Вы находитесь на странице: 1из 10

Shidaalka Soomaaliya: Ma ku tiirsanaanta dhoofinta shidaalka

belayaa laga dhaxli doonaa (Qeybta saddexaad), kadibna si kooban u


mise Barwaaqo? eegi doonaa casharada laga baran karo
(Qeybta afaraad), sidoo kale waxaan
Hassan Mudane
dulmar ku sameyn doonaa qasaaraha iyo
Maayo, 2017
faa’iidada la filan karo (Qeybta shanaad),
waxaan saadaalin doonaa kuwa ka
“Abeesadu waxa ay cuntaa ciida, laakiinse faa’ideysan kara soo saarista shidaalka
caqli badnaan iyo taxadar inta ay ka qabto, Soomaaliya (Qeybta lixaad), ugu
way u habeen seexataa si aysan oga
dhammaan.” dambeyntiina, waxaan soo jeedin doonaa
tallooyin ku saabsan sida looga hortagi
Murti Soomaaliyeed
karo musiibada ka imaan karta soo saarista
shidaalka Soomaaliya (Qeybta todobaad).

Horudhac

Maxay tahay casharada ay Soomaaliya ka


baran karto musiibadii ku dhacday
waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan
yahay dhoofinta shidaalka? Maxay tahay
sababta loo doonayo soo saarista shidaalka
Soomaaliya? Yaa ka faa’ideysan doona?
Waa saddexda su’aal oon doonayo in aan
ku dhex falanqeeyo maqaalkan.

Waxaan ku bilaabi doonaa taariikhda


Soomaaliya oo kooban (Qeybta koowaad),
kadibna waxaan si kooban u eegi doonaa
Keywords: khayraadka dabiiciga, Shidaalka
musiibada laga filan karo waa haddii
Soomaaliya, Musiibo, Musuq-maasuq,
dhaqaalaha dalka uu noqdo mid ku tiirsan
Maamul xumo.
dhoofinta khayraadka dabiiciga sida
dhoofinta shidaalka (Qeybta labaad), Emails: homar.ahmed@istanbulticaret.edu.tr

