay dhaqan ahaan iyo dhalasho
ahaan ayuu hooseeya.
Haddaba weydiinteena ayaa ah, yaa gob ah yaase gun ah? Gobonnimada maloo dhashaa
oo waa abtirsiimo mise waa dhaqan. Aragtida ay qabaan boqolkiiba 90% dadka waxgaradka
ahi, gobonnimadu maahan dhalasho ee waa dhaqan, waa qof leh dadnimo wanaagsan,
xaqdhawr, deeqsinimo, xushmo iyo xilkasnimo, dulqaad iyo deganaan, hufan oo hawlkar ah,
qofka dhaqamadan leh waa gob reerkuu doono haka dhasho’e.
Gunnimaduna maaha dhalasho ee waa dhaqan, gun waxaa ah qofka qalafsan, Afka xun,
dhaqanka xun, tuugga ah, gocorka ah, caadda qaata ah, dabadhilifka ah, beenloowga ah,
balan baxyada yaqaan wax kasta oo xumi dhaqankiisa yahay kaas ayaa gun ah, reerkuu
doono haka dhasho’e. Haddaba, abwaan Hadraawi oo si hufan u qeexay hab-dhaqanka
Gunnimada iyo Gobonnimada wuxuu leeyahay;

Geesteyda waa fule ninkii, goob ka saahidaye


Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye
Guri ba’ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye
Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye.

Waxaa jirta in waayadii dambe Gobonnimada eray bixin cusub loo adeegsaday, taas oo ah
xornimada iyo madax bannaanida qofka, wanaaga, qabka qofka iyo qarankaba waana halkii
uu ka yiri abwaan Xaaji Aadan Af qalooc;

Gobonnimo sunbaa kaa xigtoo, laysma siin karo’e


Waa Sarac ku baxa dhiig rag, oo lagu sadqeeyaaye

16
Sarkaca kufrigu waa sasabo, suu na leeyahaye.

Gabyaa kale oo u marag furay abwaan Xaaji Aadan asagana waxa uu yiri;

Baaruuda qiiqdiyo haddaan, Baawer lagu raadin


Gobonnimo bilaash laguma helo, Ban iska taaltaale.

Sikastaba, marka ay timaado hab-dhaqanka xun ee gunnimada ahi, Hal-abuur Cabdiraxiin


Hilowle Galayr waxa uu yiri;

• Horta yaa gunnimada leh?


• Gobonnimo u gaar tahay?
• Side baan ku garanaa ?
• Dadyahaw loo gorfeeya?
• Gobtana aan u sheegnaa?
• Gunnimana ku baranaa ?
• Gunnimadu ma aha beel
• Abtirsiimo gaaroo
• Qolyo ay guddoonteen!
• Gobonnimo ma aha beel
• Oday sheegad g0oni ah
• Qolyo gaara leeyihiin
• Waa dhaqanka guudiyo
• Qofba geel la daaqdi
• garashadiyo maanki

• Gobta waxa u caado ah


• Garaad fiican weeyaan
• Dad garaaba weeyaan
• Gedi samaha wada jecel
• Geed ka fuula xumahoo
• Ku gadaaman sharaftoo
• Ka gaabsada xumaatada

• Guntana waxaa u caado


• Gunuus aan dhammaaniyo
• Guux xumaan ka buuxdiyo
• God daloolo badanoo
• Marna aan garawshiiyo
• Garta inay u qaataan
• Guurtidu siday tidhi
• Garanayn dadkaygoow.

17
Bal aynu dib u eegno erayga Gun oo is-rogrog badan kadib, ugu dambeyntii isu-
dhalanrogey gumeyn-oo ah qofka in laga qaaddo xoriyada ama madax bannaanida, la
addoonsado, taas oo isu-bedeshay Gumeysi. Haddaba, Gun in ay tahay dhaqan oo aysan
ahayn dhalasho waxaa caddeyn u ah hab-dhaqanka gumeysiga oo ah midka gunnimada oo
dhani ka soo farcantay. Sidoo kale, gobonnimo u dirirka waa dhaqanka wanaagsan ee diida
dhammaan falalka iyo hab-dhaqanka foosha xun ee gumeeyaha.

Gunnaanad
Dhaqan Soomaaligu laba tusaaleba waa laga heli karaa: Tusaalooyinka wanaagsan iyo
tusaalooyin xun xun. Dhaqanka Soomaalida markaad ka eegto dhankiisa taban, tusaalaha
ugu horeeya ee aad soo qaadan karto waa takoorka. Balse, nooca takoorka oo ay
Soomaalidu adeegsato wax badan ayuu kaga duwan yahay jaalalka kale ee ka jira dunida
gaar ahaan kan ka jira dalka hindiya.
Waxaa jiro meelo badan oo uu dhaco takoorka Soomaalida, sidoo kale waxaa jira meelo
badan oo ay Soomaalidu kula macaamisho dadka la takooray. Waxaa ka mida: In kuwa wax
takooray iyo kuwa la takoorayba ay hal waddo isla maraan, gaadiidkana isla raacaan, markii
kooxi dhib qabsato kooxda kale ay u gargaarto, geella wada dhaqdaan, is-kaashadaan.
Waxaa ka dhaxeeya gaashaanbuureysi dhinaca cududa ah oo beel weliba beel kale ayay
la gole tahay oo ay isku daaban yihiin. Waxa aynu ka soo hadalnay sidii ay ku timid gun iyo
gobonnimo, laandheer iyo laangaab. Waxa ayna soo ogaanay in bulshadu ay u adeegsatay si
ka duwan sidii loogu talo galay. Sidoo kale, indha-indheentii aynu ku sameynay dhaqanka
Soomaalida waxa aynu ku soo ogaanay jiritaanka afar nooc-takoor oo kala ah: Sinji, Jinsi,
Muuq iyo Dhaqan.

18
Tixraac
Minority Rights Group Organization. Peoples under threat. Available from:
http://peoplesunderthreat.org/data (Accessed in April, 2017).

Abdulqaadir Aroma (2005). Hadimadii Gumeysiga, Aroma Publication. Muqdisho


Soomaaliya.

Walter Rodney (1972). How Europe Underdeveloped in Africa, Bogle-L'Ouverture


Publications. London, United Kingdom.

Fredrik Barth (1969). Ethnic Group and Boundaries, Little, Brown and Company. Boston,
Massachusetts.

i
Discrimination based on descent in Africa 2002. The Internaitonal Dalit Solidarity Network. London,
United Kingdom.
ii
Study on Minorities in Somalia. UN-OCHA Office in Somali. Available from:
http://reliefweb.int/report/somalia/study-minorities-somalia (Accessed in March, 2017).

iii
http://peoplesunderthreat.org/countries/somalia

19

View publication stats

Вам также может понравиться