waxaa ku xigi doona sida looga baxsan or Mudanep5@gmail.com

karo dabinka ay dhigto isku haleynta ama

1
Taariikhda Soomaaliya oo kooban astaamaha shidaalka. (HIPS, 2014). Wixii
ka dambeeyey kontomeeyadii, shirkaddo
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay laga leeyahay dalka Talyaaniga iyo
waddamada dhaca dhanka bari ee Maraykanka ayaa ahaa kuwii billaabay in
qaaradda Afrika. Waxa ay xoriyadeeda ay baaritaan ku sameeyaan shidaalka
heshay sanadkii 1960. Intii u dhaxeysay Soomaaliya. Shirkadda Eni (oo markii
1969 ilaa 1990, waxaa soo maray maamul hore loo yiqiin Agip) iyo shirkadda Sinclai
militari oo uu hoggaaminaayey ayay ahaayeen kuwii baaritaanka ku
Madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad sameeyey dhulka Soomaalida. Waxaa
Barre. Wixii ka dambeeyey sanadkii 1991 xigay baaritaano kale, oo ay sameeyeyn
ilaa 2006, dalka waxaa ka jiray ciyaar shirkaddaha kala ah: ConocoPhillips,
siyaasaddeed ku dhisan qabiil oo ay dhex Shell, Amoco, Total iyo Texaco. Markii ay
maraysay hoggaamiyo kooxeedyo kala meesha ka baxday dowladii dhexe ee
duwan. Sanadkii 2006, ciyaar Soomaaliya, 1991. Waxaa joogsaday
siyaasaddeedkii Soomaaliya waxa ay howlihii sahminta shidaalka Soomaaliya.
gashay marxalad kala guur ah. Halgan (HIPS, 2014).
siyaasaddeedkii ku dhisnaa qabiilka waxa
ay isku beddashay mid ku dhisan diin. Haddaba, shidaalka ku kaydsan
Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa ku
Wixii ka dambeeyey sanadkaas, ciyaar dhowaad 110 bilyan oo fuusto, sidoo
siyaasaddeedkii Soomaaliya waxaa ku soo kalena xeebaha Soomaaliya waxaa dhex
biiray koox diimeedyo kala duwan, mid yaala shidaal badan oo aan weli la qiyaasin
walbana li’di ku ah dowladii timaada. inta uu la’eg yahay. Taasi Soomaalida
Sanadkii 2012, waxaa dalka ka dhacay waxa ay marna u noqon kartaa filasho
doorasho madaxtinimo oo ay xilka ku kala wanaagsan marna musiibo. Hadba waxa ay
wareegayeen madaxweynayaashii hore ee ku xiran tahay sida loo maamuli doono
Soomaaliya Shiiq Shariif Shiiq Axmed iyo hantida ka soo xaroota khayraadkaas. Shan
Xasan Shiiq Maxamuud. Afar sano kadib, iyo labaatan sano kaddib, dagaalkii
waxaa dhacday doorasho labaad oo ay sokeeye ee Soomaaaliya, waxaa dib u soo
xilka ku kala wareegeen Madaxweynii noolaatay hankii ay Soomaaliya ku
hore Xasan Shiiq Maxamuud iyo doonaysay in ay ka mid noqoto
Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi waddamada dhoofiya shidaalka. Balse,
Farmaajo. su’aasha isweydiinta mudan waxa ay
Si kastaba, taariikhdaas dheer ee aan soo tahay, ma la joogaa xilligii ay Soomaaliya
koobay, Soomaaliya waxa ay aheyd dal soo saaran laheyd shidaalkeeda?
aan marnaba khayraadkiisa la taaban oo
aan dibadda loo soo saarin.

Bal aynu dib u yara milicsano taariikhda


sahanka shidaalka Soomaaliya, oo ah mid
soo billowday xilligii gumeysiga. Xilligii
gumeystaha uu joogay dhulka Soomaalida
ayaa waxaa jiray dhul-baarayaal Talyaani
iyo Maraykan ah, waxa ay summadeeyeyn

2
Musiibada Khayraadka khayraadka dabiiciga sida dhoofinta
shidaalka, sida dalka Nayjeeriya,
Waddamada dhaca qaaradda Afrika, Fenusweela, Jaad, Koonfurta Suudaan,
heykal-dhaqaaleedkoodu inta badan waxa Zaambiya, Koongo, Sira-liyoon, Angoola,
uu ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadka iwm. Adiga oo ka fiirinaya inta ay
dabiiciga sida dhoofinta shidaalka, la’egtahay heerka waxbarashada,
saliidda, macdanta qeybaheeda kala horumarka dhaqaalaha, caafimaadka,
duwan, dheemanka, dahabka, maarta, boqolkiiba inta wax qori karta waxna
iwm. Kaliya maahan waddamada dhaca akhrin karta, sanadkiiba lacagta uu qofka
qaaradda Afrika, waxaa kaloo jira mushahar ahaan u helo.
waddamo badan oo ka mida dunida
saddexaad oo dhaqaalahoodu weli ku Natiijada aad heli karto waxa ay ku dul-
tiirsan yahay dhoofinta khayraadka wareeganaysaa farqiga weyn ee u
dabiiciga. Sida Michael (1999) uu dhaxeeyo nolosha labadaas bulsho. Sidoo
tilmaamay, “Afar meelood saddex meel ka kale, waxaad ogaanaysaa, sida ay wax
mida waddamada dhaca saxaraha Afrika, noqon karaan haddii dal uu ku qanco in
saddex meelood laba meel ka mida dhaqaalahiisa uu noqdo mid ku tiirsan
waddamada dhaca laatiin Ameerika, kaliya dhoofinta khayraadka dabiiciga.
bariga dhexe, waqooyiga Afrika waxa ay
Waxaa jira waddamo fara-kutiris ah oo ka
weli ku tiirsan yihiin dhoofinta khayraadka
baxsaday dabinka ay dhigto ku tiirsanaanta
dabiiciga.”
dhoofinta khayraadka dabiiciga, waxaa ka
Haddii waddan uu leeyahay khayraad mida: Sucuudiga, Kuweyt, Qadar,
dabiici ah sida shidaal, sidoo kalena uu Baxreyn, Noorwey, Jili, Induniisiya iyo
dibadda u dhoofiyo khayraadkiisa Butuswaana. Inta badan lacagta soo gasho
dabiiciga, lacag badana ay ka soo gasho, waddamadaas waxa ay ka soo gashaa
sow maahan in dadkiisu ay ku noolaadan dhoofinta khayraadka dabiiciga sida
nolol ka baxsan xayndaabka dhoofinta shidaalka. Dadka ku nool
saboolnimada. Sidaa cagsigeeda, inta waddamadaas, nolosha ay ku nool yihiin
badan dadka ku nool waddamada dhoofiya waa heer sare. Maxaa ka caawiyey in ay
shidaalka waxa ay ku nool yihiin nolol ka baxsadaan dabinka? Wax kale ma jiro
saboolnimo iyo gaajo buuxisay. Sida oo aan ka aheyn sida wacan oo ay u
Collier (2007) uu xusay, “Boqolkiiba 19%, maamuleyn lacagta ka soo xaroota
dadka faqriga ah waxa ay ku nool yihiin dhoofinta khayraadkaas, iyo sida
waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan wanaagsan oo ay oga hortageyn musuq-
yahay [dhoofinta] khayraadka dabiiciga.” maasuqa.

Bal isbarbardhig ku sameey heerka ay Sidoo kale, waxaa jira waddamo kale oo
gaarsiisan tahay nolosha bulshada ku nool ayagana dhoofiya khayraadka dabiiciga
waddamada dhaqaalahooda uusan ku sida shidaalka, balse bulshadoodu ay ku
tiirsaneyn dhoofinta khayraadka dabiiciga nooshahay nolol ku hareereysan faqri iyo
sida Koonfurta Kuuriya, Jabaan, Talyaani, gaajo. Haddaba maxaa u diiday in ay ku
Taylaan, Malaysiya, Singabuur. Iyo noolaadaan mid la mida tan ay ku nool
bulshada ku nool waddamada uu yihiin bulshada waddamada khaliijka?
dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta Waxa kaliya ee sharxi kara arrinkaas waa

3
musuq-maasuqa. Waxa biday in kuweyt, qadar, intooda badan waa bulsho
bulshadaasi ay ku hoos noolaato noloshaas ku nool lacagta dowlada, mana bixiyaan
faqriga ah waa musuq maasuqa baahsan oo canshuur.
ay sameeyeen madaxda hoggaamisa.
Rejadii la filaayey oo aheyd, in Sikastaba, haddii Soomaaliya ay
noloshooda ay wax badan iska beddali doonayso in ay cagta saarto waddadii
doonto haddii ay soo saartaan shidaalka, gaarsiin laheyd ‘Musiibada Khayraadka’
balse rejadii waxa ay ku noqotay musiibo. iyada oo ka mid noqonayso waddamada
uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay
Shaki kuma jiro in haddii dal uu dibada u dhoofinta khayraadka dabiiciga sida
soo saaro khayraadkiisa dabiiciga sida Nayjeeriya, Zaambiya, Fenusweena,
shidaal, ay u badan tahay in uu ka mid Koonfurta Suudaan, Jaad, Gaana, Sira-
noqdo waddamada ‘kireysta liyoon, Angoola, Koongo, Kaamiruun,
khayraadkooda dabiiciga,’ kana kireysta iwm. Waa in ay diyaar u noqotaa sidii ay u
dowladaha lacagta leh ee reer galbeedka wajahi laheyd Musiibada Khayraadka!
ama shirkadaha shidaalka ee gaarka loo
leeyahay ee reer galbeedka. Dhoofinta uu Musiibada uu ka digayo maqaalkan waxa
dalkaasi dhoofinayo khayraadkaasiisa, ay imaan kartaa, markii ay Soomaaliya
waxa ay hilmaamisaa xoog saarida dibadda u soo saarato khayraadkeeda
qeybaha kale ee ilaha dhaqaalaha sida: dabiiciga sida shidaalka ama macdanta
horumarinta warshadaha, dhoofinta yuuraaniyoomta, kaddibna ay heshiis kula
dharka, cuntada, dalaga beeraha, gasho mid ka mida shirkadaha shidaalka
tiknoolijiyada casirga, ganacsiga, iwm. ee reer galbeedka sida shirkadan ‘Soma
Oil and Gas’ (Sanadkii 2013, shirkaddan
Haddii dal uu galo jawigaas ama xaaladaas waxa ay heshiis ku saabsan sahminta
waxaa inta badan ku dhaca ‘Cudurka shidaalka dhex yaalla xeebaha Soomaaliya
Dhajka.’ Cudurkan waxa uu yimaada la gashay dowladda federaalka
marka dal si kadis ah ku soo saarto Soomaaliya), waana shirkadda xilligan
khayraadkiisa dabiiciga sida shidaal, lagu xanto sahminta shidaalka
kadibna dhoofinta shidaalkaas uu lacag Soomaaliya.
badan ka sameeyo, taasi oo sababta in uu
si fudud ku hilmaamo horumarinta Haddii mid ka mida qodobbada
qeybaha kale ee ilaha dhaqaalaha. Ugu heshiiskaas uu noqdo mid tilmaamaya in
dambeyntiina, dalkaas waxa uu noqdaa shirkadda ay maamusho ama qeyb weyn
mid aan dhaqaalehiisu isku dhafneen, kuna ku yeelan karto faa’iidada ka soo xaroota
tiirsan daqliga ka soo gala dhoofinta khayraadkaas, dowladduna ay daawade ka
shidaalka. noqoto, dhaqaalaha waddankana uu noqdo
mid ku tiirsan, iskuna haleeya dhoofinta
Bulshada ku nool dal sidaas oo kale u shidaalka, markaas ayay soo muuqan
dhisan yahay dhaqaalehiisa, inta badan doontaa MUSIIBADA KHAYRAADKA!
waxa ay ka mid noqdaan bulshooyinka
caajiska badan ee ku nool lacagta Mid ka mida waxyaabaha sababta u ah in
bilaashka ah ee dowlada ka soo gasho ay dhacdo musiibadaas waxaa ka mida,
dhoofinta shidaalka. Tusaale, bulshada ku qiima dulsaaran dhoofinta khayraadka
nool waddamada khaliijka sida sucuudiga, dabiiciga sida shidaalka waxa ay inta

4
badan ku xiran tahay is bed-beddalka hortagi karo waa in la abuuro jawi ku
sicirka dunida, sicirka dunidana waxaa dhisan kalsooni iyo is aamminaad dhex
maamula reer galbeedka. Marka ay rabaan mara Qabiillada Soomaaliyeed, Maamul
ayay hoos u dhigaan marka ay rabaana kor Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.
ayay u qaadaan. Marka sicirka hoos u
dhaco waa marka ay billaabanayso Su’aasha isweydiinta mudan waxa ay
gilgilashada dhaqaalaha dalka. tahay, haddii la soo saaro shidaalka
Soomaaliya, maxay ka beddali kartaa
Haddaba, sidee looga hortagi karaa nolosha bulshada Soomaaliyeed? Waxaa
musiibadaas? Hadba waxa ay ku xiran jirta aragti suuqa ku dhex jirta oo ay inta
tahay sida loo maamulo daqliga ka soo badan ku doodaan dadka aaminsan in la
xarooda khayraadkaas, sidoo kalena in la joogo xilligii ay Soomaaliya soo saaran
abuuro dhaqaale isku dhafan oo aan kaliya laheyd shidaalkeeda. Aragtidaas waxa ay
la isku haleyn lacagta kirada ah ee ka leedahay, haddii la soo saaro khayraadka
imaanaysa dhoofinta shidaalka iyo helida Soomaaliya, waxa ay wax badan ka
dowladda xooggan oo ku dhisan maamul beddali doontaa nolosha bulshada
wanaag, taas oo ku timaada rabitaan Soomaaliyeed. Waxa ayna yareen kartaa
shacab. khilaafka Soomaalida. Balse, taasi sida loo
yiri mise sida ay wax noqon doonaan!
Musiibadaas waxa ay noqon kartaa mid Runtii aragtidaas waxaan u arkaa in ay
muuqata oo la arki karo, waa marka ay tahay aragti lagu marin habaabinayo
isbiirsadaan maamul xumo ku dhisan bulshada Soomaaliyeed.
musuq-maasuq iyo marka dhoofinta
khayraadkaas ay noqoto ilaha kaliya ee Ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka
daqliga dowlada. Haddii shacabku uu ku dabiiciga sida dhoofinta shidaalka waxa ay
fashilmo la socodka musuq-Maasuqa ku sabab u noqon kartaa in dalka uu gaari
dhisan laaluushka oo ay inta badan waayo horumar dhanka warshadaha.
sameeyaan madaxda dowladaha uu Collier (2007) waxa uu ku doodday,
dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta “dhoofinta khayraadka dabiiciga, iska daa
shidaalka, waxa ay noqon kartaa barta ay in ay wax ku kordhiyaan dhaqaalaha
ka billaabanayso musiibada iyo maamul waddanka, waxa ay qeyb ka qaadan karaan
xumida ku’aadan sida loo mareyn karo caqabadaha ka hor istaagi kara dalka in uu
lacagta ka soo xaroon doonta dhoofinta xaqiijiyo horumar dhaqaale, sida hurinta
shidaalka Soomaaliya. colaadda.” Sanadkii 2013i, qoraal ka soo
baxay wasaaradda horumarinta caalamiga
Halista ugu weyn waxa ay soo muuqan ee dalka Ingiriiska, waxa ay ka digtay, soo
karta marka Siyaasiyiinta Soomaalida, saarista shidaalka Soomaaliya in ay sii
Maamul Goboleedyada, qaar ka mida hurin karto musuq-maasuqa iyo khilaafka
Qabiillada Soomaalida uu dhex maro Soomaalida.
tartan loo galayo xaraashka iyo
heshiisyada shidaalka Soomaaliya, taas oo Sahminta shidaalka Soomaaliya waxa ay u
keeni karta in ay ku deg degaan heshiisyo badan tahay in ay kiciso xiisad
ay la galaan shirkadaha shidaalka, iyada siyaasaddeed, taas oo horseed u noqon
oo aan si fiican looga baaraan degin. karta dib usoo cusboonaanshaha colaadda
Haddaba, habka ugu muhiimsan ee looga Soomaaliya. (HIPS, 2014).

5
Sidee looga baxsan karaa? dowlada federalka, maamul
goboleedyada, iyo qabiilada
Soomaaliya waxa ay ka mid yahay dalalka Soomaaliyeed.
leh ifafaalo wanaagsan ee xagga tamarta,
waana dal ay haysato caqabado badan oo Haddii dibadda loo soo saaro shidaalka
la xiriira sahanka shidaalka. Waxaa jirta Soomaaliya, kadibna shacabku ay ku
caqabado badan oo is hor istaagi kara fashilmaan u dhug-yeelashada iyo la
rejada soo saarista shidaalka Soomaaliya, socodka musuq-maasuqa; musuqa-
waxaa ka mida, farsamada, kaabayaasha maasuqaas waxa uu noqon doonaa sumad
iyo isku socodka, sidoo kalena maahan oo ama calaamad dusha kaga sawiran tahay
kaliya caqabadaas balse waxaa kaloo jira siyaasi walba oo talada waddanka hayn
culeysyo kale oo fara badan oo ay ka mid doona, xaalkuna wuxuu noqonayaa
yihiin xiisad siyaasaddeed, amni darro, ‘waraabe hilbo ku raro’
hey’ado nugul iyo mugdi baahsan oo ku
saabsan xuquuqda lahaanshaha hantida. Casharada laga baran karo
(HIPS, 2014). Inkasta oo ay muhiim tahay horumarinta
Iyada oo intaasi caqabad jiraan, haddana dhaqaalaha iyo maareynta siyaasadda si
aad bay u adag tahay in hal meel oo kaliya looga hortago musiibada haddana waxaad
xalka laga helo, balse xalka ugu fiican arkaysaa in xiriir weyni aysan ka dhaxeyn
waxa uu noqon karaa in la sameeyo ka jahwareerka siyaasaddeed iyo musiibada
hortag si aysan u dhicin musiibada. Xalka khayraadka, sida lagu arkay dalalka
waxaa uu mar walba ku dulwareegtaa dal Butuswaana, jili iyo induniisiya. Taasi
walba nooca ay tahay siyaasaddiisa, waxa ay muujinaysaa casharadii laga
dhaqaalihiisa iyo arrimihiisa bulshada. bartay dalalkaas in ay aheyd: Maamul iyo
(HIPS, 2014). Balse, mar walba waa shaqaale leh xirfad iyo aqoon, si loo
muhiim in la feejignaado, sidoo kalena la maareeyo dakhliga shidaalka, loona
isku diyaariyo sidii loo maareyn lahaa abuuro wax soosaar dhaqaale oo isku
musiibada. dhafan, kana duwan kan shidaalka (HIPS,
2014).
Haddaba, si looga hortago musiibada waa
in loo sii maraa saddex waddo oo kala ah: Haddaba, waxaa jira waddamo badan oo
dibadda u soo saaray khayraadkooda
• In la helo dowlad feejigan oo leh dabiiciga sida shidaal, saliid, macdanta
farsamo, aqoon iyo awood sharci qeybaheeda kala duwan, sida dheeman,
oo ay kula gorgortami karto dahab, maar, iwm. Ma sidii ay
dhurwaayada doonaya in ay filashadoodu aheyd (Ka hor inta aysan
dhuuqaan khayraadka Soomaaliya. dibadda u soo saarin khayraadkooda) mise
• In shacabku aysan marnaba u sida ay wax noqdeen. Wixii ay filayeen
dulqaadan, una dhug-yeeshaan, waxa ay ku noqotay musiibo khayraad!
kana hortagaan maamul xumo ku Waddamada aan isleeyahay Soomaaliya
dhisan musuq-maasuq. waxa ay ka baran kartaa casharo
• In la abuuro jawi ku dhisan wanaagsan waxaa ka mida: Nayjeeriya,
kalsooni iyo is-aamminaad, taas oo Zaambiya, jaad, Koonfurta Suudaan,
sahli karta isfaham dhex mara Fenusweela, Sira-liyoon, Leybeeriya,

6
Koongo, Angoola, iwm. Tusaale, 50kii Magaca muuqaalkaas waa bililiqaysiga
sano ee la soo dhaafay, dalka Nayjeeriya Afrika (Stealing Africa).
lacagta ka soo gashay dhoofinta shidaal
waxay ay kor u dhaaftay $800 bilyan oo Haddaad daawato muuqaalkaas waxaad
dollar, haddana celcelis ahaan maalintii ogaanayso musiibada ka dhalan karta
lacagta soo gasho shakhsiga waa hal isbiirsiga musuq-maasuqa iyo ku
doolar. (HIPS, 2014). tiirsanaanta dhoofinta khayraadka
dabiiciga. Maamulkii hoggaaminaayey
Si kastaba, aad bay u adag tahay in maanta dalkaas, waxa ay ku fashilmeyn maareynta
Soomaaliya ay hesho dal ama shirkad u dhaqaalihii ka soo galay dhoofinta
soo saarta khayraadkeeda dabiiciga, iyada khayraadka dabiiciga. Maantana dad reer
oo aan weydiisan boqolkiiba inta ay ku Zaambiya waxa ay ka mid yihiin dadka
yeelan karto khayraadkaas. Musiibada ugu faqrisan dunida.
heysata dadka reer Gaana waxaa ka mida
in boqolkiiba 90, shidaalka ay dhoofiyaan Casharada ugu muhiimsan ee laga baran
faa’iidada ka soo xaroota ay ku karo waxaa ka mida:
raaxeystaan shirkad laga leeyahay dalka • In bulshada aysan marnaba u
Maraykanka. Maanta bulshada reer Gaana dulqaadan oo ay ka hortagaan, lana
waa ay ka baahan yihiin khayraadkooda. socdaan, musuqa-maasuqa ay
Ma sidaas oo kale ayay Soomaaliya sameeyaan madaxda dowladda.
doonaysaa mise si ka duwan? Waa in • In dowladda ay xoogga saarto
Soomaaliya ay wax badan ka barataa qeybaha kale ee illaha dhaqaalaha
waddadii ay mareen iyo sida ay ugu sida: horumarinta warshadaha,
fashilmeyn waddamo badan oo horay u dhoofinta dharka, cuntada iyo
soo saaray shidaalkooda. dalaga beeraha, horumarinta
Tusaale kale oo aan isleeyahay noocyada kala duwan ee ganacsiga.
Soomaaliya cashar ayay u noqon kartaa, Si looga badbaado ‘cudurka
waxa ay ku saabsan tahay dhacdo ka dhajka,’ loona helo dhaqaale isku
dhacday dalka Zaambiya. Marka ay dhafan.
isbiirsadaan musuq-maasuq iyo dhoofinta • Abuurista dhaqan siyaasaddeed ku
khayraadka dabiiciga, natiijada soo bixi dhisan maamul wanaag.
karta, waxa aynu tusaale ahaan ugu soo
qaadan karnaa dalka Zaambiya oo ah
waddan leh khayraad dabiici ah. Zaambiya
waa dalka ugu badan ee dhoofiya
macdanta maarta. Dhaqaalahiisuna waxa
uu ku tiirsan yahay dhoofinta
khayraadkaas. Inta badan godadka laga
qodo martaas waxaa maamula mid ka
mida shirkadaha shidaalka ee gaarka loo
leeyahay ee reer galbeedka. Waxaa jira
muuqaal ku saabsan dhacdo ay ku lug-
laheyd shirkadaas oo ka dhacday dalkaas.

7
Qasaaraha iyo Faa’iidada Tallooyin

Shaki kuma jiro soo saarista shidaalka Talooyinka aan doonayo in aan usoo
Soomaaliya in uu qaasarahiisu wato. jeediyo siyaasiyiinta Soomaaliya gaar
Qasaaraha la filan karo wax badan ayay ahaan kuwa ay talada ka go’do waxaa ka
noqon karaan, balse maqaalkan kaliya mida:
waxa uu tilmaamayaa saddex ka mida
qasaaraha la filan karo, waxaana ka mida: ❖ In dowladda federaalka
Soomaaliya ay dib u eegis iyo dib
• In musuq-maasuqa kordho. u habeynba ku sameyso mugdiga
• In ay meesha ka baxdo nidaamka dhanka sharciga ah ee ku’aadan
dimuqoraadiyada Soomaaliya. sida loo qeybsan karo khayraadka
• Hurinta colaadda sokeeyo. Soomaaliya, yeey tahay cidda xaqa
u leh in ay heshiis la gasho
Kaliya maahan in loo fahmo, haddii dal uu shirkaddaha shidaalka, sidoo
soo saarto khayraadkiisa dabiiciga sida kalena yaa looga fadhiyaa fullinta
shidaal in ay ku noqonayso musiibo. heshiiskaas.
Haddii si fiican loo maamulo, lagana ❖ In la sameeyo daraasad ku saabsan
dhowro musuq-maasuq, wax isdabamarin, dalka Butuswaana oo ah dal lagu
tuugnimo, laaluush qaadasho; dakhliga ka naanayso ‘Mucjisada Afrika’ sidii
soo xaroon doona dhoofinta shidaalka ay oga baxsadeyn dabinka
Soomaaliya. Waa suurtagal in ay soo musiibada (Ku tiirsanaanta
saarto faa’iido badan, taas oo dalka ku dhoofinta khayraadka dabiiciga),
hagta waddadii barwaaqada, Sidoo kalena iyo sidii ay u maamuleyn
ay wax badan ka beddasho noloshada dhaqaalahii kaga soo xarooday
bulshada Soomaaliyeed. dhoofinta khayraadkaas.
❖ In lagu dhaqmo xikmadii aheyd
Yaa ka faa’ideysan doona?
‘Intaadan fallin ka fiirso,’ lana
Haddii ay dhacdo in Soomaaliya laga helo sameeyo qiimeyn ku’aadan sida ay
khayraad dabiici ah sida shidaal ama mustaqbalka wax noqon karaan, ka
Yuuraaniyoom kaddibna dibada loo soo hor soo saarista shidaalka
saaro. Waxaan ku dooddayaa, in Soomaaliya; inta aadan guurin ayaa
khayraadkaasi ay afka u dhigan doonaan, sahan la dirsadaa.
oo ay ka faa’iideysan laba koox oo kala ❖ In la dhiso lana xoojiyo hey’ad
ah: madax bannaan oo la dagaalanta,
ka hortagta, lana socota musuq-
• Siyaasiyiinta Soomaalida. maasuqa.
• Shirkadaha shidaalka ee reer ❖ In la xoojiyo hey’adaha canshuur
galbeedka. uruurinta si daqliga dowladda uu u
noqdo mid ka soo xarooda
Sikastaba, soo saarista shidaalka
canshuurta dadweynaha balse
Soomaaliya laba waddo mid un bay u
uusan noqon mid isku haleeya,
jiheyn kartaa: Mid gaarsiin kartaa musiibo
kuna tiirsan kaliya dhoofinta
iyo dib u dhac iyo mid gaarsiin karta
khayraadka dabiiciga.
barwaaqo iyo horumar.

8
❖ In dowladda federaalka
Soomaaliya ay furto dood
cilmiyeedyo ku saabsan shidaalka
Soomaaliya, taas oo ay ka qeyb
galayaan qeybaha kala duwan ee
bulshda rayidka.
❖ In dowladda federaalka
Soomaaliya ay abuurto heykal-
dhaqaale oo isku dhafan, balse
aysan isku haleyn kaliya daqliga ka
soo gali doona dhoofinta shidaalka.

9
Tixraac

Paul Collier (2007). The Bottom Billion:


Why poorest countries are failing and what
can be done about it. Oxford University
Press.

Michael L. Ross (1999). The political


economy of the natural resource curse.
World Politics, vol. 51, 297-322.

Heritage Institute for Policy Studies


(2014). Oil in Somalia: Adding Fuel to the
Fire. HIPS Policy Briefing Issue. HIPS:
Mogadishu.

Note

i
Source: Memo – Department for International
Development, May 2013.

10